Xiriirka u Dhaxeeyo Soomaliya iyo Kenya, Muxuu Ku danbeyn doonaa?

W/Q:Maxamed Ibraahim - Dowladda Kenya waxa ay ka mid tahay Sedexda Wadan ee aan dariska nahay Waxa ayna dhul iyo dadba ka haysataa Wadankeena kaasoo uu siisay Gumeystihii Ingiriiska, Waxa ay Iyada iyo Itoobiyuba heshiis ku yihiin in aysan Soomaaliya ka dhalan dowlad xoogan taasna waxaa cadeeyey Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Ara Moi.
Faallo Keydmedia Online
Xiriirka u Dhaxeeyo Soomaliya iyo Kenya, Muxuu Ku danbeyn doonaa?

Dowladda Kenya in kasta oo aysan jeclayn dowlad Soomaaliyeed oo xoogan hadana markii uu dhacay dagaalkii sokeeye waxa ay albaabadeeda u furtay Shacabkii Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Wadankoodii,Waxa ayna martigalisay Kumanaankun oo Soomaaliyeed kuwaas oo wali ku sugan Wadankeeda,qaar waa ganacsadaan Iyagoo waliba Qaxooti ah halka qaar kalena ay ku nool yihiin Xeryo Qaxooti waana uga mahad celineynaa soo dhaweyntaasi.

Fursadaha ay ka heleen Soomaalidii u soo qaxday Wadanka Kenya waa kuwa mala ilaawaan ah hadaanan jisaareynin waxaana ka mid ah fursadahaasi Waxbarasho la mid ah midda ay helaan Muwaadiniinta Kenyaanka ah,Waxaa sidoo kale ka mid ah fursadahaasi  ganacsi cajiib ah oo laga helay Malaayiin doolar kuwaas oo qaarna dib ugu noqotay Wadankeena qaarna lagu maalgilyey Wadanka Kenya.

Waxaa  sidoo kale ka mid ah fursadaha ay heleen Soomaalidii u soo qaxday Kenya dib u dajin dalal kale sida North America iyo Yurub taasoo iyadana qeyb weyn ka qaadatay nolosha Malaayiin Soomaaliyeed oo ku nool gudaha iyo dibadda, Waxa uuna noqday Wadanka Kenya sida wadankeenii labaad oo kale Anagoo isaga kala kooshno Qaaradaha Aduunka in kastoo police-ka Wadankaasi uu dhibo Soomaalida Qaxootiga ah taasna waxaa nala wadaago Qaxootiyada kale.

Labadadii Sano ee la soo dhaafay waxa ay dowladda Kenya ku howlaneed arimo badan oo xumeyn kara xiriirka u dhaxeeyo labada dal iyo labada Shacab meeshana ka saari kara abaal sheegedkii ay Soomalida u haysay dowladda iyo Shacabka Kenya, Waxa ayna dowladda Kenya faraha la gashay arimaha Siyaasadda Soomaaliya Iyadoo soo hubeysay Maleeshiyooyin ay ku sheegtay in ay u tababartay dowladda Soomaaliya, Waxa ayna sidoo kale dabada ka riixeysay Maamulkii Azaaniya ee uu Gaandi Atooraha ka ahaa.

Kuma aysan ekaan intaasi waxa ay markii ugu horeysay dowladda Kenya u soo dirtay ciidankeeda Wadanka Soomaaliya Iyadoo marmarsiiyo ka dhiganeysay in Xarakada Alshabaab ay dad ka soo afduubatay gudaha Kenya ayna amaan daro ka wadaan gudaha Wadankaasi,taasoo ahayd farsamo ay Kenya ku soo galaysay gudaha Wadanka Soomaaliya laakiin aysan fahmin Soomali badan oo ka mid ah kuwa ay hadda cabaadayo oo u haystay in ay Kenya u timid sidii ay u caawin lahayd dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya waxa ay soo galeen ciidamdeeda Wadanka Iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan dowladdii markaasi jirtay taasoo ahayd sharci daro weyn balse waxaa si aan ka fiirsasho lahayn u soo dhaweeyey Siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ah Maamulada ka jira Wadanka,kuwaas oo kala hortagay ciidamadii sharci darada ku soo galay Wadanka mahadnaq iyo soo dhaweyn aan xad lahayn balse markii danbe banaanada ku ooyey ka dib markii ay la safatay Kooxda Raaskanbooni Ex Wadaadadii Al-Itixaad.

Dood iyo buuq dheer ka dib waxaa la siiyey ciidamada Kenya ee sharci darada ku soo galay Wadanka magaca Amisom waxa ayna ka howlgaleen gobolada Jubooyinka iyo Gedo Iyadoo Mandate-koodu ahaa in ay la dagaalaan Kooxda Alshabaab ayna ka caawiyaan dowladda Federaalka wixii ay u baahato balse taasi ma dhicin, Waxa ayna Ciidamada Kenya faraha la galeen howl aan shaqadoodii ahayn Iyagoo si bareer ah u taageeray Kooxda Raaskanbooni, Waxa ayna ugu danbeyn meeshiina ka dhiseen Maamul uu Madaxweyno ka yahay Axmed Madoobe Ex Gudoomiyihii Maxaakiimta  ee Jubooyinka!! 
 
Dowladda Kenya oo markii horeba lagu eedeynayey Maamulkii Azaaniya ee uu hogaanka u hayey Gaandi ayaa mar kale waxaa lagu eedeeyey in ay ka danbeysey doorashadii Axmed madoobe,Waxaana xigay in ay si toos ah uga qeyb qaadato dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo si meesha looga saaro dhamaan dhinacyadii diidanaa faragelinta Kenya.

Waxaana ka dhashay arinkaasi xiisad weyn oo keeni karta colaad sidoo kalena galaafan karta wax badan oo wanaag ah oo u dhaxeeyey labada Wadan hadaan laga hortagin maanta.

Hadda xaalku waxa uu marayaa meel xun waxaa uuna sababi karaa hadaanan xal loo helin in dagaal toos ah oo lagu qaado Ciidamada Kenya ee jooga Jubooyinka iyo Gedo, haday taasi dhacdana waxaa ku xigaya in Somalida ku nool Wadanka Kenya laga dhigo wax la dilo iyo wax la dhaco taasina dan nooguma jirto Iyaga iyo Inagaba  hadabo maxaa xal ?

Waxaan soo jeedinayaa dhowr Qodob.

  1. In Baarlaamnku soo saaro sharci cusub oo ka mamnuucayo dowladaha safka hore in ay ka howl galaan gudaha Wadanka Soomaaliya duruuf kastaba ha jirte.
  2. In dowladdu Federaalku soo saarto Jadwal cad oo muujinayo xiliga ay ka baxayaan Ciidamada Shisheeyaha Wadanka guud ahaan gaar ahaan kuwa safka hore.
  3. In dowladda Federaalka kala hadasho faragelinta Kenya iyo cawaaqibka ka dhalan kara Hay




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.