Maxamed Axmed Nuur “Tarsan” Oo Muqdisho Ka Kiciyey Halkee Ku Kuftay

Cumar Axmed - Maxamed Axmed Nuur ee loo yaqaano Tarsan wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisa Hoose, Dhexe iyo sare ku qaatay Muqdisho.
Faallo Keydmedia Online
Maxamed Axmed Nuur “Tarsan” Oo Muqdisho Ka Kiciyey Halkee Ku Kuftay

Sanadkii 1993 ayaa Tarsan iyo xaaskiisa ku qaxeen dalka Ingiriiska, halkaas oo waxbarashada injineernimada uu ka qaatay jaamcadda Westminster ee ku taal dalka Ingiriiska.

2010 ayaa Tarsan loo magacaabay in uu noqdo duqa magaalada Muqdisho. Injineerka, ayaa aqbalay xilgudashada hawsha adag ee maarkaas hortiilay, wuxuuna ku shaaqeeyey duruufo qallafsan haba ugu horreyaan ammaan darro iyo xasiloonidarro ee mudadaas Muqddisho ku sugneed.

Waxaa tusaale u soo qadan karnaa in magaaladu ay saldhig u ahayd gawracato ee dadku ku jarribay kadeed iyo hiirtaayo. Waxaana dadweyne badan ku la’deen qarax ismiidamin ah iyo qur-gooyo, qafaall iyo argaggax.

Isagoo ka duulayo dib u soo celintaa nabadgelyada ayaa Injineerka la yimid, Qorshe cub, Hindise horleh, Hannaan dowladnimo iyo yididdiilo cusub oo ku hormarinayo  magaaladaa Muqdisho. Wuxuu ugu horreentii dhiiri geliyey, tababaray, islamarkaasna kuu ababiyey wada shaqeyn hawlwadeenada la shaqeeyo.

Wuxuu Injineerka hawshiisa ka billabay eber, taa oo micnaheeda ahayd dhaqaale la’aan iyo qalab la’aan ilaa uu irid walba qaraacay taasoo ugu danbeyntii geyisiisay inuu ku tallabsado horumar dhaxalgal ah.

Waayo, wuxuu durbadiiba dersay dhibaatooyinka baaxadda leh ee magaalada horumarkeeda dib u dhigay. Tusaale ahaan, waxay magaalada la ildarneyd nadaafad la’aan oo meel kasto waxay ahayd gudaafad iyo qashin-qub. Durbadiiba waxuu Mudane Tarsan kor u qaaday bilicsamida Muqdisho isagoo kaashanayo xoogga bulshaweynta reer Muqdisho.

Waxaanan la illowi karin sida tooska ah ee idaacadaha caaalmka uga soo muuqday sawirka Injineer Tarsan isagoo dadweynaha la wadaagayo hawsha qashin ururinta.  

Tarsan wuxuu hagaajiyey ileyska waddooyinka waaweyn ee isku xira magaalada qeybaheeda kala duduwan, taasina waxay qeyb weyn ka qaadatay nabadgelyada iyo isku socodka dadweynaha. Wuxuu kaloo si rasmi ah u bilaabay in Magaalada Muqdisho hesho koronto joogta ah oo 24-ka saac shidan.  

Waxaana la illaawi karin nidaamka hanidhowrka ee u adeegsaday saraakiil ku kacday boob iyo musuqa wuxuu shaqada ka ceyriyey inta ku tagrifashay dhaqaalaha dowladda Soomaaliyeed ee loo qoondeeyey hawlaha dib-u-dhiska Magaalada Muqdisho.

Sikaastaba ha ahaatee, Injineer Tarsan wuxuu boorka ka jafay Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaaliyeed ee in muddaba aasnaa ama ay mamnuuceen qolooyinka nabad diidka ah, sidaa daraateed wuxuu abaabulay damaashaad layskugu soo baxay oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala du-duwan ee bulshada kaasoo ka dhacay Golaaha Murtida iyo Madadaalada. Taas waxay curisay is-dhexgalka bulshada ee in muddaba dagaalka sokeeye kala irdheeyey.

Injineer Tarsan waa geesi dadaal badan, tamar iyo fir-fircooni aan la qiyaasi karin leh waxaana mudan in la xusay sida weyn uu ugu istaagay in macaawino ballaaran deg-deg loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee abaaraha iyo colaada ku soo  bara kacay, wuxuuna badbaadiyey kumanaanka barakacayaal ee ku soo qaxay magaalada Muqdisho.  

Injineer Tarsan dadaalkiisa faraha badan waxaa ka mid ahaa soo celinta bilicsamida iyo di-u-hagaajinta waddooyinka oo in mudaba boholo iyo booran aan la mari karin ahayeen.

Wuxuu burburiyey dhismooyin aan qaanuunka waafaqsaneyn ee laga dhistay waddooyinka hareerahooda, taasina waxay soo celisay quruxda magaalada.
 
Xagga ganacsiga Injineer Tarsan wuxuu dhisay suuq ballaaran oo aad u bilicsan si  dadweynaha Muqdisho degaan ugu ganacsadaan, wuxuuna u sameeyey ruqsado (licenses) oo si xor ah ay ugu ganacsan karaan.  

Injineerku wuxuu kaloo qeyb weyn ka qaatay dib u dhiska Garoonka dayaaradaha caalamiga ee Adan Cabdulle Cisman, halkaas oo ballaaarintiisa iyo qalabeyntiisa uu si joogta ah uga sugnaa.

Haddabo, Mudane Tarsan waa nin geesi ah ee aan horey Muqdisho u helin. Sidaasdarted, Sida uu halkudheggiisu ahaa: waa in Muqdisho ka kiciyaa halka ee ku kuftay.

Aragtida: Cumar Axmed, USA




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.