Mandhow Xagee Baad Noo Waddaa, Waan Xakaarnaye!

Maxamed C/raxman Ibrahim "Max'ed Afrika" - Maalintii Xasan Shiikh loo Caleemo saaray xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan kala har laheyn ayey dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba u soo dhaweyeen. Waxaa Xaflado lagu taageeraayo Dowladda ugubka ah ay ka dhaceyn Gees ilaa ka Gees geyiga Soomaalida iyo Qaaradaha Dunida.
Faallo Keydmedia Online
Mandhow Xagee Baad Noo Waddaa, Waan Xakaarnaye!

Shacabka waxay filayeen in waa Cusub Soomaaliya u baryey. Hogaanka Cusub, waxaa aad loogu hanweynaa in uu la imaan doono is-badal Siyaasadeed iyo Aragti fog.

Aqoonta loo lahaa Shaqsiyadda Madaxweynaha wey koobneyd, balse in badan, waxaa lagu qiimeynayey in uusan ka qeyb qaadan Dagaaladii Sokeeye iyo in uu waliba dhibta la qeybsaday dadka Soomaaliyeed waqtigii adkaa ee Colaadda. Ammaanta loo jeedinayey waxa ka mid aheyd, doorkii uu ka ciyaaray dib u soo celintii Adeega xagga Waxbarashada, dhismaha Macaahid, jaamacado iyo cilmi baaris uu sameeyey. Balse hankii loo hayey Hoos ayuu u dhacay ilaa iyo xad markii ay soo if-baxday in uu xubin ka yahay Urur Diimeed sida la sheegay la yiraahdo Damjadiid.

Muddo markii la sugayey Magacaabistii Raisal Wasaaraha, waxa si lama filaan ah masraxa Siyaasadda ugu soo biiray Mud. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”. Inkastoo Shacabka isweydiinayeen sababta Saacid looga soo dhexdoortay tobaneeyo ka Aqoon badan lagana Jecel yahay, misna wey soo dhaweeyeen Wajiga cusub ee Siyaasadda ku soo biiray.

Is jiid-jiid ka dib, siduu Madaxweyne Xasan rabay, waxa Golaha Wasiirada lagu soo koobay Toban Wasiir oo u badan Liis uu Xasan xushay, sida xanta tahayna xubno firfircoon ka ah kooxda Damjadiid. Qabaa’il iyo Siyaasiyiin caan ah ayaa durbadiiba dhaliilay sida wax loo qeybiyey ama loo koobay, waxayna ka digeyn intaas curyaamin karto dib u hishiisiinta. Beelaha qaar ayaa si toos ah ugu gacan seeray sida Beesha Gaaljecel oo nin Wasiir loo magacaabay is casilay.

Guuxii Dadweynaha waxa lagu shibiyey 4.5-kii ayaa baabi’inay, Soomaalidii waa sinay, dowlad koobanna waan dhisnay oo ku saleysan dakhliga Dalka. Sida runta ahna taas, waxay aheyd arrin geesinimo leh oo ay Dowladda Xasan billawday, shacabkana wuu garwaaqsaday. Waxaase Golaha Wasiirada lagu soo kordhiyey labaatan Wasiir-ku-xigeen iyo Shan Wasiiru dowlayaal oo wadarta guud ka dhigeysa 35 wasiir halkii marki hore ka ahaayeen waayihii ku meel gaarka kow iyo afartan, farqiga u dhaxeeyana uu yahay oo kaliya Lix Wasiir. Su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.