Nidaam Dowladeed nooceebaa ku haboon dadka Soomaaliyeed?

Cabdullahi Ibrahim — Burburkii Dowladdii Dhexe kadib, waxaa soo baxayey Aragtiyo kala duwan oo ku aadan nooca dowladnimo ee ku haboon dadka Soomaaliyeed ka dib Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, Nidaamka Federaalka (Federal System), dadka qaarna waxey doonayaa in lagu dhaqmo Nidaamka dowladda dhexe (Central System).
Faallo Keydmedia Online
Nidaam Dowladeed nooceebaa ku haboon dadka Soomaaliyeed?

Aragtiyooyinkan kala duwan ee ay kala qabaan Siyaasiyiinta iyo taageerayaashooda,Ayaa waxaa dhinac socda aragti kala oo ay qabaan Kooxaha Islaamiyiinta Soomaalida sida Al-shabab oo kale,Waxa ayna Kooxaha Islaamiyiinta qabaan in Soomaaliya laga dhiso nidaam Islaami ah, kaas oo aasaas u noqda dhismaha Khilaafa Islaami oo mar kale ka hanaqaadda Caalamka.
 
Qolyaha taageersan nidaamka Federaalism-ka ayaa ku doodayo in ay Soomaalidu is-dishay,Islamarkaana ay si xun u kala aamin baxday, Sidaa daraadeed nidaamka kaliya ee isku soo celin kara Maanta uu yahay nidaamka Federaalka.Qolyahan Federaal doonka ayaa aragtidooda ku saleeyey waxa Maanta taagan oo kaliya.Kooxdan ayaa halis ku ah Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed, Waxaana shaki iiga jirin in ay gadaal ka riixayso Xabashi iyo wax la mid ah..
 
Amma Qolyaha taageersan nidaamka dowladda dhexe (Central System), Waxa ay ku doodayaan in dadka Soomaaliyeed ay yihiin qoys wadaago Diin,Luuqad,iyo Dhaqan intuba, Sidaa daraadeena aan loo baahneyn nidaam sii kala fogeeya ama sii kala qeyb qeybiya.Waxa ay qolodan Central doonka ah ku andacoonayaan in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin cadowyo badan islamarkaana uu ka maqan yahay dhul ballaaran sidaa daraadeedna ay u baahan yihiin oo kaliya nidaam dhexe oo isku hayo islamarkaana u soo celiya dhulkooda maqan.
 
Hadaba haddii ay horyaalaan dadka Soomaaliyeed Labadan fikradood ama Labadan System ee kala duwan,Dalkanna uu ku yaalo goob muhiim ah(Staratijic Place), Caalamkiina uu ka jiro isbadalo badan oo halistooda leh, Sida in ay iskudhacaan dowladaha waaweyn oo kale,Hadaba su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.