Prof. Samatar: “From Soomaali to Samaroon”

Abdulkadir Osman “Aroma” - Qurba-joog ambadayoo, af-qalaad la wacan yahay, Aayadaha Qur’aankiyo, Axaadiista Nabigiyo, Dhaqankii awoowiyo, hiddihii ab laga gaar, Midaan hoos u eegine, idilkood la liitaan, Odayada mid quursada, aqoontooda aan rabinm, Ummaddaan muxuu taray, Aqoonyahanna ugu yahay?...
Faallo Keydmedia Online
Prof. Samatar: “From Soomaali to Samaroon”

Qurba-joog ambadayoo, af-qalaad la wacan yahay
Aayadaha Qur’aankiyo, Axaadiista Nabigiyo
Dhaqankii awoowiyo, hiddihii ab laga gaar
Midaan hoos u eegine, idilkood la liitaan
Odayada mid quursada, aqoontooda aan rabin
Ummaddaan muxuu taray, aqoonyahanna ugu yahay?
In ogaal aqoon yahay, aqoonina ogaal tahay
Kan ogina abwaan yahay, kaan aqoon engegan yahay
Inan-yahow ma moog tahay, mise waad ogsoon tahay?

Nin sabool ah oo aan Alle ugu deeqin afarta maal adduunyo midna, ayaa beer-falashada ka doorbiday ugaarsi, ayaandarro wax-daaca oo digooda gurigiisa uma soo hoydaan. Nolol-maalmeed qoyskiisu wuxuu ku tiirsanaa ugaarsi iyo qaraabka miraha dabeeciga ah. Foof tagga hiirta waabari wuxuu dhigi jirey dabino wuxuuna teedin jirey geedaha manka iyo ubaxa leh ee ugaadhu aroorta hore sanka la soo raacdo.

Dabinada maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl, maalinna waxba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jirey. Si uu usoo kormeero dabinadii saakay la dhigay, goor duhurkii ah ayuu dhalandhoolay: dabinkii kowaad waa ku hungoobey oo ugaadh sooma ag joogsan, dabinkii labaadna ugaadhii waa ka sastay o siriqda aasan bey dareentay, dabinkii seddaxaadna tafaasha laanta oo tooxa laga badiyey darteed xarigii waa fakaday oo geedka ayuu sare ugu shareermey. Waa maalin madow waxay ahayd arbaca bil u dambeys fool adag oo gabraartii waa ku hungoobey, xaaskii oo dabka sii shiday iyo carruurtii oo gaajo la ildaran wuxuu ula laabtay gacmo maran iyo niyad-jab.  

Maalintii xigtay dabinkii kowaad waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi hore u arkin, waa xayawaan aad u yar balse qurxoon isla markaana so’ iyo saan midna aan lahayn. Ugaarsadihii wuxuu go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.