Mahdi ma wuxuu dhihi doonaa waaleey doortay?

Faallo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa RW kuxigeenkii dalka, oo eey wataan dictator Farmaajo, iyo kooxdiisa dhiig-Cabyada ah, ayaa go’aansaday, inuu boobo kursi Xildhibannimo eeysan laheyn Jufadiisa hoose. Kursigaa oo uu ku fadhiyay: Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Mahdi ma wuxuu dhihi doonaa waaleey doortay?

Sida Xil. Xuseen Carab warbaahinta horteeda ka sheegay, Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu guryo ku xareeystay, ergo uu isaga soo xushay, iyo “Malxiisad” isaga uu keensaday, lanasoo heshiiyey.

Wuxuu goobtii doorashada isugu keensaday, "Malxiisad" amaamugan, oo madax-illaa-Majo ka daboolan, oo waxa eey tahay, iyo cidda eey tahayba, cid garaneeysa aaneey jirin, iyo waliba ergo sidaa si la mid ah isusoo wada qariyey, oo iyagana aan lagaraneyn cidda eey yihiin. Sidaana  Mahdi Maxamed Guuleed si dadban isugu boqray kursi xildhibaan, oo Juffo kale uu ka boobayo.

Waxaa xusid mudan “Malxiisada” uu keensaday Mahdi Maxamed Guuleed, ee uu sheegay ineey "La tartameeyso", ma aheyn oo kaliya ineey iyadoo dhan wada duuduubneeyde, ee xitaa sawirkeeda kuma dhaganeyn goobta doorashada ka dhaceeysey, si ugu yaraan loo aqoonsado qofka la sheegayo, ineey Mahdi Maxamed Guuleed "La tartameeyso". Cajiib!

Micnaha waxaa waaye, qofka “Malxiisada” u aheyd Mahdi Maxamed Guuleed, ee uu sheegtay ineey "La tartameeysay", waxeey noqon kartaa qofkeey doonto dhankastaba, waxaa taa la mid noqonaya, qaar ka mid ah dadka lagu sheegay ergada, qaar ka mid ah, ama dhamaantoodba. Waa lama aragoo lama maqal. Bisinka!

Su’aalaha yaab ka leh, ayaa waxeey yihiin, sidee fadeexadan doorashada qaran, u ogolaadeen Guddiga Doorasho ee heer Federaal? Mise toloow iyagoo dhan ayaaba magac-uyaa wada ah? Hadiise Mahadi Maxamed Guuleed oo ah shaqsi la wato, sidaa ka yeeshay, bal malee waxa dictator Farmaajo iyo kooxdiisa Dhiig-Cabyada ah ka yeelan karaan, si eey doorashada u boobaan, oo uu dictator-ku ugusoo noqdo!

Su’aasha kalee isweeydiinta mudan ayaa waxeey tahay, sababta RW Maxamed Xuseen Rooble dhagaha uga fureeystay, cabashadii Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ee uu saxaafada umariyey RW Maxamed Xuseen Rooble, iyo sababta uu wax uga qaban waayey, maadaama uu RW Roobe mas’uul ka yahay doorashada dalka? 

Waxaa sidaa si la mid ah dabcan ugu eedeeysan, Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal, oo iyagana aan tabashada xildhibaanka waxba ka qaban, kuna fiirsaday dulmigaa loola bareeray, isaga iyo Jufadiisa hoose, ee kursigan iska lahaa. Xaqiiqdu waa ineey gabeen, oo ka gaabiyeen, kaalintoodii qaranka u igmaday, waxeeyna ogolaadeen in  xildhibaan Xuseen Carab iyo Jufadiisaba lagu sameeyo, wax aanu jeclaadeen, in midkoodna lagu sameeyo. Waa nasiibdarro inteeda la eg. Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: “Dulmigu waa mugdiyaalo, maalinta qiyaamaha!”

Waxaa iigu daran beri Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu rabaa, inuu afka la taago, inuu yahay mas’uul loosoo doortay, si xor iyo xalaal ah, sidaana kusoo dhexfadhiisto, xildhibaanno loo doortay si ugu yaraan  ka duwan, sida xaaraanta iyo boobka cad ah, ee uu kursiga uga boobay xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo uu udiidanaa, inuu si xor iyo xalaal ah ula tartamo, wixii Allaah siiyana qaato, guul iyo guul-darro waxeey noqotaba, ama u daayo jufada hoose ee kursiga iska leh.

Wasiirka War-Faafinta Dowlada Federaalka Mudane Cismaan Abuukar Dubbe, oo ka hadlaya fadeexadii qaran ee halkaa ka dhacday, ayaa oraah sarbeeb aheyd ku yiri: “Walaalayaaloow doorashada malxiiska ka daaaya, oo hadii aadan ka deyneynin, midka niqaaban ka daaya!”

Waxaase Allaah mahadiis ah, in Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka hakiyeen, ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239, oo doorasho-kusheegii ka dhacday xarunta tababarka booliska ee Gen. Kaahiye, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii dalka Mahdi Maxamed Guuleed uu ku boobay, kursigaa eey laheyd Jufo aan aheyn tiisa.

Guddiga ayaa si caga-jiid ah uqabtay, dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise, oo kurisgaas hore ugu fadhiyay, waxaana lafaray Guddiga Hirgelinta Doorashada, in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga, ee kursigaas laga bilaabo 2-da November, inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka, uu go’aan ka gaarayo, dacwada laga soo gudbiyay kursigaas uu Mahdi boobay.

Gunaanad

Fadlan Guddigan Doorashada ee heer Federaaloow ka gaara, oo ka dabataga foolxumadii iyo fadeexadii dhacday. Iskuna daya inaad badbaadisaan, sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo, hannaanka doorashada heer federaal, ee idinka aad ku magacaaban tihiin inaad mas’uul ka tihiin, berina idinku magac sheegan doona.Taariikhbaa qormeeysee ogaada. Allahuma ballagtu.

Wa billaahi toowfiiq.

C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed.

Minnesota - USA | abdulkadirphd@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.