In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Dr. Xassan Shiikh Cali - Waxaa in mudo ah kolba madaxa derbi ku dhifanaayay Madaxweyne Farmajo, laakiin kama danbeystii tabartiisa siyaasadeed ayaa u run-sheegtay.MW FARMAJO OO IS-DHIIBAY
Madaxweyne Farmajo wuxuu in mudo ah ku dheganaa:
Dhanka kale Madaxweyne Farmajo wuxuu diidanaa in aay dalka ka dhacdo "Doorasho la isla ogol-yahay xiligeedana ku dhacda".
Miraha Shirkii Dhusa-Mareeb 3:
Sida ku cad "Heshiiska Dhusa-Mareeb 3" Madaxweyne Farmajo waa ka tanaasulay labaddii qodob ee uu ku dheganaa sida ku cad "Heshiiska Dhusa-Mareeb 3".
Mara-ku dhegii ugu danbeeyay:
Hase-yeeshee Madaxweyne Farmajo wuxuu si-indha la'aan ah ugu dhegan-yahay in Gudiga Madaxa-Banaan Ee Doorashoyinka Qaranku in uu hogaamiyo Doorashada 2020/2021-ka (fiiri Qodobka 13-aad).
Sidaas oo kale waxaa Madaxweyne Farmajo ku dhegan-yahay in "Heshiiska Dhusa-Mareeb 3" in la geeyo Golaha Shacabka (fiiri Qodobka 12-aad) ee heshiiska.
Su'aal (1):
Hadiiba la tuuray ama dhinac la iska dhigay "Sharcigii Doorashooyinka Qaran ee Heer Federal" ee Madaxweyne Farmajo saxiixay 20/2/2020-kii, sharcigee ayeey Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaranku ku maamulayaan Doorashada 2020/2021-ka?
Su'aal (2):
Ka hor inta aan heshiis-kaani Golaha Shacabka la-weydiin in aay aqbalaan: Horta Madaxweynuhu jawaab ma u-hayaa Golaha Shacabka hadii la weydiiyo: Mudane Madaxweyne aaway Sharcigii Doorashada ee Golaha Shacabku horay u ansaxiyay?
Dhab ahaantii Madaxweyne Farmajo jawaab uma haayo 2-daas su'aalood.
Sharci ahaanshaha in Gudiga Doorashada ee Madaxa Banaan in uu Doorashada 2020/2021-ka maamulo iyo ka qancinta Golaha Shacabka in Madaxweyne Farmajo joojiyay ku dhaqanka Sharcigii Doorashooyinka Qaranka.
Culayska ka dhalan-doona labadaas arimood waxay horseedi-doonaan "Muran-siyaasadeed", sababta oo ah horay ayuu Madaxweyne Farmajo Golaha Shacabka ugu balan-qaaday in aanu aqbali-doonin in talada lala-garab maro Golaha Shacabka...Sidaas oo kale Maamul-Goboleedyada xooga leh sida Puntland iyo Jubbaland iyo Madasha Xisbiyada Qaran ma aqbali-doonaan in Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashoyinka Qaranku maamulo Doorashooyinka 2020/ 2021-ka sababta oo Gudigu mahaysto sharci uu wax ku maamulo.
Gebagebadii, Shirkii Dhusa-Mareeb 3" wuxuu sababi-doonaa "guul-daro siyaasadeed" oo u soo hoyata Madaxweyne Farmajo iyo "muran-siyaasadeed", oo saameeysa guud ahaan siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.
XALKA
Wadada (ama xalka) kaliya ee Madaxweyne Farmajo u furan waa:
Wadadaas Alle haku hanuuniyo Madaxweyne Farmajo, hadiise uu-diido wadada saxda ah ee u furan Golaha Shacabka ee Soomaaliya waa in laga daba-geeyo saaxiibkiis Khayre, si dadka Soomaaliyeed looga badbaadiyo.
Soomaaliya Midnimo: Aamiin
Dr. Xassan Shiikh Cali
Mogadishu, Somalia
Add comment
Comments