Nina Ruuxiyaa Dhibaa Nina Doolshu Cunaa

Dr.Ali.A.Hirabe - Hay'ada Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta UNICEF ayaa ku sheegtay warbixin todobaadkan aay ka soo saartay macluusha dalka Somalia ka jirta in dalka Somaliya uu yahay dalka ugu badan dhanka dhimashada caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sanno marka dalalka Caalamka loo fiiriyo.
Faallo Keydmedia Online
Nina Ruuxiyaa Dhibaa Nina Doolshu Cunaa

Waxeey ku micneeyeen sabbabta uga weeyn in aay tahay colaada weli ka socota dalka Somali iyo Maamul xumida gargaarka Caalamka ugu deeqay dalka Somali oo noqday mid galay marxalad Siyaasadeed oo aanan u daneeyneeyn shacabka abaaraha aadka u halakeeyay.

Waxaa xaqiiq ah in Siyaasada guracan oo aay ku dhaqmeeyso Dowlada in aay tahay mid aanan lagu gaareeyn nabad iyo wada noolaansho dhab ah balse aay tahay mid colaada 21 jirsatay ku sii dheereeyneeyso burburka iyo barakaca cusub taas oo keeni karta in Dalka Somalia uu galo Marxalada ka foolxun mida maanta.

Ciidamada Afrikaanka oo ku soo bataa Dalka Somali waxaa aay sababbi kartaa in colaada aaneey weligeed istaagin,dadkana uu noqdo mid dhinta iyo mid dhoofa iyo mid gumeeysi doon ah sida kuwa hada xilka haya.

R/wasaaraha Turkiga qorshahii siyaasadeed uu la yimid dalka waxuu noqday mid laga biyo diido lagana doorto in siyaasada USA oo ah tan dabda ka riixeeysa in ciidamada AU lagu soo daabulo Somali si aay u xasiliyaan dalka Somalia iyada oo la ogyahay in  arinkaasi uu yahay  riyo ku maldahan gumeeysi  xoriyada umada Somali lagu luminaayo iyada oo la adeegsanayo aragtida siyaasadeed iyo mida maskaxeed ee ah  slow but sure degrees oo xaqiiqdii lagu macneeyo :Aayar qorshaha u wada laakiin gunta waa  marka la gaaro darajada ah in aay ogol yihiin in la gumeeysto qabsada, taas oo runtii ah mida hada aay ku socdaan somalia,diyaarna aay u yihiin Shariif iyo Cabdiweli iyo Faroole maadaama aay noqdeen kuwa saamiqeeybsi dowladeed ku heshiiyay (Shareholder).Somalida inteeda kalene aayan ka damqan saami-qeeybsigaa.

Tv ga Sweden ayaa waxuu bilaabay in uu u kuur-galo sabbabta keentay in gargaarka caalamiga uu gaari waayay dadka ku dhimanaya xaafadaha dekeda Muqdisho ku dhaw dhaw sida X.Waabari oo dekeda Xamar u jirto 5 km barnaamij oo loogu magac daray War Profiteers (Krigets profitörer ) oo macnahu yahay kuwi dagaalka ka faaiiday ayaa wariye ka mid ah STV warbixintiisa ku sheegay in aay jirto masuqmaasuq aad u xoogan maamulka dekeda iyo guud ahaan sida loo daabulo raashinka gargaarka ah,waxaa uu wariyaha tagay Dekeda Muqdisho waxaana uu soo bandhigay in caalamka waxii uu ugu soo deeqay umada somali weli aanan la gaarsiin balse raashinkii caawimaada in lagu arkayo suuqyada Bakaaraha sida uu soo bandhigay wariyaha,umada Somali ee ku dhaqan Sweden xaqiiq dhab ah ayaa loo keenay runtiina qofwalba waxaa ku dhacay calolyow iyo murugo aayan marna ka soo kaban karin.

Qorsha Turkiga la yimid oo xaqiiqdii ahaa mid la dhihi karo haddii loo helo Somali caqliga u saaxiibka ah in dalka uu gali lahaa xasilooni iyo nabad wadanoolaansho dhab ah guud ahaan dalka oo dhan,qorshaha waxuu ahaa in Turkiga uu jecel yahay in uu isku keeno Al-shabab iyo dowlada iyada oo uu qorshahu gundhigiisa yahay  sidii ciidamo dalalka Islaamka oo uu hormuud u yahay Turkiga  loogu bedelo kuwa AU,iyada oo laga fiirinayo in dalka Somali uu yahay dal ka mid ah dalalka ku bahooway ururka Islaamka iyo midka Carabta,waxaa dhab ah in umada somali xaqiiqdii aay u istaagi lahaayeen qorshahaa balse dowlada Cabdiweli ayaa ka dooratay in USA lagu xiriirnaado dagaalkana  uusan weligiis dhamaan riwaayado cusubna marwalba somalida loo soo bandhigo iyo rajo aanan muuqan,Turkiga waxaa qorshahaa aad ulla waday Yurub oo runtii danaha Somali aay ka leeyihiin u sii mari lahaa Turkiga.

Waxaad  arkeeysaa  wafdigii DFKM in  aay hayin u yihiin  USA iyo riwaayada aanan muuqan ee humaaga ku jiro,Madaxweeynaha Iran qudbadiisii UN ka waxaa ka dareeray wafdigii Somalida ayag oo aad arkeeyso in aayan xor aheeyn balse lagu soo dhaweeysanayo USA laguna fogeeynaayo Iran ama caalamka Islaamaka,taasi waxaa aay dab ku sii shideeysaa qorshahii Turkiga siyaasada Somali iyo caalamak Islaamaka in la-kala fogeeyo halka xiriirkii iyo sumcada umada Somali iyo USA aay noqoto mid loo hogaansamo.

Alow Sahar Umuuraha.


Dr.Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotm




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.