Magacaabidda Dr. Cabdiweli… Ma Runbaa…! Ma Riyaa …! Analysis by Dr. Hassan A. Muse

Dr. Hassan A. Muse (Exclusive for Keydmedia.net) - Xilka wasiirka 1aad loo magacaabay Dr. Cabdiweli Maxamad Cali waa arrin marin habawday. Aqoon keliyuhu ma ahan astaanta tiirdhexaadka oo Cabdiweli lagu sifayn karo waxqabadkiisa mas’uulnimo.
Faallo Keydmedia Online
Magacaabidda Dr. Cabdiweli… Ma Runbaa…! Ma Riyaa …! Analysis by Dr. Hassan A. Muse

Sida  lagu yaqaan, Cabdiweli M. Cali waa hindhisada Cabdullaahi Yuusuf Axmad  oo ah ninka soo gardaadiyey oo uu ku halqabsado, lagamana filayo inuu noqdo mas’uul dadku u siman yahay oo daacad u noqon kara bulshada inta uusan ku abtirsan ee ku nool gobollada koofureed.

Marka loo eego caadifadda qabiilnimo oo Cabdiweli uu ku dhaato, ma noqon karo hawlwadeen leh gacmo furan oo lagu aamini karo hoggaaminta aayaha bulsho-weynta Soomaaliyeed.

Magacaabiddiisa reerka uu ka dhashay waa raalligelinaysaa, ummadda kalena waa gaagixinaysaa. Durba markii la magacaabay waxaa Xamar kusoo qulqulay madaxdii dhafoor-qiiq hagi jirtey oo uu kamid yahay:  Xasan Abshir, Cirro, Maxamad Cabdi Yuusuf, iyo kuwo kale oo ay ku gaamurtay qadiyadda qoysnimo, kuwsaasoo la filayo inay majaraha dahsoon u qabtaan xilka loo magacaabay Mudane Cabdiweli Maxamad Cali.

In kastoo Madaxweyne C/maan Faroole ay raalligelisey magacaabidda Cabdiweli, haddana wuxuu doonayaa in Puntland dawladda laga siiyo sad dheeraadi ah. Cidna ma moogana in jagada wasiirka 1aad ay u dhiganto dhammaan golaha wasiirrada, Cabdiwelina ay Puntland guntiga ugu jirto oo uusan cid kale wax ula simayn, iyadoo ay ku qadi doonaan inta badan oo kamid ah 190ka beelood oo Soomaaliya tirsan tahay.

Nolosha aqoonyahanka waxaa ugu aayo-xun in mas’uulku ku sifoobo nabadoon beeleed oo xiriiriya danta reerkiisa oo qurah, siiba marka uu hayo mas’uuliyad muddo gaaban leh.

Markii xagga waddaninimadiisa loo eego, Cabdiweli waa ninkii u sacabatumay duullaanki ciidamada Xabashidu dalka kusoo qaadday iyo xasuuqii loo geystey shacbiga ku nool Gobollada Koofureed.

Wuxuu bogaadiyey gulufkii ciidamada Xabashidu ku burburiyey shacbiga rayadka iyo hantidoodii isagoo u muujinaya inay u danleeyihiin ururkii ICU. Cabdiweli waa soo dhaweeyey hanqal-taagga Meles Zenawi ku damacsanaa inuu Soomaaliya ka taliyo, xaq-u-dirirkii ICU-na wuxuu ku sifeeyey burcad lid ku ah maalkii Cabdullaahi Yuusuf Axmad oo maqaasaar u ahaa qorshaha Xabashidu Soomaaliya ka leedahay.

Mudane Cabdiweli Maxamad Cali wuxuu si buuxada u taageeray carada iyo xasuuqa ciidamada Dhafoor-qiiq iyo Xabashidu ku burburiyeen bulshada Gobollada Koofureed, taasoo taariikhdiisa ka gashay baal Madow.   

Taageeridda Cabdiweli uu u hayey Cabdullaahi Yuusuf u fidiyey iyo sida uu u khalday xaqiiqada markaas ka jirtey Gobollada Koofureed ayaa markhaati cad ka ah dhagarta Cabdiweli uu dalka u gaystey. Cabdiweli been buu taariikhda ka sheegay markuu caddeeyey in Cabdullaahi Yuusuf uu sameeyey dibu-heshiisiin Soomaaliyeed.

Isagoo adeegsanaya cududda ciidanka Xabashida, Cabdullaahi Yuusuf bushadii rayadka ahayd buu, wuxuuna dhaliyey dakano hor leh oo isaga iyo Mudane Cabdiweli u siman yihiin, taasna waxaa ka markhaati ah qoraalkii dheeraa oo Cabdiweli kusoo dhawweyey duulaankii Xabashida Bishii Agoosto 9dii, 2007.

Cabdiweli jagadaas lagu magacaabay kuma iman rabitaan bulsho Soomaaliyeed ee waxay ku timid loollan hoosaad iyo gacan-qaad ay ku heshiiyeen koox yar oo duullaan ku ah jaho-wareerka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxaa qayb-libaax ka qaatay Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmad oo weli qarqarka haysta xukunka TFG-ga II. Waxaa kaloo kamid ahaa Meles Zenawi oo bogaadiyey waxtarka Cabdiweli.

Waxaa loollankaas cod weyn ku lahaa Mudane Shariif Xasan Sheikh Aaden oo ku rajo weyn inuu taageero madaxweynenimo ka helo beelaha Cabdiweli ku abtirsado; iyo ugu dambayn Mudane Museveni oo weli u taagan inayna ka kala go’in naaska u irmaan oo uu ku nuugo magaca ciidamadiisa Muqdisho fadhiya.

Shariif Axmad wuxuu ku qasbanaa inuu magaabo Dr. Cabdiweli taasoo uu ku beddashay in dawladda loo cimri dheereeyo oo loogu daro hal sano, mudane Maxamad C. Maxamad-Farmaako shilalka la dhigo maadaama uu shacbiga ka haysto kalsooni ballaaran oo gudubtay xadka qabiilnimada.

Mudane Farmaajo kuma qadin rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed oo meel walba oo uu tago waa loo caleema-ruxayaa, ummadduna waa taqaay kan lagu aamini karo hoggaaminta aayahooda.

Cabdiweli waa aqoonyahan aan ku naalloon Soomaalinimada ee fadhi-ku-dirirka uga tookha magaca qoyskiisa, isagoo weliba liidaya magaca iyo muunadda ay leeyihiin inta aan la bahda ahayn. Waa nin og inuu ku yimid kana saar kana siib ee uusan ahayn nin bulshadu wadato.

Ma aha siyaasi dhexdhexaad ka noqon kara arrimaha walaacsan ee Gobollada Koofureed, isla markaana aan caddaallad ku soori karin inta reerkiisa ka baxsan. Ma ahan nin u qiiroonaya taakulaynta ummadda muddo labaatan sano ah ku wiiqantay dagaal sokeeye iyo mid shisheeye.

Inta taqaan oo aan aniga ka mid ahay iyo inta dhawaan baran doonta, waxay Cabdiweli u arki doonaan inuu dabka hadda huraya uu xaabo kale sii dari doono, reerka uu ka dhashana ay dabkaas sii buufinta doonaan.

Jirrada Soomaaliya soo gaarsiisay heerka ay manta la jaho wareersan tahay waxaa saldhig u ah qaska, walaaca iyo xasillooni-darrada qabyaalladdu keentay. Maxaa la filayaa marka Cabdiweli oo nabadoon beeleed u dhaqma marka uu hoggaamiyo dawlad magac u-yaal ah oo ku adeegata magac qabiil iyo boob hanti qaran?

Cabdiweli wuxuu cayaaraa labo door oo aan israaci Karin: In maalintiina uu baadi goobo Soomaalinimo iyo caddaalad, habaynkiina uu beeshiisa u hoyda oo wax ka maleega dhibka loo geysanayo inta aan bahnimo la wadaagin.

Dhabnimada, Cabdiweli M. Cali lama gabbado faanka, dhoollatuska iyo santaagga beeshiisa lagu yaqaan.

Aniga kuma duullani Madaxnimada Mudane Cabdiweli, balse waxaa tilmaamayaa cad ka bixinayaa ficilladii lagu aqoon jirey. Ninkii uu hore u ahaan jirey inuusan noqon waa midda laga sugayo, ummaddana dan u ah isna uu kusoo bixi karo.

Aragtidada Qoraalkaan: Dr. Hassan A. Muse - Nairobi    -   Exclusive for Keydmedia.net





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.