Boqolka Maalmood ee soo socda…

Dr. Ali. A. Hirabe — Dr. Hiraabe ayaa Tallooyin usoo jeedinaya Gudddomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab", wuxuuna Qoraalkaan Kooban kaga hadlayaa "Awooda" Muungaab, iyo siduu uga faa'ideysan lahaa.
Faallo Keydmedia Online
Boqolka Maalmood ee soo socda…

Ugu horeeyn waxaa quman in Gudoomiyaha & Duqa Muqdisho awooda iyo xilka uu Ummada u hayo ay tahay mid aad u weeyn, kana qiimo badan xilka Wasiir iwm.

Xaqiiqdii Muungaab waxaa looga fadhiyaa in uu la yimaado isbedel xagwalba Gobolka Banaadir sida Ciidamada Gobolka, xaga Amniga iyo Degaanka Maxkamadaha madaniga Gobolka Banaadir iyo isbedel baaxad weyn oo aay Ummada Soomaali dareemi karto.

Waxey ila tahay, in Muungaab uu fuliyo Arimaha soo socda:

Dhaqaalaha Gobolka

Dhaqaalaha Gobolka Banaadir ka soo baxa waxaa quman in Muungaab kala tashado Dowlada Federaalka cadeeyana xaqa Gobolka leeyahay iyo inta Dowlada dhexe ay xaq u leedahay. Socon meeyso in 15 % oo Gobolka laga siin jiray Daqliga Gobolka xiligii Tarzan iyo intii ka horeeysay.

Canshuurta Gobolka iyo inta Dowlada Dhexe xaqa u leedahay waa in lagu cadeeyaa Qoraal ka soo baxay Dowlada Dhexe, haddii aanan Dhaqaale wanaagsan loo helin Gobolka ilama ah in la xasilin karo gobolka, soo celinta Nabada iyo adeega bulshada waa mid u baahan Dhaqaale xoog badan maadaama Caasimada Muqdisho ay ku nool yihiin in ka badan 3 Malyan.

Ciidamada Gobolka

Dhismaha Ciidamada gobolka Banaadir sida kuwa soo celinta nabada ee Booliska iyo Nabadsugida, gobolka waa in uu qaadaa Masuuliyadda Nabada iyo adeega bulshada Gobolka. Waa in shacabka Gobolka ay ka Qeyb qaataan soo celinta Nabada iyo la dagaalanka Al-shabab.

Mungaab waa in uu la yimaada Aragti dheer ama hilaal cad oo ku wajahan sidii looga maarmi lahaa Ciidamada Ajnabiga ah sida kuwa AMISOM iwm Saldhigyada Gobolka Banaadir waa in 100 maalmood ee soo Socota ay ka howgalaan Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Maxkamaddaha Gobolka

Gobolka Banaadir waa in uu yeeshaa Awooda Maxkamadaha madaniga ee gobolka Banaadir sabbabta oo ah dhacdo-walba oo ka dhacdaa gobolkaa oo nabada iyo aminiga gobolka Banaadir ka dhexdhacdaa waa waajib ah in gobolka Banaadir Maxkamada madaniga aay xukumaan wada shaqeeyn hufane ay dhexmarto xeer ilaalaasha gobolka, Booliska iyo Nabadsugida Gobolka.

Waxaa quman in maxkamada ciidamada gobolka Banaadir la helo si ciidamada faraha badan ee gobolka Banaadir dhex degen loogu helo maxkamad ciidan ee awood ku yeesha gobolka Banaadir.

Ciidamada Xoogga

Muungaab waa in uu la yimaadaa argti aad u fog oo ku wajahan in la abuuro Ciidamo Somali  oo bedela cidiidanka AMISOM asaga oo la tashanyo dowlada siiba Madaxweeynaha, goobaha ciidamada AMISOM ku sugan yihiin ee ilaalinta Dekeda iyo Madaarka Muqdisho iyo xarumaha dowlada iyo wasaaradaha dowlada federaalka dhistay.

Gudoomiye Muungaab waa in uu xooga saaraa xuduudaha gobolka Banadir sida labada shabeele, sabbabta oo ah Muqdisho Mabad ma noqon karto inta awooda labada Shabeele ay tahay mid aayan dhisneeyn, waxaa quman in degmooyinka xuduuda la leh labadaa gobol la geeyo ciidamo Militeri iyo kuwo Boolis si sharta Al-shabab meesha aayan u imaan.

Golaha Deegaanka Gobolka

Gudoomiye Muungaab waa in uu la yimaada argtida ah dhismaha Golaha deegaanka Gobolka Banaadir hiilaalkaa ama aragtidaa dheer ee dhisida golaha deegaanka gobolka Banaadir Tarsan la imaan balse xiligaan waxaa muuqda fursad iyo gudoomiye cusub oo jecel in nabada soo noqoto lagana baxo ku meelgaar. Muungaab weli waa ku meelgaar waxaase fursad u ah asaga oo gobolka ka saaro ku meelgaarnimo una guuro gobolka mid aay shacabkiisa soo doortaan cida hogaanka u qabaneeysa.

Gudoomiye Muungaab waa in uu aqriyaa dastuurka qabyo Qoraalka ee aanan weli la dhameeystirin, kuna baraarugaa inta gobolka Banaadir ka quseeya abuuraana sharciyaqaaano reer Bnaadir ah oo la jaanqaada sidii gobolka Banaadir u soo dhex geli lahaa federaalka iyo maqaamka uu istaagayo gobolka, waxaa dastuurka ku qoron in masiirka Muqdisho aay ka tashanayaan 275 xilidhibaan ee baarlamaanka iyada oo la ogyahay in xubin walba oo xildhibaan ahi aay ka timid gobol aay leedahay halka gobolka Banaadir weli aayan cadeeyn cida matasha.

Muungaab waa in uu isku raadiyaa inta aqoonta u leh sharciyada iyo inta aay ka godo sheegashada gobolka iyo sida uu ula jaanqaadikaro gobolada Dalka inooda kale.

Tan ugu Muhiimsan: Gudoomiye Muungaab waa in uu Ummada Soomaaliyeed u soo bandhigo Isbedelka Cusub iyo halka Gobolka Banaadir u socdo, iyada oo laga duulayo ninwalba gobolkiisa waa dhistay maxaa gobolka Banaadir hororoka loogu yahay oo loogu diidayaa in nabadi ka dhacdo iyo nolol.

Dr. Cali. A. Hiraabe - Hirabe_a@hotmail.com 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.