Maxaa laga baran karaa Kacdoomadii na soo maray? 

Faallo Bashir M. Xersi

Marka laga yimaado dagaalkii ay jabhaduhu ku rideen Maamulkii milatari ee xukuumadii Maxam Siyaad Barre oo ka  talinayay Dalka mudadda gaaraysa 21 sanno iyo dagaalkii sokeeya ee xigay ee meesha ka saaray hanaankii iyo hogaankii dowladnimo ee soomaaliya, waxaa laga joogaa mudo 30 Sanno ah oo dadkeena iyo dalkuba soo mareen marxalado kala duwan oo sheeko, shaahid iyo shaqsiba u soo joognay, mudana in la sadareeyo oo wax laga yiraahdo si loo saxo wixii qaldamay, mar kalana loo marin habaabin kacdoomadii iyo dadaalkii shacabkeenu u muujiyay in wax noo hagaagaan.

Maxaa laga baran karaa Kacdoomadii na soo maray? 

Hadaba waxaa muuqda ciifo iyo colaad hurin siyaasadeed oo Qabyaaladu dab iyo baasiinka shida u tahay, hadaan la damin oo biyo lagu shubina halis badan iyo kacdoon hor leh abuuri karta. waxaana aragnaa in arimaha doorashooyinka oo xal midnimo laga gaaro, inay  noqon lahaayeen biyaha lagu Damin karo. Hadii taasi dhicinse oo sida dhuusamareeb, loogu soo kala tagay, loo sii kala dhaqaaqo, muxuu noqon karaa nooca kacdoon ee imaan kara? Yaana hormuud u noqon kara? Muxuu wanaag ama dhib ah oo uuna keeni karaa?

Intaanse Ka hadlin kan soo socda, aan si kooban dib u eegno sadex kacdoon oo na soo maray waxay lahaayeen wanaag iyo dhib midba:

1- Kacdoonkii Carte ee sanadkii 2000:

Markii laga quustay natiijo dibu-heshiisiin oo lagu gaaro hogaan hogaamiye kooxeed, raad dowladnimana soo muuqan waayay, ayaa la qaban qaabiyay shirkaas. 

Guulihii lagu gaaray:

A- magac dowladnimo soomaaliyeed oo Goloyaasha dowliga ku soo laabtay.

B- khadkii cagaarnaa ee mogadisho oo la tirtiray iyo wajigii dagaaladii qabyaalada iyo qoloqolada oo ka soo yaraaday Bartama iyo Koonfurta Soomaaliya.

C- awoodii hogaamiye kooxeed oo yaraatay.

Guuldarooyinkiisii:

A- taageeradii Shacabka oo la lumiyay

B- shirqoolkii Itoobiya iyo saaxiibadeed oo shaqeeyay.

C-madaxdii xukunkii maxamed siyaad oo u soo muuqday halyeeyo iyo hogaamiyaal aan laga maarmin.

2- Kacdoonkii maxkamadaha ee 2006: 

Guulihii la gaaray:

A- Shacabka soomaaliyeed, oo muujiyay midnimo iyo walaaltinimo, cadowgiisana niyad jabiyay.

B- rabitaanka Shacabka ee shareecada islaamka oo cid kasta u cadaatay.

C- Mogadishu oo hal mar nabadgelyo iyo xasilooni lagu soo dabaalay.

D- Qurba-joogta soomaaliyeed oo rajo beelkii soomaaliya dib uga soo laabtay.

Guuldarooyinkii kacdoonkii 2006:

A- duulankii military ee Ethiopia oo sababay xasuuq fara badan, barakac, kufsi iyo in Taangi iyo hubka culus lagu garaaco Shacabka soomaaliyeed.

B- hogaan xumidii hogaamiyaashii maxkamadaha Islaamiga oo soo baxday.

C- taageeradii shacabka oo la lumiyay, lagana faa'iidaysan waayay, xoogii iyo xoolihii ay bixinayeen shacabku.

D- Taageeradii Shacabka oo iyagii lagu dhibaateeyay, oo wiil yar oo Qori wata jidadka ku maxkamadaynayay shacabkii.

3- Kacdoonkii lagu doortay Farmaajo 2017:

In kastoo la shaki galiyo kacdoonkaan, hadana waa dhab inuu kacdoon shacab ahaa, oo saamayn adag ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliyeed:

Guulihii la gaaray:

A- in madaxtinimada soomaaliya cid gooniya oo leh aynan jirin, Barina Nin kasta oo taageero shacab samaysta uu noqon karo madaxwaynaha soomaliya.

B- in hanaan doorasho oo xor ah Ka hirgalo soomaaliya, xukunkana si nabgelyo ah loogu kala wareego.

C- yaraynta awoodii madaxda maamul Goboleedyada oo horay ugu muuqan jiray sida inay yihiin madaxweynayaal dowlado oo kale.

Guuldarooyinkii kacdoonkii 2017:

A- in Markii koowaad, madaxweyne, Raysulwasaare, Wasiiro iyo shaqaalihii ugu badnaa ee xukuumadii Farmaajo ay noqdaan Qurba joog, shaqadooda ugu balaaran oo ay qabtaan ay tahay xiriirka iyo dagaalka baraha Bulshada.

B- in la lumiyay sidoo kale taageeradii Shacabka oo hada u muuqda mid Ka sii quusanaya inuu cid dambe taageero.

C- jidgooyooyin shacabka lagu cunaqabateeyo oo loogaga hor istaagay inay soo dhacsadaan nolol maalmeedkooda.

D-in shaqo yaqaan iyo xog ogaal la dhibsado inuu shaqeeyo, ha ahaado wasiir ama shaqaale hoose, waana howl tan iyo Carte soo jirtay.

4- Kacdoonka aan hogaanka lahayn ee soo muuqda 2021:

Hadii kacdoonkii 2000 shirkii Carte bud dhig u ahaa, kii 2006 ay hogaaminayeen midowgiii maxkamaduhu, kii 2017 uu bud dhig u ahaa Baarlamaan Ka tarjumayay rabitaanka shacabkiisa, kacdoonka soo muuqda ma lahan hogaan u horseedi kara midnimo iyo talis mid ah. Waxaase Haduu dhaco, guulaha lagu gaari karo iyo dhibka Ka dhalan Kara ka mid noqon kara:

Guulaha lagu gaari karo:

A- in lagu ciribtiro Xukun Ka talisnimo oo ka shaqeeya soomaaliya.

B- inaan Shacabka Gobolka Banaadir oo ugu dulqaadka badan, uguna soomaali jacaylka badan soomaalida, hadana xumaan kasta loo saariyo, in wixii Ka danbeeya 8 febraayo aan lagu eedayn karin: "maxaad maamul gooniya u samaysateen"

C- inuu jiro,dareen guud oo wanaag wada doona, ama sida Soomaalidu yiraahdaan: "waryaa maali jiray" oo loola jeedo, inaan cidna lagu halayn oo xal baadi goobkiis loo wada istaago.

Guuldarooyinka imaan kara:

A- in dagaal la galiyo dalka, gaar ahaan Reer mogadisho, oo dagaalka Ethiopia ee dhibkiisu Ka bilowday doorasho dib loo dhigay, loo soo xawilo dhanka Soomaaliya. Ka dib marka gudoonka Baarlamaanku mudo kordhin ku dhawaaqo.

B- in musharaxiintu doorasho u gooniya qabsadaan iyo gudiyo soo doorta Gole Sare ,mid hoose iyo ugu danbayn madaxweyne.

C-in qaar ka mid ah maamul Goboleedyada madax banaani gooniya ku dhawaaqaan, qaar kalena dagaalo ka dhex aloosmaan.

D- in dalka soomaaliya uu galo khalkhal iyo qalalaase siyaasadeed iyo in Al- shabaabna  sii xoogaystaan iyo inay isku balaariyaan Gobolo hor leh.

E- in ciidamada AMISOM qaar Ka mid ah, ay diidaan sii joogitaanka Soomaaliya.

Gabagabo iyo gunaanadkii, maxaan ka baran karaa sooyaalkii xumaa ee Taariikhda Dalkeena iyo kacdoomadii la soo maray oo wada fashilka ku dhamaaday, yaase kacdoonka soo muuqda ee mugdiga badan u dooranaa, inuu mugdiga ka saaro dalka, oo Soomaaliya maanta Ka caymiya moolka dheer ee ay ku sii dhacayso, haday ku dhacdana aynan Ka soo bixi karin. 

اللهم أمن اوطاننا وآدم نعمة الأمن والامان في بلادنا ... اللهم 

امين

Gudoomiyaha Xisbiga Xal-Qaran

Maxamed macalin cali

Bashiir M Xersi




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.