Muqdisho waxaa ka jirta Riwaayad Siyaasadeed aan dhamaan u muuqan!

Maxamed Odowa — Waa Magaaladii loolanka Siyaasada Soomaaliya. Marka dhinac kale laga Eego waa Gobol dhameystiran oo dadka ku nool ay tahay inay la mid-noqdaan dhanka xaquuqaha qeybaha kale ee dalka. Waa gobol dhaqaale ahaan isku filan, islamarkaana wax tar u leh dalka intiisa kale.
Faallo Keydmedia Online
Muqdisho waxaa ka jirta Riwaayad Siyaasadeed aan dhamaan u muuqan!

Waxa ku nool in ka badan Saddex milyan oo dad ah. Maalmo kadib weerarkii lagu qaaday Baarlamaanka loo dhanyahay ee Soomaaliya, waxaa soo baxaya in Shacabka gobolka Banaadir aysan kale jeclayn wixii dhacay. Laakin marka dhan kale laga Eego meesha dadka ku dhintay waxaa u badan dhalinyaro ciidan u badan oo Soomaali ah oo difaacayey Barlamaanka loo dhanyahay ee Soomaaliyeed. Dhimashada askarta Soomaalida ah ayaad moodaa in ay tiraanyo ku hayso dadka gobolka Banaadir.

Qaarkood oo aan la hadlay weerarka kadib waxay ii sheegeen inay jeclaan lahaayeen inay arkaan dhimashada Xildhibaano badan halkii ay arki lahaayeen Askar badan! Sababaha ay sidaas u jecelyihiin ma fahmin. Laakin waa wax la dareemi karo haddii aad halkan, Muqdisho ku noo shahay.

Ka sokow in la yiraahdo Muqdisho waa Caasimad, misna Muqdisho waa Gobol waxana saaran dadka gobolkan Culeys siyaasadeed, cunaqabateyn, iyo lag-dan siyaasiyiin maxali ah oo aan dhamaad lahayn oo waliba aysan la wadaagin gobolada kale ee dalka.

U fiirso, Madaxwaynuhu haddii uu tago Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland waa Booqde, (visitor) ee ma ahan taliyeha ugu sareeya ciidanka Soomaaliya, (commander in chief).

Madaxweynuhu wuxuu tusaale u noqon karaa dowladda inteeda kale. Micnuhu waa in Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ra




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.