Maxa dhacay?!

Bashir M. Hersi - Beri hore, waxaa jiray nin aqli badnaa, oo dhacda walba wax ka dhaha, saadaalin iyo sadar muuqda mid ay tahayba.
Faallo Keydmedia Online
Maxa dhacay?!

Rag waa balaayee, maalin maalmaha ka mid ayaa ninkii loo tashtay in la shirrabo maankiisa, loona maleegay dabin ay is lahaayeen wuu ku dhici doonee, si dadka loo tuso inuu maangaab aan caqli lahayn yahay.

Ninkan la jirrabayaa wuxuu caan ku ahaa wax garadnimada iyo caqliga badan, haddaba si looga salgaaro ayaa Neef Hal ah la laqsiiyey Masaar! Ka dibna loo geeyey, oo lagu yiri: “Hashaan baan bixin waynnay waxa ay qabto, ee bal noo sheeg sida xaalkeedu yahay?”.

Maaniyihii inta dhan walba iska taagay Hashii, oo doc walba ka eegay, oo gees walba ka taabtay, ayuu isagoo fajacsan oo fara taagaya, yaab awgiis la yiri: “Hashaan meermeeray oo meel walba ka eegaye, aniga maankeyga gaddaye, ma Masaaray laqday?!” xilagaa la joogay xataa “scan” ma jirin, in Geel la saarana loomaba hindisin!

Maxaa dhacay?

Tobankii bisha sagaalaad ee sanadka 2012 maalin taarikhi ah dheh, dadka qaarkii maalmo aan maamuus iyo magac lahayn bay taariikh u sheegaane, maalin ay is badashay saadaaal siysaaded kasta oo la filanayey, maalin ay dhacday sidii la filayey si aan ahayn, maalin wax kala wareegeen.

Horaa loo yiri: “wax aadan filanayn iyo fallaariba waa kaa fajaciyaane”  hadda, fajaca ka sokow, maxaa dhacay? Sidee wax u dheceen? Halkee wax ka kala wareegeen? Yaa kala wareejiyey? Maxaa ka dambeeya kala wareegga? Ujeedkee laga leeyahay muxuu ahaa?.

Ogaalka warcelinta weydiimahan wax badan ayey tarayaan, waxay wax ka taraan ogaalka dhacdada, diiwaangalinta sooyaalka iyo in la taariikheeyo wixii dhacay, taa ka sokow, waxay wax u taraysaa inta ogaal doonka ah, ama inta u dhuun daluula inay wax ka ogaadaan sidii wax u dheceen, maxaa yeelay dadku isku dooq ma ahan isku aragtina ma ahan, sidaa awgeed, in helo warcelinnadaa waa muhim.

Dhanka kale, ogaalka warcelinnadan waxay naga caawinayaan inaan wax badan ka ogaanno Madaxweynahan cusub mudane Xasan Sheekh, hadda magac qura un baan haynnaa, balse, haddaan helno kuwaa, waxaan awood u yeelan karnaa inaan celcelis samayn karno, si aan u ogaanno siyaasad ahaan waxa ka imaan karaa ama aan ka sugi karno, ee go’aan iyo talo ah.

Waxaa kaloo jira weydiimo muhim ah oo kale, sida: Mudane Xasan Sheekh Siyaasadda hore uguma jirin, mudda yar ayuu ka soo dhex muuqday, haddaba, maxaa ku dhaliyey inuu siyaasadda galo? Yaa ku dhiirragliyey inuu masraxa siyaasadda ku biiro? Hubaal inuu aragti yeelan karo, uuna u madax bannaanaa karo, taa oo aan cid diidi kartaa jirin, haddana, way dhici kartaa in la wadaajiyey oo uu la falgalay, mise sida Yuusuf Garaad ayuu dhihi doonaa: “Dadkaygayga baan u damqaday!” damqashoow ba’!

Dhan kale, yaa maalgaliyey ololihiisa doorashada? Weydiintan murashax kasta ee aan hanti qaran lunsan ayey hor oolli lahayd ee guulaysta. Hubaal inuu xaq u leeyahay inuu helo cid maalgalisa oo gacan siisa? Balse, ogaalkeedu wax buu noo tarayaa, sidoo kale, dhacdadii Isniintii ma waxay ku dhacday si kama’ ah mise waxay ahayd mid qorshaysan? Micnaha guushan uu gaaray mudane Xasan Sheekh ma iska timid isagoon ogayn kana soo shaqayn mise waxay ahayd mid laga soo shaqeeyey? Dhacda iska dhacdaa ma jirto, oo aan sabab iyo lahayn wax keena.

Hubaal in labada Shariif la nacay, Allaw Karaahiya ha naga dhigin! Ku digashada Shariifse waxaan isaga daayey inaan qadaadka la qaban sidii C/laahi Yuusuf ama isagoo gunuunacaya Xamar ka soo tagin sida C/qaasim Xasan oo kale, balse aqbalay natiijada doorashada. Haddana, sida loo nacay miyaa loo soo dhaweey Xasan Sheekh? Mise wax kale ayaa jira oo naga qarsoon? Labada Shariif inay is raaceen xaq bay ahayd, inaysan kala harin hanuun bay ahayd, waa meeshaan ka dhihi jiray Shaydaanba ha badalee inay baxaan way ahayd! Balse, maxaa noo xiga? Weydiinta madaxa daalinaysa waa middan oo aanba is leeyahay kuwii hore waa ka sii adag tahay, maxaa yeelay ka wercelinteedu waa fashal ama guul!

Meerisyo ka mid ah maansada “Quduro” ee Abwaan Maxamed Isbraahim Warsame “Hadraawi” ayaa waxaa ka mid ahaa:

Maxaa ruux qaldhebayoo

Qormadii rugtiisiyo

Qudha laga toleeyoo

Misna quusan waayoo

Nafta quudhi waayoo

Qarandida sideedii

Qodanaaya booraan

Godka meel qarkiisa ah

Qoobley ordaysiyo

Fardo qaxay ku jiidheen!

Hambalyo haaf ah! 

Horta Aadane lama qancin karo, lagamana eed bexi karo, balse, in eber laga dhaqaaqay iyo in kale, maalmaha baan u daynayaa Abwaan Cabdilaahi Suldaan TimacadeAUN” ayaa Calan saarkii koowaad ku maansooday:

"Kanna siib kanna saar"

Haddii waaqica lagu dabaqo ma noqon artaa:

"Kanna dir, kanna dooro!"

Mid waa xaqiiq inaan wali KMG laga bixin, aqriste, bal sii goob qoramadii ahayd: “Ku mee gaarkii ma laga abxay?!” in ciidan shisheeye wadanka gees ka gees joogaan, haddana, madaxweynaha hawlo badan baa horyaal, marka laga soo tago waxyaabaha tecnic ahaan la isku maandhaafi karo.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh, waxaa horyaal miliq badan oo ay daadsheen Wadaad iyo Waranle, ay ugu muhimsan yihiin qodobbada kala ah: DAMACA DARISKA & DUNIDA, AMISOM, XABASHI, KENYA, ALSHABAAB, JOOJINTA XASUUQA KA SOCDA KOOFRURTA DALKA, BADDA iyo BERRIGA BELEDKA, MUSUQA, MAAMUL WANAAGGA, WADA SHAQAYNTA HAY




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.