Qabiil Iyo Qabyaalad!

By Prof. Mohamoud Iman Adan (Keydmedia) - Virginia, USA - Qabiil waa magac, mana xumaan karo haddaan lagu xumaan falayn. Waa magac, sida qurac, maroodi, buur, Guuleed iwm. Qabiilnimana waa ficilid. Sida Qabiil weyn, qabiil tiro yar, qabiil xun, qabiil xoog badan, qabiil laandheere ah, qabiil laan-gaab ah, qabiil wanaagsan, qabiil takooran, iwm.
Faallo Keydmedia Online
Qabiil Iyo Qabyaalad!

Marka qabiilka Qabiilnimo loo rogay ayaa wax walba naga xumaadaan oo ficilkii qabiilnimo ayaa hadda noqday sun iyo waabaayo kala geysey bahweyntii isku duubnaan jirtey oo waddagi jirey walaaltinimo isku soo hirasho.

Marka is-dhaleecaynta Qabyaaladda laga gudbo, qabiil waa isir iyo abuulan Soomaalidu ku abtirsato taasoo ay ula siman tahay bulsho-weynta dunida ku nool oo sidaas asuulankoodi hore u raad-raaca.

Ceebu kuma jirti karto in qabiilka loo arko tilmaan beeleed oo keliya ee aan laga laalaadin kolmo ceebeed. Marka arritan dhabnimo loogu daadago, nin xun qabiil waa ka dhashaa, hase yeeshee Qabiil xun bulsho kama dhasho. Qabiilnimo lagu dhaato waxay keentay in midna la takooro mid kalena laga haybadaysto.

In midna la yaso ama la xurmotiro, mid kalena baarka loo firo. Aragtida sidaas ku wajahan waxba ma kordhiso oo waxay wiiqdaa sharafta iyo kartida bulshada.

Yaa Buufiya Dhibaatada Dalka Buburka U Keentay?

Dhibaatada loo adeegsado burburinta bulshada waxaa maleega warxumo-tashiilka, kaasoo cid walba ku jira, qayb kasta ee bulshadana kamid ahaan kara. Yaa fidiya bulsho-takooridda iyo magac-dilka qofka ama tan beeshaba? Waa warxumo tashiil. Labo isku maan ah haddana kala maqan yaa is-qaniinsiiya? Warxumo-tashiil.

Had iyo jeer, warxumo-tashiil wuxuu kiciyaa abaabul leh xiise cusub oo beesha uu ku abtirsado ayuu caraadiyaa inay la colowdo beesha kale ee ay deriska yihiin, ama waxuu usii gacantogaaleeyaa mid kasii durugsan oo saman hore xinifu dhexmartay labada beelood. Warxumo-tashiilku caanuhuu ka daadiyaa kuwa heshiiska isu horfariista, wuxuuna tuhumo ku abuuraa kuwii is-dhaarsaday oo hore u heshiiyey. Warxume-tashiilku waa macallinka baahiya xasaradaha beenta ku slaysan, fidnadana baahiya.

Ficilladaas dhammaandoodna rag baa abaabula oo haddana fidiya, waxayna ku jiraan beel iyo deegaan kasta ee Dalku ka kooban yahay. Waa hawl ballaaran oo hadda gaartay meekhaan gaamuray. Dhibaatooyinkaas ninka ka dambeeya, waxuu ku fadhin karaan kursi siyaasi bulsho matala. Wuxuu ahaan karaa mid ku shaqo leh u adeeggiddaa bulshada oo ay tahay inuu dadka sooran u ahaado. Wuxuu ahaan karaa waayo-arag nabaddoonimo u xilsaaran haddana dhinac u xagliya. Wuxuu ahaan karaa ka masaajidka ka addima oo aan wax takoorid laga sugayn, iwm. Ciduba nooma foyooba ee yaa la niciinsan doonaa?

 

Cudurka warxum-tashiilku fidiyo in badan ba ka aflaxda oo laab-lakac awgeed ayaa wax badan lagu bi




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.