Prof. Cabdiweli Maxaa u wehliya Aqoontiisa??

Dr. Ali.A.Hirabe - Sh. Shariif xiligii uu magaacbayay r/wasaaraha cusub Prof. Cabdiweli waxaa uu ku celceliyay in r/wasaaraha uu ku soo xulay aqoon, karti iwm balse Sh.Shariif inuu aqoon u laheeyn Cabdiweli ninka halkan ayaa kaga filan ee dhageeyso.
Faallo Keydmedia Online
Prof. Cabdiweli Maxaa u wehliya Aqoontiisa??

Radio Rajodoon oo wareeysi la yeeshay r/wasaaraha cusub Cabdiweli xiligii wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay (2009) arrimaha Somalia Ahmed Walad Abdala uu ku dhexjiray qabanqaabadii shir weeynihii Jabuuti ee dowlada federaalka ee uu madaxweeyneha ka ahaa C/aahi Yusuf iyo mucaaradka ururkii dib u xoreeynta ee uu Sh.Shariif ka madaxda ka ahaa ayaa waxaa wareeysi lala yeeshay  r/wasaaraha cusub Cabdiweli Gaas halkaas oo uu ka mujiyay in uu ka xumaa C/aahi Yusuf iyo gumeeysiga Ethiopia in aay meesha ka baxaan.

Wareeysiga waxaa qaaday Shariif nin la dhaho,waxuuna ka wareeysanayay shirkii qurba jooga kanada iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Somalia Ahmed Walad Abdala oo xiligaa la kulmayay dowlada Kanada & Somali Diaspora.

AKHRISTOW DHAGEEYSO.

Waxaa uu ku tilmaamay Cabdiweli in wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Somalia Ahmed Walad Abdala uu yahay nin aanan wax ku soo kor dhinkarin arimaha Somali balse uu yahay nin ka mid ah dhibka Somali runtiina aay adagtahay in xalka Somali la helo maadaama Walad Cabdala uu raacay dhinaca ka mid siyaasadihii is hayay oo ula jeeday in uu Walad Cabdalla la safan yahay Sh.Shariif sidaas aawadeedna aay adag tahay in dhinaca ka soo Horjeeday aay ogolaadaan wax la wada.

Cabdiweli waxaa uu sheegay in aay quman yahay in Walad Cabdala laga bedelo xilka uu u hayo Un ka si loo helo qofkale oo arimahaa wax ka bedeli kara,Suáal quman in la weeydiiyo manta r/wasaare waxaa aay tahay manta miyeey quman tahay in Mahiga oo la og yahay uu in uu qeeyb weeyn ka yahay dhibka Somali la la shaqeeyo ?? mise waxaa la gaaray danaha uu Cabdiweli ku diiday Walada Cabdalla in manta la gaaray ??


Wariyaha oo aad moodo in uu aad ula dhacsan yahay qaabka uu u fasirayo Cabdiweli ayaa uu su´aalay suáal aheeyd ragii aay axsaabta wada ahaayeen oo aay kuwada caambaxeen in aay wax  burbursadaan Walad Cabdalla side u arkaayaan arinkaa guuldarada ah ?? waxaa uu ku jawaabay Cabdiweli: tii ilaah meel beey taal balse Walad Cabdalla waxuu watay mashruuc waana uu ku guuleeystay  waxuuna soo dhisay baarlamaan cusub oo ka kooban 550, waxuu dhahay qof  la leeyahay 275 xildhibaan keenso  hadana la tartamayo xagee lagu arkay waa wax la yaabah oo laga soo shaqeeyay.

Dalka waxaa madaxweeyne ka ah Walad Cabdalla xaqiiqdii asaga ayaa soo magacaaba.

R/wasaaraha waxaan weeydiiyay dalka manta ma waxaa madax ka ah dalka Somalia Mahiga mise Shariif ??

Waxaan filayaa in aad leedahay Shariif ayaa ah balse la ogaan doonee,waxaa uu ku tilmaamay Walad Cabdala kan uu yahay ninka lacagta sida oo uu sida uu  doono u isticmaala , oo dowladii wax ka soo dhisaya,madaxweeynhii ridaya kii uu doona saaranaya.

Mar wax laga weeydiiyay arimaga dimoqoraadiyada Somaliland iyo Puntland waxuu aad u ifiyay in Somaliland burbur ay ku jirto halka Puntland horumar iyo nidaam dimoqoraadi ah aay ka socdaan,loona baahan yahay in laga shaqeeyo hrumarkooda. good governor/ institutions bildning AKHRISTOW DHAGEEYSO.

Sh.Shariif ogow nin fiican nin fiican laguma bedelo,sharmaarke Farmaajo balse Farmaajo Cabdiweli Alow sahal umuuraha.

Cabdiweli waxaa uu taageersanaa C/aahi Yusuf  iyo Ethiopia, Somali waa in aay baartaa arimahaas, Mahiga miyaa Walad Cabdalla ka fiican,waxaan ku soo gaba gabeeynayaa Somali cid dan u haysaa ma jirto balse cidwalbaa waxaa aay jeceshay in dhiiga reer koonfur uu sii socdo weligiisna uu joogsan, inta danaha Somaliland iyo Puntland laga shaqeeynayo ilma aha in aay soo dhawdahay Qaranimo Somali, waxaan leeyahay gabagabdii in R/Wasaarah cusubi aqoontiisa aay u wehliso dano qabiil oo gaar ah ( Puntland ).

WAA QORAALKA IYO FIKIRKA -> Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com

AQRISO QEYBTA LABAAD!! GUJI MESHAAN




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.