Mr. Faroolow: Dhaqankii jabhadaha iyo Colaada dib ha ugu celin Soomaali!!

Dr. Ismail Malaas - Waxaa la yaab leh weliba fajac iyo amakaag in Dr C/raxmaan Shiikh Max’ud Faroole madaxweynaha puntland iyo Soomaaliyoo idil uu u celiyo waayadii dhaqankii jaahiliyadda, weliba tii carbeed ee isir naceybka, liidida iyo heyb sooca ku dhisneyd, waxaa ii hubaal ah in aqoonyahano fara badan oo reer puntland in ay ka yaqyaqsoodeen hadaladdii uu C/raxmaan Faroole uu u jeediyay dadka reer puntland maalintii ciidul adxaha, khudbaddii faroole waxay heyb sooc ku sameysay dadkii puntland, waxayna tafaraaruq iyo kala tag u horseedeysay ummadda Soomaaliyeedoo idil oo dhibaato ku heysay dowlad la’aanta.
Faallo Keydmedia Online
Mr. Faroolow: Dhaqankii jabhadaha iyo Colaada dib ha ugu celin Soomaali!!

Dr. faroole uma dan laheyn Shariif Shiikh Axmed madaxweynaha DKMG ah oo uu ku tilmaamay nin xun, wuxuu diidanaa asalba in Dr Max’ed C/llaahi farmaajo loo doorto R/wasaare, taa badalkeedna R/wasaaraha waxa uu la doonayay nin ay raali ka yihiin reer tolkiis, sida madxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed, isaga Dr Faroole ah iyo jeneraal cadde Muuse Xirsi kadib is casilaadii Dr Cumar C/rashiid , waxay u tageen aabihii isir naceybka ku abuuray dad badan oo reer puntland ah oo ka dawoobay kansarkaas, Dr Faroole iyo labadaasi shaqsi ee aan kor ku soo xusay waxay doonayeen in R/wasaare laga dhigo, inta kaloo ku abtirsata beel weynta daarood ee 4.5 ka mid ahina ay ku ekaadaan raaciyihii seddexdaa jufo ee ay u kala dhasheen seddexda nin.

Col Xasan Abshir Faarax ayaa xafalad uu goobjoog ahaa  Dr Cumar C/rashiid markii uu is casilay khudbad uu shir beesha daarood ay ku yeelatay Hotel Saxafi ku sheegay in R/wasaaraha soo socda uu beesha daarood yahay isagoo cuskanayay qodab axdiga KMG ah ee lagu soo dejiyay Imbegaati, Mr Xasan Abshir qodbadiisa wuu xishoonayay caadifadiisa la xiriirta doonista xilkana banaanka uma soo dhigin sida Seddexda nine e ku shirtay magaalada sanca ee Dalka Yeman.

Waa hubanti in Xasan Abshir doonis xil ay ku jirtay isla markaana R/wasaarenimada uu rabay, laakiin Xasan waa uu ka xishooday inuu Faalo iyo falanqeyn ka bixiyo waxa laabtiisa ka guuxiya kadib magacabistii Max’ed Farmaajo, waayo waa wax waafaqsan Axdiga KMG ah ee Imbagaati lagu soo dhadhoobay ee ku saleysan Cadaalad darrada iyo heyb sooca, waxaana kaalin libaax ka qaatay dhoodhoobida dastuur ku sheegaasi C/llaahi Yuusuf  wax kastoo laga xishooda kama xishooneyn waayo isagu waa nin si weyn u aaminsan qabyaaladda mana qarsooneyn laakiin faroole oo qurba joog noqday og in dowladaha horumar ee uu ku dhex noolaa in aanay qabyaalad horumar ku gaarin, balse horumarka uu yahay mid ka dhasha aqoon iyo karti wax qabad leh, cadaalad, sinnaan iyo dhamaan dadka oo sharciga u hogaansan.

Faroole hadaladii uu maalinkii ciidul Adxaa ujeediyay shacabka reer puntland waxay aad uga careysiisay dad badan oo reer puntland ah oo u arkay in hadalada faroole ay ceyb ma hadha ah u soo jiiday reer puntland oo idil iyo Soomaalida dhamaanteed .

Nin nabad doon ah kana tirsan maamulka puntland gaar ahaan degmada Goldogub ayaa weerar ku qaaday khudbadii ciidul adxaha ee Dr Faroole wax la yaab leh ayuu yiri in Faroole uu yiraahdo anaa dooranaya xibnaha wasiirada u noqonaya puntland, Nabadddoon Cali Salaad Cilmi wuxuu ku eedeeyay in Faroole uu kale heyb soocay puntland, layaabna waxaa ah buu yiri in R/wasaaraha howashiisa uu fara galiyo, waxaana ka sii darraa sidaa ayuu yiri Nabaddoon Cali Salaad cilmi in Faroole uu yiraahdo laba wasiir oo reer puntland ah oo xukuumadda cusubee la dhisay ka mid ah in aanay matali Karin reer puntland ,

Dadka Soomaaliyeed inta badan ee dibada iyo gudaha joogtaa way ayidayaan xukuumadda uu soo dhisay Farmaajo, Faroole xukuumadda cusub waa lagu hanweynyahay ashkhaastii hor istaagtayna iyagoo wali howl galinba waa ashkhaas ku nool qaska , qalalaasaha iyo xasilooni daridda  ka jirta Soomaaliya kuwaasoo Shariif Sakiin u horeeyo.

Shariif Sakiin iyo kuwa la midka ah waa laga filayay in ay ka naxaan xukuumad dadka loo soo xulay ay aqoonyahano yihiin , waana in aan sugnaa sida howasha ay u qabtaan markaasna aan xukunaa, jaahil weyn waaye qofka leh qurba joog dalka  waxba kama oga, qurba joogta iyaga ayaa naga xog-ogaalsan oo har iyo habeen arka waxa ka dhacaya Soomaaliya, dunida maanta waa hal tuula oo kale, dayax gacmeedyo ayaa xittaa gurigaaga dhexdiisa waxa ka dhacaya og, dadka Soomaaliya joogana waxay ku eg yihiin war ay sidaan dad baabuur gobaladda ka yimid ay keenaan, hadalkeygana waxaan ku soo xirayaa Faroolow xishoo, Jaahil ma ahid sida Shariif Sakiin Shiikh Aadan.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.