In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Nabaddu waa macaan tahay, colaadduna waa xaraar tahay.
Inta dunida korkeeda ku nool, bulshada Yuhuudda mooyee, ma jirto cid kale oo Soomaalida uga waayo-aragsan barwaaqada nabaddu leedahay iyo ayaandarrada colaadda laga dhaxlo, waayo waxaan ku jirnaa sannadkii toddoba iyo labaatanaad oo dalka Soomaaliyeed ay ka taagnayd xasarad colaadeed-ha ahaadaan kuwo dawladu abuurtay iyo kuwo badan oo deegamada ka dhexdhashay; hadana bulsho-weynta Soomaaliyeed inteeda badani colaad bay isu-xambaarsan yhiin.
Haddaan la layska rogin baalkii xasaradaha colaadeed oo laysu tanaasulin, nabadu ma curan karto, colaaddu waa dahsoon tahay oo hadba meel ayay ksoo burqaan doontaa, cid walbana cidda dariskeeda ah ayay farta ku fiiqi doontaa.
Soomaalidu waa kala dhagar badan tahay ee ma kala caqli badna; nin walbana waa garan karaa waxa kan kale la hullaaban yahay.
Nabaddu waa hadiyo qaali ah oo u baahan in la kobciyo, in la koolkooliyo, in la bari kiintaaro oo marin habawga laga ilaaliyo. In kuwa seedda goynaya laga dhawro, kuwa xambaarsan oo u caleemo ruxayana lagu ammaano. Cadawga duullanka ku ah nabadda waa in laga yureeyo, kuwa uurdooxayana looga hortago sidii looga hortagi laha argagixisada iyo xag-jireenka.
Ifka iyo adduunyada waxaa ugu wanaagsan qofka nabadda xambaarsan oo kubcinteeda ku tusbiixsada; waxaana ugu aaya-xun kan colaadda huriya, waxdhibaalkeedana ku naaxa. Xasaradaha colaadeed ee maanta dalka ka aloosan waxay dibudhac iyo jahowareer ku noqon doonta jiilka naga dambeeya oo naga dhaxli doona hoog iyo ba
Add comment
Comments