Maxaad Ka Taqaan Ciidamada Kenya Ee Ka Howlgalla Gobolada Jubooyinka? - Rangers S.

Nairobi (KON) - Sanadkii 2009 ayaa Maraykanka waxaa loo qaaday Lix Sargaal oo ka tirsan Xiidanka Kenya si ay u Hogaamiyaan duulaan la qorsheeyay in Ciidamada Kenya ay ku qaadaan Qadanka Soomaaliya. Qorshahan oo ahaa mid qarsoodi ah, waxa lagu adkeeyay Saraakiishaan inaysan cidna u sheegi karin.
Faallo Keydmedia Online
Maxaad Ka Taqaan Ciidamada Kenya Ee Ka Howlgalla Gobolada Jubooyinka? - Rangers S.

Bishii Agoosto 8. 2009 ayay lixda Askari oo uu horkacayo kabtan Xavier Omondi gaareen xarunta Ciidanka Ilaalada Qaranka ee magaalada Benning gobolka Georgia ee dalka Maraykanka.

Dhowr bilood ka dib markii ay kasoo laabteen tababarkaas, waxaa Wadanka Kenya gudihisa looga furay xarun cusub oo lagu tababarayo ciidamo loo bixiyay Rangers Strike Force, xaruntaas oo qudheedu aheyd xiligaas mid qarsoodi ah, waxa tababaro looga furay ciidamo badan oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Isla waqtigaas waxa laga furay isla Kenya xarun kale oo ay Maamulaan Ciidanka Ingiriiska loona bixiyay Xarunta Special Force waxana lagu biiriyay xarunta aan kor kusoo sheegnay ee Rangers Strike Force 40RSF.

Labada ciidan RSF iyo SF oo ay gacanta ku hayaan ciidamo kala ah Maraykan, Ingiriis iyo Yuhuud iyo tiro yar oo Kenyan ah oo lagu soo tababaray Maraykanka, waxay ahaayeen qarsoodi ilaa laga soo gaaray duulaankii Soomaaliya ee loo bixiyay Operation Linda Nchi oo ay ciidamada Kenya oo garabsanaya Maraykan iyo Ingiriis kusoo galeen gudaha Soomaaliya.

Waxqabadka ay muujiyeen ciidankii lagu soo tababaray Maraykanka iyo sida ay u laayeen Soomaalida waxa Madaxweyne Mwai Kibaki uu ku gudoonsiiyay ciidankaas bilado iyo dalacsiin kala duwan.

Ragga la gudoonsiiyay biladaha ee kusoo tababartay Maraykanka waxa ka mid ah Kabtan Boniface Waithaka oo la siiyay Xidig Qalin ah, wuxuna hada hogaamiyaa Boniface ciidamada Kenya ee fadhigoodu yahay Bilis-Qooqaani, Soomaaliya. Sidoo kale waxa abaal-marin la siiyay Samwel Marwa, Abdullahi Gabow, Emedele Epakolok iyo Mwambuzi Simba. Bilada ugu sareysa Kenya ee la yiraahdo Head of State Commendation waxa la gudoonsiiyay Ranger Onsemus Namu. Ragaan dhamaantood waxay kusoo tababarteen dalka Maraykanka.

Xarunta ugu weyn ee Ciidamadan Special Operation-ka waxay ku taalaa degaanka Gilgil, si aad ugu biirto ciidankaasna waxad u baahan tahay inaad tahay askari aad u wanaagsan xagga adkaysiga iyo akhlaaqda. 

Si aad u noqoto marka hore ciidanka loo yaqaan Rangers Strike Force waxad u baahan tahay inaad marto 63 maalmood oo tababar ah, haddii aad doonayso inaad usii gudubto Special Forces-kana waxad u baahan tahay lix bilood oo tababar ah. Farqiga u dhexeeya labadaas ciidana waxay kala yihiin Rangers-ka waxa tababara ciidamo Maraykan ah, halka Special Forces-ka ay tababaraan ciidamo Ingiriis ah.

Sida dadku u maleeyaan maaha ciidamada Special Forces-ku kuwo degdeg ku howl gala, waxayse u baahan yihiin diyaar garow dheer marka ay howlgal sameynayaan. Waxa loogu tala galay meesha ay qabsadaan inay ka abuuraan ilo dhaqaale, sida koronto, biyo, dalag beereed, dayactir wadooyin, dhaqaalaha iyo siyaasada dhulka ay qabsadeena waa inay ka talo bixiyaan.

Arintan iyada ah waxay cadeyn u tahay in ciidamada Kenya ee qabsaday magaalada Kismaayo aysan si fudud faraha ugala bixi doonin maamulka iyo talada dhulka Jubooyinka.

Qaabka Tababarkooda

Marka ay tababaranayaan Ciidamada Rangers-ku waxay 3 Isbuuc ku qaataan magaalada Isiolo, ee degaanka Soomaalida, waxayna sidoo kale 3 Isbuuc oo kale ku qaataan dhulka jooga sareeya ee buuraleyda Kenya. Kadib waxay usoo wareegaan dhulka kulul ee xeebaha Kenya sida xerada ciidamada ee Manda Bay.

Waxay tababarka la qaataan ciidamo ay ka mid yihiin Special Air Service SAS-ka Ingiriiska, Sayaret Matkal oo ka tirsan IDF Isreal Defence Force iyo Rangers-ka Maraykanka. Sida laga soo xigtay ciidamada Kenya tababarada qaarkood waa kuwo aysan xamili karin dadka ugu geesisan aduunka. Waxa lagu tababaraa inaysan dib-u-gurasho sameyn karin ciidanku xataa haddii ay galaan xaalada ugu khatarta badan. Waxa ka mid waxyaabaha la baro, in ragga la dareensiiyo culeys iyo xanuun. Sidoo kale waxa si xeeldheer loo baraa inay isqariyaan si ay u sameyn karaan qaraxyo iyo dilal qorshaysan.

Waxa ka mid ah xaaladaha lagu tababaro inay ka dagaalami karaan lana dagaalami karaan argagixisada, magaalooyinka, lamadagaanada, buuraha iyo dhulka howdka ah. Waxa kaloo la baraa hubka noocyadiisa kala duwan laga bilaabo hubka fudud ilaa madaafiicda calculus.

Sida aan kor kusoo sheegnay ciidankan waxa la bilaabay tababarkooda sanadkii 2009, kaasoo ahaa markii xukunka laga qaaday C/lahi Yusuf loona dhiibay Shiikh Shariif Sh. Axmed, waxaana loogu tala galay inay ciidankaani qabsadaan koonfurta Soomaaliya, taasoo hada usuurto gashay, inkastoo aan la ogeyn sida ay ugu sii raagi doonaan qorshahooda qarsoon.

Waxa xusid mudan in ciidamadii Itoobiya ee qabsaday caasimada Soomaaliya Muqdisho sanadkii 2007 la bilaabay tababarkooda sanadihii 2003-2004 waxaana sidaan oo kale tababari jiray ciidamo ka kooban Maraykan iyo Ingiriis.

Waxaase wax laga calool xumaado ah in Soomaalidu aysan u jeedin shirqoolka loo maleegayo ee ay u qeybsameen qaar ku faraxsan kuraas iyo jagooyin dhalanteed ah, qaar la shaqeynaya cadowga doonaya inuu qabsado dhulkii yaraa ee haray iyo kuwo xagjir ah oo dadkii ku dhameeyay gowrac iyo qarax, waxayna kooxda dambe u muuqdaan kuwo si dahsoon ula shaqeynaya cadowga madaama ay u fududeeyeen qabsashada dhulka kadib markii cadowgu uu u balanqaaday shacabka Soomaalida inay ka badbaadinayaan kooxaha gumaadka iyo gowraca ku haya.

Wadanka // Xog ay Keydmedia Online horey usoo Shaacisay


Warbixintaan Wadanka, waxey garab istaageysaa Warbixino 50 kor u dhaafay oo ay Keydmedia soo qortay inta u dhaxeysa 2010 ikaa 2012. Warbixinada Keydmedia Online hindisaha laga leeyaha Jubooyinka kasoo qortay waxaad ka heleysaa Archive-ka Keydmedia




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.