Muqdisho Xagee U Socotaa?

Dr. Cali. A. Hirabe - Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” waxaa la magaacay July 2010, waxuu ahaa Nin Qurba-joog ah, reer UK. Hadana Bulshadda Gobolka wali waxa ay sugayaan Hogaan ay ayagu soo doortaan oo rabitaankooda ku yimaada ayaga oo Xor ah.
Faallo Keydmedia Online
Muqdisho Xagee U Socotaa?

Markaad u fiirsatid waxaad moodaa in Mudane Tarzan aysan Maskaxdiisa ku jirin in shacabka Gobolka Banaadir uu gaarsiiyo in aanan loo doorin Gudoomiye danbe balse ay waajib tahay in ay ayagu - Waa Bulshadee - ay soo doortaan Golaha Degaanka Gobolka Banaadir.

Waxaa loo baahanyahay Ruux ka Tarjumaya baahida loo qabo in la hiigsado Horumar la taaban karo ee uu ku Talaabsado Gobolka Banaadir ee ay Maantay ku Noolyahiin 3.8 Malyan oo la mid ah 4 meelood, meel ka mid ah Tirada Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Tarzan haddii uu lahaan lahaa hilaal dheer oo ujeedka uga danbeeya yahay in Gobolka Banaadir uu helaa ruux aanan la soo Magacaabin balse Golle Degaan keensaday, Manta ilama ahaan laheeyn in Tarzan Maanta sidaa loo bahdili lahaa, oo wuu ka badbaadi lahaa, sababta oo ah xiligii la dooran lahaa asaga ayaanan raadin hilaal ku wajahan Doodrasho Gobol.

Nin lasoo Doortay, ee aan lasoo xulin!

Dib u milicsada: Muqdisho waxaay leedahay Indheergarad aan la tirin karin. Aqoonyahano ku xeel dheer Culuunta Bulshadda, Siyaasi aad dhamaantood wada garaneysaan, Culumaau Diin Caan ah, Dhalinyaro iyo Haween aad u Firfircoon iyo Shacab aad ugu Danqanaya kana dhiidhinaya gardarada iyo dhagarta inta Maangaabka ahi aay wadaan.

Waxaa lasoo gaaray xiligii xisaabtanka, xiligii loo Danqan lahaa Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaasna lagu mideyn lahaa dhamaan Shacabweeynaha reer Muqdisho oo waliba lo Tafaxayto in aay helaan Hogaan xalaal ah oo aan aheyn Nin loo soo xulay  “selected “ balse noqda mid la soo doortay “elected” .

Akhristow ma Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Maanta awood u lahaaan lahaa in uu xilka ka qaado Gudoomiye Gobol oo lasoo doortay.

Waan ka xumahay, Tarzan inta aad Gobolka u qabatay waad ku mahadsantahay, inta dhiman waxaan ka sugeeynaa Cidii loo Doorto Xiligaan.

Waxaay ila tahay in aanan loo baahneeyn in laga sheekeeyo waxa Muqdisho ka dhacay xaga Barakaca iyo Burburkii ku yimid waxii ka danbeeyay 1991 balse waxaan jeclahay in aan ku soo koobo kuwii Hormuudka ka ahaa Burburkaa iyo Barakacaa Muqdisho ku dhacay in Maanta aay leeyihiin Dowlado Goboleedyo Qabiil ku dhisan, inkastoo dalka xiligaan dastuurka Qabyo Qoraalka lagu heshiiyay uu sheegayo in laga guuray ka Maamulida Dalka hal meel (centralize) loona guuray habka Federaalka oo aanan weli si Cad u qeexneen.

Habka Federaalka ee loo gudbaayo ayaa weli waxaa mugdi ku jira mustaqbalka Siyaasada Gobolka Banaadir.

Waxaa dhab ah in Muqdisho ay u baahan tahay Siyaasad Salkeeda adag tahay sida Maanta Muqataana Muqdisho waxaa ay u baahantahayHogaan Xalaal ah oo Umada ku Hogaamiya Isfaham, Is-kaashi wada jir iyo in eey u dhaq-dhaqaaqaan maslaxada Cida ay Hogaaminaayaan una wadaan dhinaca khayrka iyo wanaaga kana hor istaagta Sharta iyo xumaha.

Sabbabta oo ah Hogaamiye-yashii hore ee Muqdisho soo maray Shacabka uma horseedin Nabad iyo wada noolaansho dhab ah, waxayna aheed mid aan laheen hilaal ama Odorisin Siyaasad saldhigeeda yahay Nabad & wadanoolaansho balse hurisay Dhiilo iyo Colaada socotay ayeey qeyb ka ahaayeen wayo ma reebin dhaxal ama Raad wanaagsan ugumana eeysan tagain Shacabkii ay ka Dhashteen ee Gobolka Banaadir waxaan aheen Gumaad iyo Barakicin ay Aakhiro Dhaxlidoonaan.

Bal Fiiri: Cali Mahdi, Cali Geedi, Sheekh Shariif, midna ma garan Xalka Gobolka Banaadir balse Gonboladaa lagu tiriyo Hawiye Nin-walbaa waxuu doorbiday Gudoomiye la soo xulay.

Xassan Sheekh maxuu keeni doonaa hilaalse ma leeyahay in G/Banaadir iyo Gobola kale laga Abuuro Maamul Dadka soo doortay. Maxaa diiday in sida Maamul Goboleeyada kale in Goboladda Dhexe u ka hirgalo Maamul Gobol, Maxaa diiday in Hiiraan lo sameeyo Maamul. Maxaa diiday in Sh/dhexe lo……?.

Maxaa diiday in Bari lagu dhaqaaqo in Ninka noqonaya G/banaadir u noqdo mid la soo Doorto?

Dr. Cali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com  




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.