Mucaaradow hurdada ka kaca

Faallo Keydmedia Online

Ayadoo la tixgelinayo qoraalkii Musharrixiinta ku codsadeen xil ka qaadista Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin ka hor wada hadalka heshiiska doorashada 2020/2021 iyo qoraalladii ka dambeeyay ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ku codsadeen xil ka qaadista Taliyayaasha Militeriga, Nabadsugidda, Booliska, iyo Asluubta, kuwaaso aan u hoggansaneyn ku dhaqanka dastuurka kmg iyo ilaalinta sarreynta sharciga;

Mucaaradow hurdada ka kaca

Ayadoo la tixgelinayo dhawaaqii MM ku caddeeyeen inaysan aqoonsaneyn sheegashada xilka Madaxweyne ee Maxamed Cabdullahi Farmajo laga bilaabo 8 Febraayo 2021;

Ayadoo la tixgelinayo in Maxamed Farmajo ilaa maanta garowsan in muddo xileedkiisii dhammaaday 8 Febraayo 2021 (24 maalmod ka hor), uusan jirin sharci lagu beddelay qodobka dastuurka 91 ee dhigaya muddo xileedka 4 sano hab waafaqsan wax ka beddelidda dastuurka kmg;

Ayadoo la tixgelinayo warka dhiillada leh ee Madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubbaland ku caddeeyeen inay halis tahay in la aamino Farmajo sababo aan hadda ka hor mas'uul Soomaaliyeed lagu eedeyn, laguna tuhmin;

Ayadoo la tixgeliyo in Ciidammada Hamarcad, Gorgor, iyo Waran ay yihiin ciidammo aan dastuurka waafaqsaneyn, kana amar qaata Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin iyo Ex Madaxweyne Farmajo,

Ayadoo la tixgelinayo in Ciidammada Nabadsugidda aysan ku shaqeyn dastuurka kmg, nidaamka dimoqradiga, iyo kan federaalka ah, kuna shaqeeyaan amarka Taliyaha Nabadsugidda iyo kuwa haysta kalsoonidiisa keli ah, ciidammadaaso intooda badan la qoray 4tii sano ee la soo dhaafay;

Ayadoo la tixgelinayo in Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasin ka sarreeyo dastuurka iyo sharciga qaranka oo aysan jirin cid uu mas'uul u ahay oo aan aheyn naftiisa iyo dowladda Qatar;

Ayadoo la tixgelinayo in Taliyayaasha Ciiddammada dalka aan lagu dhaarin Kitaabka Quranka si ay dhawraan dastuurka kmg, shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda muwaadiniinta, iyo dhaqanka wanaagsan ee diinta Islaamka ee ku saabsan cadaaladda iyo gudashada mas'uuliyadda bulshada si waafaqsan xaqsoorka iyo danta guud;

Ayadoo la tixgelinayo gaboodfalkii dhacay 19ka febraayo 2021 kaddib markii Farmajo amar ku bixiyay weerarka Madax iyo shacab aan hubeysneyn oo rabay inay sameeyaan bannaanbax looga cabanayo sharcidarrada doorashada daahsan iyo sheegashada Farmajo xilka Madaxweyne, laguna dilay muwaadiniin soomaaliyeed, kuwa kalena lagu dhaawacay, oo Dowladda Federaalka aysan ka samafalin ilaa maanta;

Ayadoo la tixgelinayo warsaxaafadeedka Wasiirka Amniga Xundubey ku caddeeyay in Ra'iisul Wasaare Roble mas'uul ka aheyn ka hadalka heshiiska doorashada dadban, sheegayna in Farmajo iyo Madaxweynayaasha DG mas'uul ka yihiin, inkastoo mar hore RW Roble amar ku bixiyay in DG Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed, iyo Gobolka Benadir bilaabaan doorasho aan heshiis lagu aheyn;

Ayadoo la tixgelinayo in kaadiriinta Xisbiga Hantiwadda Kacaanka 21 Oktoobar 69 iyo xoogag xagjir ah ay taagersan yihiin Farmajo, kana talo qaato, kuwaaso ka soo horjeeda dastuurka kmg oo ku saleysan shareecada Islaamka;

Ayadoo tixgelinayo in beesha caalamka u liicsan tahay in la qabto doorasho jacbur ah, jujuub ah, ka soo horjeeda maslaxadda ummadda soomaaliyeed, kaddibna shacabka soomaaliyeed lagu ceebeeyo musuqmaasuqa iyo qalalaasaha ka dhasha doorashada jujuubka ah;

Ayadoo la tixgelinayo in RW Roble shaaciyay in fashilka shirka dhexmaray MM iyo wafdigiisa ee ka dhacay Hotelka Decale 4ta Maarso 2021 sabab u aheyd MM oo codsaday ka qaybgalka wada hadalka doorashada u dhexeeya DF iyo DG iyo Gobolka Benadir, taasoo uu diiday, ayadoo la isla oggolaaday dhammaan qodobbadii kale ee laga wadahadlay, kuwaasoo uusan caddeyn;

Waxaan u soo jeedinaya MM talooyinka soo socda:

1. Inay MM ka fiirsadaan bannaanbaxa lagu dhawaaqay maalinta sabtida 6da Febraayo ayadoo Ciidammada Ilaalinaya nabadgelyada ay madax ka yihiin Taliyayaashii la codsaday in la beddelo ama ciidammada yihiin kuwa aan sharci aheyn ee ka amar qaata Taliyaha Nabadsugidda Fahad iyo Farmajo;

2. In MM iyo bannanbaxayaasha ku tala galaan halista ciidammada magaca dowladda federaalka sheeganaya haseyeeshe aan dastuurka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta u hoggansaneyn, isla markaana ka amar qaadanaya taliyayaal la codsaday in xilka laga qaado;

3. In MM, Guddomiyaha Aqalka Sare, Madaxweynaha DG Puntland iyo Jubbaland ka wada hadlaan sida looga baxayo marin haabinta mowqifka looga soo horjeedo xil sheegashada Madaxweyne Farmajo oo muddo xileedkiisi dhammaday, kana go'an tahay inuu dalka ku xukumo xoog sharcidarro ah. Wada hadallada iyo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah waxaa ka horreeya in Farmajo aqbalo inuusan aheyn Madaxweyne sharci ah, soo saaro dekreto uu arrintaas ku caddeynayo, xilkana ku wareejinayo Golaha Badbaada Qaranka oo ka koobnaanaya Madaxweynayaasha DG iyo labada Guddoomiye ee Barlamaanka Federaalka, kuwaaso ku dhawaaqi doona xil ka qaadista Taliyayaasha Ciidammada Mileteriga, Nabadsugidda, Booliska, Asluubta, xakameynta Ciidammada Hamarcad, Gorgor, Waran, iyo kuwii kale ee jira loona sameeyo Taliye KMG ilaa inta laga ogaanayo sababaha iyo baahiyada looga saaray qaab dhismeedka ciidammada dowladda federaalka.

4. Waa in la kala dira Guddiga Doorashada Federaalka ka hor intaan laga hadlin heshiiska doorashada;

5. In Ra'iisul Wasaare Roble ka amar qaato Golaha Badbaada Qaranka, kana baxo hafrashada uu ku ceeboobayo oo ah inuu yahay "mas'uul wax ka qaban kara ismari waagga ka taagan doorashada iyo sharcidarrada Madaxweyne sheegashada Farmajo.” Shirka fashilmay caawa 4ta Maarso 2021 ee MM iyo wafdiga RW Roble ku dhexmaray Hoteelka Decale wuxuu daaha ka qaaday in Farmajo iyo Kooxda talada ku laheyd magacaabista RW Roble ay leeyihiin go'aan ka gaaridda arrimaha ku saabsan doorashada;

6. In Beesha Caalamka lala wado wada hadalka aan jidka iyo jihada laheyn ilaa la fahmayo ujeedadooda.

Dr. Maxamud Maxamed Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.