Midnimada Soomaaliya!? - Xiliga Kala Guurka Iyo Hadafka Faroole!

Cali Muxiyaddiin Cali - 52 Sanno ka hor, 1dii Luulyo, 1960-kii Dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa niyad jab waxaa ka qaaday Gumeystiyaashii laga xuroobay iyo Boqorkii Imbaraadooraydii Dhulgoosatada Itoobiya...
Faallo Keydmedia Online
Midnimada Soomaaliya!? - Xiliga Kala Guurka Iyo Hadafka Faroole!

Haile Selassie oo markii xaqiiq dhab ah ay noqotay in dunida guudkeeda iyo xaruntii Ummadaha Midowbayba laga dhex arko dowlad Soomaaliyeed lehna madaxbannani siyaasadeed oo ku timid Midowga ay sameysteen shacbiga Ex British Somaliland Protectorate iyo Ex maxmiyaddii Talyaaniga ee Maamulkii AFIS ee Koofurta Soomaliya. 

Emperor Haile Selassie, waxaa u qoorsheysnayd, meel kastana u maray inaysan dhaboobin Madaxbannaani iyo Midnimo Soomaaliyeed iyo gaar ahaan, dib u midoobid kale oo ku yimaada Mustaqbalka Soomaalida kale ee maqan. Wuxuu wax badan u halgamay, xooggana saaraayay labadaas gobol ee xoroobay in la hoos keeno awoodaha boqortooyadiisa.

Emperor Haile Selassie,  kuma ekaan inuu ka xumaado kaliya Madaxbannaanida iyo israaca Muqdisho iyo Hargeysa, bal wuxuu quwadihii adduunka ee ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa weydiistay taageero Milateri iyo mid siyaasadeedba, si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karta Jamhuuriyadda curdanka ah, wuxuuna ka dalbaday  inay caqabad ku noqdan jiritaanka Soomaaliya.

Emperor Haile Salaassie, wuxuu ku doodi jiray, "Waxay yihiin (Soomaalidu) dad reer guuraa




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.