FACAATUUG

Mataleyaasha Hawiye ee aan miisaanka lahayn

Faallo Keydmedia Online

Hoggaanka umad hor kacaya, dunida oo dhan waxaa la isku raacsan yahay inuu lahaado sifooyin cayiman oo la isla yaqaan, Soomaaliduna taas waa sii baritaartay oo hormuudka bulshada kama dhigato habcane liita, af-garooc aan hadli karin iyo kaba-qaad feylaha goynaya umadda uu majaraha u hayo, Waxaan qormadaan kaga hadleynaa, halka ay maanta taagan yihiin Hoggaamiyaasha Siyaasadda Beelweynta Hawiye. 

Mataleyaasha Hawiye ee aan miisaanka lahayn

Farsamadda Sawirka: KEYDMEDIA ONLINE

Dhaqan siyaasadeedka Soomaalida, wuxuu dhalan rogay sooyaalkii soo jireenka ahaa, waxaana laga guuray dhiganayaal dhabta xambaarsan iyo xasuuso hore oo in la xushmeeyo ay waajib ahayd.

Waxaan qormadaan gaaban kaga hadleynaa, halka ay maanta taagan yihiin Hoggaamiyaasha Siyaasadda Beelweynta Hawiye, waxaana si qaas ah isku dul taagi doonna, Maxamed Xuseen Rooble ‘Rogane’, Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor-dhiibte’, Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guud-laawe’ iyo Cumar Maxamed Maxamuud ‘Finish’.

Hawiye waa mid ka mid ah Beelaha ugu waaweyn Soomaalida dad ahaan, duunyo ahaan, iyo degaan ahaan-ba, waxayna qeyb muhiim ah ku leeyihiin saamiga siyaasadda, jiritaankii Soomaalida oo dhan, buug kasta oo taariikh hore ku qoran tahay waxaa ka dhex muuqdaa hal-door Hawiye iyo hoggaamiye hanad ah oo lagu hirto.

Maalinba meel ayaa la soo maray, waxaa la xasuutaa markii ugu horreysay ee Soomaaliya loo jaheynayay Dowladnimo iyo in la siiyo Madax bannaani, in ay Hoggaanka waddanka hayeen hoggaamiyayaal Hawiye, Sida AUN, Cabdullaahi Ciise Maxmuud oo noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Soomaaliya iyo Aadan Cabdulle Cismaan oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka.

Raggaas iyo rag kale oo la mid ah waxa ay ka dhiidhiyen gumeystihii dalka ku soo duulay, waxayna ka dhag taageen heeryada dul sarneyd, kadib markii ay xornimadii keeneen, doorasho galeen, dalka hoggaamiyeen, kolkii waqtigoodii dhamaaday, waxa ay xilkii u wareejeyeen si nabad ah.

Dooladnimadii ay hoggaamiyaashaas soo yabyabeen, markii uu jeebka ku ritay nin Kali-talis ah, diidayna inuu ka dego kursiga, waxaa soo baxay hogaamiye Hawiye, kaas oo ahaa AUN Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, oo ka diriray dullinimadii uu dadka dul saaray Ina Siyaad Barre, kana xoreeyay dalka isaga iyo Rajiim-kiisii oo dhan.

Raggu waa badan yihiin oo qoraalka kuma wada xusi karno, hayeeshee hoogaamiyaasha aan xusnay iyo kuwe kale oo la mid ah waa hoggaan xilligoodii dadka iyo dowladnimada wax badan taray, taariikh toolmoon iyo tacab muuqdana ka tagay, maanta waxaa la taagan yahay xilligii Rogane, Qoor-qoor, Guud-laaw iyo Finsh, ee maxaa lagu xasuusan doonaa?

Dalku wuxuu taagan yahay kala-beyr adag iyo marxalad muujadaheedu kacsan yihiin, Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo wuxuu u bira tumanayaa inuu waddanka dib ugu celiyo, nidaan kalitalis ah, kaas oo naf iyo maalba Hawiye u haray inuu inuu dalka ka xoreeyo 30 sano ka hor.

Nasiib xumo, Madaxda Hawiye ee hadda xilalka heysa waxa ay u sacab tumayaan in dib loogu laabto wixii ay shalay waalidkood iyo walalahood diideen, waxa ay eegayaan dan gaar ah, tii guudna sandareerto aan sacab dhameyn ayay siisteen.

Waxa ay ku tumanayaan taariikhdii soo jireenka ahayd, ee aaya ka talinta, umad hoggaaminta iyo go’aan qaadashada geesimnnimada leheyd ee ay caanka ku ahaayeen hoggaamiyaashii hore ee ay ku heybta yihiin.

Waxa ay lumiyeen saamigii siyaasadda ee Hawiye iyo guud ahaan nidaankii lagu heshiiyay ee 4.5, kaas oo ay u baddaleen 1.5 (Daarood iyo Soomaalida kale) maadaama ay Siyaasaddii dalka oo dhan hoos geeyeen Farmaajo, Madoobe iyo Deni oo isku heyb ah.

Waxa ay guud ahaan ka tanaasuleen, doorkoodii hoggaamin, waxayna si buuxda ugu adeegaan Fahad iyo Farmaajo, waxa ay dulmi la daba joogaan dadka ay matalaan, waxa ayna si buuxda u dumiyeen Maamullada ay xilalka ka hayaan.

Rooble Rogane, oo haya xilka ugu muhiimsan ee hadda Hawiye leeyahay, waxa uu baal maray wixii loo igmaday, wuxuu ku soo aaday xilli kala guur ah, oo kaliya shaqada laga rabay ay ahayd hirgalinta doorasho la isla ogol yahay oo dalka ka dhacda, taasna wuu diiday, wuxuuna xilka uga shaqeeyaa Kalitaliyaha waqtigiisu dhamaaday.

Waa cod-ma-kare af-garooc ah oo aan labo eray isku xiji kirin, aamusane aan go’aan gaari karin, iyo habacsane aan waligiis waxba hoggaamin karin, waana sababta uu Farmaajo xilka ugu dhiibay kadib markii uu ku dhawaad 60 maalin raadinaayay kaba-qaadkii uu u magaacabi lahaa xilka RW oo hanbadii Kheyre ahaa.

Rooble ‘Rogane’ Waxaa laga filayay inuu mari doono waddadii adeeradiis, wuxuuse go’aansaday in lagu qoro buugaagta madow, taariikhda beeshana uu ka sunto bar aan qurxooneyn.

Qoor-Qoor, oo guuxa bulshadu uu ku suntay magaca ‘Qoor-dhiibte’, xog-ogaalka iyo siyaasiyiintuna u bixiyeen magaca ‘Faciis-tuug’, ayaa isna han kasta iyo haybad kasta oo ay lahayd beesha uu matalo dhulka la galay , wuxuuna diiday talo kasta oo wax garadku siiyeen, dadkiisa degaankiisa iyo Dowladdii xilka ugu sarreeya looga dhiibay ayuu meel cidlo ah kaga tagay, waxaana ku dhawaad shan bilood xiran xarumaha ha’adiha dowliga ah ee Galmudug.

‘Faciis-tuug’, wuxuu eed kasta u galayaa Farmaajo oo xilkiisii dhaamaday Villada-na ku fadhiya sifo sharci darro ah, waxaa lagula heshiiyay inuu Fahad iyo Farmaajo kala shaqeeyo sidii guud ahaan Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ka soo jeeda beesha Habargidir looga reebi lahaa baarlamaanka soo socda.

Qoor-Qoor oo ah qof aan waxba baran masraxa siyaasaddana ku soo galay qaab qamaar ah iyo in lagu gumeeyo dadka uu ka dhashay ayaa hadda taagan gacan maran, dal ma hayo, dad ma hayo, degaanna ma hayo, wixii looga tagayna wuxuu ku wareejiyay Cali Ciid oo Farmaajo wakiil kaga ah Galmudug.

Guud-laawe, oo jaahilnimada kala mid ah Qoor-qoor, isna waxba gacan uguma jiraan, waa kaba-qaad aan qaddiyad iyo qowl lahayn, wuxuuna xilka Madaxweynaha ee loo dhiibay u heystaa kaliya sawirada lagu galo barxadda Madaxtooyda Soomaaliya.

Cumar Finsh oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa loo adeegsaday dilka iyo caburinta shacabka iyo siyaasiyiinta Hawiye, wuxuuna si cad u sheegay in la leyn doono Mucaaradka Hawiye oo ay hoggaaminayaan Madaxweynayaal hore, isagoo adeegsanaya aayado Quraan ah oo uu fasiraaddooda qaladay.

Hoggaanka hadda Hawiye hor boodaya, waa kii ugu liitay taariikhda, waa rag aan sumcad iyo magac lahayn, waana rag aan dhamaaantood hadli karin oo balaaqada iyo faseexada hadalka kala mid ah Farmaajo, waa rag aan taariikhda aqoon, timaadadana aan dan ka lahyn.

Waa dheef raadis wixii loo yeeriyo haye fudud ku jawaaba, waa maahsanayaal aan maalin iyo habeen kala aqoon, waase diiwaan meel u yaaalla oo aan waligood ka tiirmi doonin, dhashooda iyo dheecaankooda ayaana taas u aayi doona.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.