Odayo Dhaqan mise Odayo Dhibaad?

Bashir M. Hersi - Alla Dhaqanguurka ka dhacay baaxad weynaa, haddii dhallinta dhalanrog lagu dhaliilay, haddii da’yarta dammanaan lagu daabacay, Odoyo dhaqameed dhaqan oday iyo dhaqan Dhaqan laga hayn, maxaa lagu dhigaa?.
Faallo Keydmedia Online
Odayo Dhaqan mise Odayo Dhibaad?

 

Aanse xigtee, Dhaqan iyo Oday dhaqamadeed, maxay kala yihiin? Maxaase ka dhexeeya, oo isu keena? Warcelinta weydiinta aan Xeeldheerayaasha u daaye, aqriste, qormadan waxaa igu dhaliyey laba arrimood, oo kala ah:

-Qaab xulidda Odayada soo xuli doono Xildhibaannada.

-Dhacdo ka dhacday shirkii Istanbul.

Gadgaddoonka waayuhu waxbay dhigaan,  waa Macallin aan maal iyo marasho doonayn, socod iyo soofna kaa rabin, ka talinta xaajo dhiig ama dhaqameed waxaa Soomaalida uga arrimin jiray Odayaal magacyo kala jaad ah leh, balse, xil iyo xushmaba isku mid ah, sida: Ugaas, Garaad, Duub, Beeldaajiye, Boqor, Imaam, Malaaq, Suldaan, Wabar, Nabaddoon IWM, Magacyo muunad gaar ah lahaa, maqaam aan qof walbaa maanka ku hayn iyo maamuus gaara lahaa. Maantase laga yaabo inay u sii xuubsiibanayaan badanaa oo Barako yaraa!

Waxay ahaan jireen Madaxda Bulshada aan hadal lagu soo celin, balse, curashadii Dawladdii casriga eheyd ka dib,  kaalintoodii hoos u dhac ayaa ku yimid, maadaama doodaha dadka dhexmara la wareegeen Karraaniyaal, Qareenno iyo rag si gaar ah ugu tababaran.

Burburkii dawladda ayey soo laba kacleeyeen, la islahaa malaha kaalintii shalay ka luntay ayey dib u soo ceshan doonaan, maadaama cunsurkii ka saaray uu meesha ka baxay, waxayse si toos ah uga qaybqaateen dagaalladii sokeeye oo ay leeyihiin qaybta ugu weyn!

Waxay jabiyeen xeerarkii Soomaalida u yaallay, waxay noqdeen danlay u taagan magaca Beesha, waxay horseed ka noqdeen tacaddiyadii ballaaranaa ee Dalka ka dhacay ama sharci yeeyeen in lagu koco xadgudbyadaa, haddaba, ma loogu yeeri karaa: “Oday Colaadyo!?” inta aanan ku dheeraan Odayada sheekadooda, aan bal laba arrin oo mid walba naxdinteeda lahayd oo qormadu xuddun u ah xuso.

Dawladda Shareecada ee Shariif hoggaansho ayaa xabsiga u taxaabtay Maxamed Cumar Xabeeb M. Dheere, tii dhacday waaba la ogaa, gudaha wadanka iyo dibaddiisa waxaa is qabsaday shirar isugu jira cambaarayn xiritaanka M. Dheere loo gaystay, taageero iyo codsi lagu dalbanayey in xabsiga si degdeg iyo shuruud la’aan ah looga sii daayo.

Marka laga soo tago, ujeedka loo xiray, sida loo xiray, qaabka loo xiray iyo in loola dhaqmay sidii maxbuus iyo in kale, oo ah arrimo Garsoorka iyo siyaasadda la xiriira, waxaa is weydiin mudan, M. Dheere waa kuma? Maxaa lagu xasuustaa? Muxuu dadka biday? Dhib caynkee ayuu umadda u gaystay? Ma mudan yahay in loo moojiyo taageero caynkaa ah? Hadday haa tahay, muxuu ku mutay? Hadday maya tahay, muxuusan ku madan?.  

Weyduumuhu badan, balse, warcelintu ayaa isugu soo aruuraysa in, M. Dheere uusan magac iyo muunad midna ku dhex lahayn bulshada Soomaaliyeed, magac wuxuu ka leeyahay inuu ka mid ahaa, qabqablayaashii dalka iyo dadka isbaarada u dhigtay, dabcan, ayna u sii dheer tahay inuu qayb ka qaatay dadka laga gadayey Xabashida.

Haddaba, waxaa weydiin ah, M. Dheere intaa oo isu soo bax ah ma muxuu ku mutaystay? Haa waa garannaaye, waa qabyaalad iy qabiile, weydiinta kale, ayaa ah, oo kan xiray iyo kan la xiray, saw isku hayb ma ahan? Mise sheekadu waa sidii Basasha oo kalee, waa la sii kala falliirmay ama qab dhacday, waa ayaan darro weyn qabqable qabiil ugu qiili!

Midda qarracanka dhalisay ayaa ahayd, in inta isu soo baxyadaa ka hadlay ay isugu jireen qaybaha bulshada, dabcan, ay hurmuud u yihiin Odayo aan marna laga reebin magacooda dhaqan, taa oo kuu muujinaysa inta dhibka jira uu daaran yahay ama la egyahay, oo aan la kala soocayn kuwa dhibka gaystay iyo kuwa aan gaysan? Inta middan umadda ku dhexjirtana wax wanaaga ha filanina.

Shirbaa muqdisha ka socda, ergada joogta waxay ku magacaaban yihiin “Oday dhaqameed” qaabka loo soo xulay, sida loo soo xulay iyo hannaanka lagu soo xulay dood adag yaa ka taagan, waa Soomaali caadaddeedee buuqu maalmaha hore ayuu ku ekaaday, waxaaba sii damiyey ka dib markii martida shirka gabran loo qaybshay “Hoos Guntiyo” Gunno lacageedna loogu daray.

Odayadii shirka ka qaybgalayey iyo kuwan lagu sheego bulshada rayidka ah ayaa shir looga furay wadanka Turkiga, dabcan, ujeedka shirku wuxuu ahaa, maadaaama dawladdu Turkigu ogaatay Majaha [Shacabka] baahidiisa; Abaaro, Gaajo iyo Macalluul, gurmadkuna wali socda, sidoo kale ay ogaatay madaxda [Saxallada] baahidooda Roadmap [Dhabbaha dhigan] iyo Kampala accord, ayey ujeesatay inay ogaato baahida caloosha [Bulshada rayidka] qiimaynteeda waxa ka soo baxa waan u joognaa, in kasta oo loollan adag lagula jiro.

Maalintii labaad ee shirka gabar magaceedu yahay Caasha Kiin, kana mid ah Guddiga Dastuurka, ee Qandhada Qabyo qoraalka noo soo qoray, oo anigu aanan bar garanayn, Bah garanayn, Berrinna garanayn, ayaa hadal ka jeedisay kulankii, intii ay hadalka wadday ayaa waxaa si kadis iyo lama filaan ah ugu soo fakaday Naynaasta caanka uu ku yahay Sharif Sh. Xasan Sheikh Adan, ee ah “Shariif Sakiin” ka dib wixii dhacay waaba la ogaa.

Eray aad kas u tiri iyo eray kama




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.