Nabaad Guurka Soomaaliya!!!

Haji Seeko (Keydmedia) - Dunida way ka dagaalantaa in laba dhibaato ay wajahdo kuwaasoo kala ah maskax guur iyo maal guur, laakiin Soomaaliya waa lagu faanaa labaduba oo lacagtii dalalka dibada ayaa lagu maalgaliyay maskaxdii dadkana way tahriibtay oo Dalkii way ka guurtay.
Faallo Keydmedia Online
Nabaad Guurka Soomaaliya!!!

Maskax guur lagu daray maal guur natiijadiisu waxay tahay Dad la’aan iyo duni la’aan waa inta Soomaaliya maanta ay ka dhismi la’dahay oo ay 20 sano burbur, musiibo, dagaalo, baahi, khilaaf iyo is heysad u dhex mushaaxeyso.

Dhalinyaro, odayaal iyo Haween intuba marka aad la sheekeysato waxay kuu sheegayaan in ay u darban yihiin Dalka in ay ka barakacaan oo dunida qaxooti ku noqdaan, waana dhif iyo nadir in la arko qof soomaaliyeed oo ku kalsoon inuu Dalka ku noolaado, waxaana dadka yar ee wadaniyaada ay ku danbeyso lagu eedeeyaa in ay yihiin kuwa waalan masakax ahaan oo aan aqoon nolasha waxa ay tahay.

Hebel wuxuu iska dhiibay Dalkaasi, heblaayo waa loo dacwoonayaa, reerkaas line ayaa ka qarxay, hebel is xanbaar ayaa lagu wadayaa, heblaayo ama hebel waxaa lagu xiray xuduuda Dal hebel, waa erayada ugu badan ee bulshada Soomaaliyeed min Dal ilaa dibad ay ku sheekeestaan.

Erayadan ayaa ah kuwa marqaati kacay in Nolasha dadka Soomaaliyeed ay maskax ahaan ku xirantahay ku noolashaaha dibada tiyoo qurba joogta aanay qeylo ka dhamaan isla markaana ay mar walba ku alle tuugaan in isbadal wanaagsan uu alle dalka ka dhaliyo si umaddii Dalka ka hayaantay ay dib ugu soo laabtaan isla markaana ay nolal ka abuurtaan gudaha Dalka.

Tiro laguma soo koobi karo inta dhalinyaro Soomaaliyeed ee ku geeriyootay badaha caalamka  iyagoo dadaal ugu jira in ay badda ka talaabaan oo ay nolal ka doonaan Yurub iyo Dalalka la ayniga ah, waxaana  dhagaha waalidka Soomaaliyeed ee Dalka ku nool iyo kuwa dibada maalin walba ay dhawraan dhawaq ku saabsan dhibaato ka dhacday gudaha badweynta Sida doon quustay, dad doon laga daadiyay, doon wadadadii ka luntay iyo waxyaabo la mid ah.

Dhalinyaro badan oo ka nabaad guurtay Dalka kuna sugneed Dalka Liibiya ayaa maanta halkaasi dhibaato ay ku heysataa  kuwa kale ayaa si dirqi ah u badbaaday, yamen sidoo kale dhibaato kale ayaa ka jirta waxaana dhamaan arimhaasi ay yihiin dhaxalka nabaadguurka dadeed ee Soomaaliya ku habsaday.

Shantii sano ee la soo dhaafay kumanaan Soomaali ah ayaa ku qarqamay badaha caalamka kuwa kalana waxaa ay ku geeriyoodeen saxarayaasha, sidoo kale ma tira yara kuwa ku dhibaatoobay safarka lugta ah ee leysaga gudbo xuduudaha iyo waliba xabsiyada Dalalka Caalamka.

Hadaba waxaa la gudboon dadweynaha Soomaaliyeed ee mar walba ku dhibaatoonaya dhulka shisheeye in ay la yimaadaan fakar lagu nabadeynayo Dalka isla markaana meesha looga saarayo kooxaha afkaaraha qaladan ee dalka iyo dadkba dhibaateeyay.

Qoraalkaan waxaa Bogga Keydmedia Online lagu soo daabacay 21.01.2012

Abudlkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent

_____




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.