NIN KU DILAY HAR KUUMO JIIDO!!

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Dowladda Ingiriiska oo Gummeysiga taqasus ku leh waxaa tusaale u ah in gumeystaha uu masab ahaan ka sareeyo midka la gummeysto, sidaas daraadeed-na waa in marna Dadka la gummeysto loo muujinin haba yaraatee wax Jil-jileec u muuqdo ama naxariis...
Faallo Keydmedia Online
NIN KU DILAY HAR KUUMO JIIDO!!

Waa in Qofka la gummeysto ad-adeeg nimo loola dhaqma ilaa laga gaarsiiyo il bax ninmo lagu kal soonaan karo.

Fikradda sidaas ah ayadoo jirto ayaa Ingiriiska waxa looga guuleystay UN dhexdiisa Taariifhda markii ay ahayd 18.05.1949 in Koofurta Soomaaliya 1950 ilaa 1960 hab Aministration (TRUSTEESHIP) ah lagu wareejiyo Dowladda Talyaaniga si waqti Toban Sano gudahooda ay Koofurta xuriya buuxdo ku gaarsiiyo.

Keddib gul darrada UN ka kala kulantay ayaa Dowladda Ingiriiska waxay ku dhaqaaqday in ay kala qob-qobto Dhulka Soomaaliya una qeybiso Shan waaxood.

Ugu horeyn 1954 waxay Xabashida Gacanta u gelisay Dhulkii loo yiqiinay HOWD, 1963 ayaa haddana Dowladda ingiriiska waxay Dowladda Kenya ku wareejisay Dhul baaxaddiisa weyn tahay oo loo yaqaan NFD - (NORTH FRONTIER DISTRICT).

Cadawtinimada NFD nalooga qaaday waxay sababtay in golaha Wisiirada Soomaaliya uu markaas Madax ka ahaa Allaah ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmarke ay ingiriiaka u jarto xiriirkii Diblomaasiga intaas waxaa dheer in birihii jidka railka oo tariinka Xamar, Afgooye, Jowhar, Xamar isku xiri jiray in uu Ingiriis ku u raray Waddanka Kenya waana Midka haatan ka shaqeeyay inta u dhexeyso Nairobi iyo Mombaasa.

Intaas waxaa kale oo u dheer Ingiriiska in uu Yemen ku wareejiyay Jasiirad Soomaalida ay leedahay oo loo yaqaan SOKOTRA waxay 300 km u jirto Waddanka Soomaaliya, meesha ay Yemen u jirto wax ka badan 350 km (NIN KU DILAY HAR KUUMA JIIDO)!!!.

Ma jirto haba yareete wax dhibato oo laga tirsanaayo Shacbiga Ingiriiska, balse Dowladda Ingiriiska oo ku doodayso in ay Soomaali wax u qabaneyso waa isla tii Waddanka Soomaaliya u kala qeybisay shan waaxood oo ilaa Maanta xal loo waayay sidii dib la isugu keeni ama loo mideyn lahaa.

Wax kasto oo dhibaato ah ama dibin daabyo ah mid hore ama mid dambe oo Shacabka Soomaaliya loo geystay Ingiriiska ayaa si toos ah ama si dadban Masuul uga ah.

Mar waliba uu Dadka Soomaaliya isku dayo in u ka soo kabsado dhibka asiibay muddada kor u dhaaftay 21-ka Sano waxaa isla markiiba ka hor yimaado fara gelin Dowlado geyiga dano gaar ah ka leh, sida haatan ba ay Dowladda Ingiriiska u qaban qaabineyso Shir ku sheeg waxba ku soo kordhin doonin danaha gaarka ee Soomaaliya, ugu dambeystiina Shirka waxa uu ku soo idlaan doona jidkii ay mareen kuwii ka horeeyay oo ah - QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABANIN!.

Soomaaliya muddoo aad u fog ayeey la dalaa dheceysay cudurka kallifay in Dowladd nimadii faraha ka baxdo, labaatan iyo Koowgii Sano ee la soo dhaafay dhowr iyo Toban jeer ayaa loo fariistay sidii loo dabiibi lahaa Cudurka Soomaalida ku raagay, intaas goobood oo la isugu yimid marna Ingiriiska kama soo muuqanin, balse Maanta sababta uu Dibadda ugu soo baxay waxa uu arkay in Dhibka Soomaali haleeyay uu godkiisa ugu soo galay.

Qoys kalluumeysata ah ayaa Wiil waxa uu Aabihiis weydiya in Aaqiro la jallaaban karo, odaygii ayaa waxa uu ugu jawaabay "Maandhow Ninna Meherad la’aan meel uma fadhiyo".

Ingiriiska na waxa ay Meheraddiisa Koowaad tahay dullaal nimo la xiriirta caymiska maraakiibta, waxa Dalkiisa ka jiro dhowr iyo Toban Shirkadood sida Lloyd insurance oo idil kooda Taqasuus buuxa ku leh Caymiska Maraakiibta.

Muddooyinkaan dambe waxaa soo korortay in Burcad Badeed ay Jidka ama Marinka u fariisatay Maraakiibtii badaha isaga gooshi jirtay, Shirkadihii Maraakiibta lahaa-na ku kallifay in ay hakiyaan usu socodka badaha, sidaas na uu Ingiriiska ku waayay Lacagihii faraha badnaa ee Insurance uu sida joogta ah Dhaqaalihisa ugu kabi jiray.

Dowlad waliba danteeda wey taqaana Ingiris-kana waxa uu manta baadi goog ugu jiraa Shirkana u abaabulay in uu helo Dowlado badan uu u kaashado la dagallanka Wiilasha Yar-Yar ee Soomaalida ah oo ku hubeysan Qoriga AK-47 laguna tilmaamo in ay yihiin Burcad Badeed.

Reer Bay iyo Reer Bakool ayaa waxaa hal-heys u ah (Ninkii gurbaan xado goobtii uu ku tumi lahaa ayaa laga rabaa)!!, geba gebada Maqaalka waxaa goob jog loo yahay madasha loo ballansan yahay 28-ka Bishaan kheyr iyo khasaare waxa ay soo kordhiso.

Avv.Xussein Diiriye Afrax
Edmonton London

Keydmedia.net





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.