Qiso Xiiso Badan - Nasiixada Wanagsan Geela Way Ka Qaalisantahay! - Sheeko

Dr. Ahmed Abdulahi (Keydmedia) - Oday Reer Baadiye ah ayay noloshii ku adkaatay dhibkediina kabatay, wuxuuna goostay inuu Qaxo/ Katago Degaankii uu kunoolaa. Wuuna Qaxay isagoo katagay Reerkiisii, gurigiisii iyo Tuuladii uu kunoola intaba, wuxuuna u kacay dhinaca Magaalada.
Faallo Keydmedia Online
Qiso Xiiso Badan - Nasiixada Wanagsan Geela Way Ka Qaalisantahay! - Sheeko

Safar dheer kadibna wuxuu gaaray Guri uu leeyahy Nin Sumcad iyo Sharaf badan kuleh Magaalada. Sifiican buuna usoo dhaweeyay, marti galin fiican kadibna wuxuu weydiiyay meesha uu u-socdo? Wuxuuna u sheegay inuu soo Qaxay oo Magaalada dan soo mooday, wuxuuna kuyiri marabtaa inaad ii Shaqayso, (soo dhaweynta Martida, ilaalinta Geela, dayac tirka beerta iwm) aan ku siiyana Geel iyo Xoolo aad ku faraxdo? Odaygiina wuu aqbalay wuuna ku farxay.

Muda ayuuna shaqeeyay kana faa´iidaystay, kadibna wuxuu u riyaaqay Gurigiisii iyo Reerkiisii, wuxuuna usheegay ninkii uu u shaqaynayay inuu rabo inuu laabto. Wuuna kanaxay maxayeelay wuxuu kahelay amaanadiisa iyo runtiisa, wuxuuna siiyay Xoola badan, sifiican buuna usagootiyay.

Jidkii saxaraha ayuuna kulaabtay, wuxuuna arkay Nin duq ah oo jidka fadhiya oon waxba haysanin, wuuna salaamay wuxuuna weydiiyay waxa uu halkaan cidlada ah kahayo? Wuxuuna ugu jawaabay waxaan ahay ganacsade!

Wuuna layaabay "Ganacsigee, dad ma´arko, alaabna ma´arko!" Duqiina wuxuu ku jawaabay waxaan iibiyaa Nasaa´ixda ama talooyinka wanaagsan!

Nasaa´ixda! Haa, "Meeqaad ku iibisaa Halka naseexo?" Odaygii ayaa ugu jawaabay "Waxaan ku iibiyaa hal neef oo Geel ah!!" Kor iyo hoos buuna fiiriyay isagoo layaaban Qaalinimada Nasa´ixda, jecela inuu iibsado nasiixo faa´iido leh.

Wuxuuna yiri "Iga iibi hal Naseexa ah, waan bixinayaa neef Geel ah" Wuxuuna yiri duqii "Markuu soo boxo xidiga suhel, daad ka-carar" Wuu fikiray, isagoo kanaxay qaalinimada Naseexada iyo faa´iida la´aanteeda, wuxuuna goostay inuu iibsado nasiixo kale.

"Isii naseexo kale, neef kale ayaan bixiye" Duqiina wuxuu yiri "Ha aaminin nin Indho goobaban iyo Ilko kala fog-fog leh" wuxuu dareemay iyaduna inayna wax faa´iido ah lahayn. Wuxuuna yiri "Neef 3-aad baan bixinaa, isii nasiixo 3-aad!" Odaygi Wuxuuna ku yiri "Laseexo Shalayto/ Qoomamo, lakiin marna hala seexanin dhiig" Wuxuuna dareemay inuu ku dhacay khiyaano iyo khasaare xun.

Safarkii ayuu sii watay, isagoo jidkii sii hayana Roob baa da´ay, wuxuuna arkay Dad Teendhooyin xirteen, wuuna lafariistay si uu ula casheeyo ulana baryo. Habeenkii markuu seexan rabayna wuxuu arkay xidigii suhel, wuxuuna soo xasuustay nasiixadii uu qaaliga kusoo iibsaday. Wuuna soo kacay wuxuuna kiciyay Ninkii lahaa Teendhada uu hoos jiifo, una sheegay qisadii, wuxuuna kacodsaday inuu dadka oo dhan gaarsiiyon si




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.