Mashruucyadda Dabandaabyo & Kufsiga Gabdhaheena

Faallo Maxamed Macali Cali

Wax badan oo ka dhaca dalkeena, oo loo haysto inay si kala duwan u dhacaan oo wax saamayn ah oo ka dhaxeeya aynan jirin, ayaa ku dhaca ujeedo iyo abaabul qorshaysan oo mid ah, ayna fuliyaan kooxo hal meel looga arimo fulinta falalkaas guracan ee lagu gumaadayo.

Mashruucyadda Dabandaabyo & Kufsiga Gabdhaheena

Taasi ayaa la rabaa in lagu kala fogaynayo dadkeena hal Ab iyo habar wadaagta ah, haybta diin ee boqolaydana ku darsaday.

Xikmad ayaa oranaysay: "maahan inaad cadawgaaga disho ee Waa inaad ka baabi'isid mabaadiida". Waxaana loola jeedaa, si kastoo loo dilo cadawga, ma la dhamayn karo, laakiin waxaa la awoodaa in lagala dagaalamo akhlaaqda iyo mabaadiida, taasaana ka waxyeelo  iyo dhibaato badan dilka.

Hadaba dadkeena oo 100% Muslim ah, meel kastoo ay tageen yurub iyo waqooyi Ameerica iyo dhibaato kasta oo ay dalka gudihiisa kula kulmeen marxaladihii dawlad la'aanta, ayay wali waxay ku dhegan yihiin Diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan, gaar ahaan arimaha cibaadada; taasoo ay ku yeesheen cadaw fara badan oo gudaha iyo dibadaba leh, oo u istaagay inay dadkeena kala dagaalamaan Aklaaqda iyo Diinta ay ku dhegan yihiin. Waxaana hadba markii mashruucyada dabandaabyo, mid ka mid ah dhamaado oo uu shaqayn kari waayo, soo baxa mid cusub oo hor leh oo abaabul gudaha iyo dibada xambaarsan.

Mashruucyadaas dabandaabyo ee akhlaaqda iyo Diinta  dadkaan lagu suurad xumaynayo kuwa hada sida xawliga ah loo wado, ayuu ka mid yahay kufsi wadareedka foosha xun ee lagula kacayo gabdhaheena oo inta koox lagu kufsado hadana la dilayo, kaasoo uga  socda dhamaan Gobolada Dalka si qorshaysan oo isku mid ah.

Bal dib u eeg inta gobol oo ay ka dhaceen falalkaasi, da'da gabdhaha la kufsanayo, koox wadareedka falka gaysanaya iyo hab dhaqanka foosha xun ee lagu gabagabaynayo kufsiga ee lagu dilayo gabadhii yarayd ee la dhibaateeyay.

Dhamaan cadaymahaasu, waxay tilmaan cad ka bixinayaan inay yihiin fal danbiyeedyo qorshaysan oo abaabulan oo cidii wax ka qaban lahayd qayb ka mid ah fal danbiyeedka lug ku leeyihiin.

Hadaba ugu danbayntii waxaa xusid mudan, Dilka dadka masaajidka ka soo baxay, Gabdhaha yar yar ee la kufsanayo hadana la dilayo, Bililiqadda hantida qaranka, Madaxda maamul Goboleedyada loogu yeerayo magaca madaxwayne, Ciidamada garaadaha beentaa la siinayo ee aan soo marin Alif iyo Baa ciidan, Jaamacadaha dukaamada noqday iyo joogitaanka ciidanka Ajnabigaa ee aan wax layska waydiinayn, dhamaan arimahaasu waa gowrac bulsho, gumaad ummadeed iyo dagaal diineed oo lagu soo qaaday dadkeena, dalkeena iyo diinteena oo in badan oo ka mid ah dadkeenuna ku baraarugsanayn, balse ay fahmi doonaan mar talo fara ka baxday oo xeero iyo fandhaal ka dhaceen!

‎كان يقول ﷺ: اللهم إنا نجعلُكَ في نحورهم، ونعوذ بك من شُرورهم، ًًً

Gudoomiyaha Xisbiga Xal- Qaran
kana mid ah Mas'uuliyihiinta isbahaysiga 1- Luulyo
Maxamed Macali Cali




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.