Qaraxa aan Dhamaan iyo Qasaaro Joogta ah!

Muqdisho (Keydmedia) - Habacsanaanta Dowlada iyo ciidamada Amisom ee taageera ayaa mar walba suurta galisa in qaraxyo loo adeegsado gawaari, weeraro lagu soo afjaro ismiidaamin iyo shaqsiyaad is qarxin u bareera ay isku abaabulaan degmooyinka ay dowlada ka taliso ee magaalada Muqdisho.
Faallo Keydmedia Online
Qaraxa aan Dhamaan iyo Qasaaro Joogta ah!

Waxaan maqlay raggii isku qarxiyay Hotel Muno ee dilay saraakiisha iyo xildhibaanada dowlada  midkood uu mar gacanta u galay dowlada oo lagu sii daayay lacag  taasoo ay dalaal ka ahaayeen saraakiil sar sare oo dowlada ka tirsan iyo xildhibaano.

Maqalnay Shaamow baa la qarxiyay, Muna ayaa xigay, airporka dhawr mar ayaa la beegsaday, madaxdtooyada mar la hamiyay oo wasiir wiil uu abti u ahaa baa damcay inuu weerar ka fuliyo wallow la toogtay, shalay salhdig boolis ayaa la bartilmaameedsaday, waa yaabe dowlada ma iyadaa is qarxisa mise waxaa ku jira wakiilo Shabaab iyo alqaacida matala oo diyaariya qaraxyada kana tilmaan bixiya goobaha iyo fursadaha jiri kara?.

Loo qaateyn ayeey ahaan laheyd qaraxa haduu ka dhici lahaa kuliyada ama isbitaalka Difgeer waayo goobahaasi waa furun dagaal waxaana jira fursada ay ku imaan karaan shabaab iyo taageerayaashooda is qarxinta ay la tahay wadadii janada laakiin degmada Xamar jajab ama  iskool Boliisiya oo ah meel si weyn ugu dhaw dekadda Muqdisho oo ah fariisin balaaran oo Amisom ay leedahay iyo Il dhaqaale oo ay dowlada ku tashato in dhacadaasi si fudud uga dhacday waa arin su’aalo in leyska weydiiya mudan.

Korneel C/llaahi Xasan Bariise oo ah afhayeenka booliska waxa uu sheegay in gaariga uu ka yimid dhanka dekadda magaalada Muqdisho isla markaana ay saarnaayeen afar qof oo midood ay gabar tahay isla markaana ay afartooda qaraxa ay ku geeriyoodeen isagoo intaas ku daray in ruux ajnabi ah uu la socday.

Ciidamada dowlada ee ku sugan Dekadda iyo agagaaraha iskool Boliisiya midkoodana ma garan waayay qatarta jirta iyo damaca gaarigan, tan kale maxaa u diiday is qarxiyayaasha in ay galaan dekadda hadiiba ay dhankaas ka yimaadeen mise waxaa loo sheegay oo xog buuxda laga siiyay saldhiga?.

Wasiirka gaashaandhiga C.xakiin Fiqi ayaa isagana waxa uu sheegay fikrad ahaan abaabulka qaraxan in fikirka shabaab uu ka heer sareeyo isagoona farta ku guday ururka Al-qaacida, marka leyska ilaawo rag af isaga dhicinta soo ma aheyn in wasaarada gaashaandhiga ay dajiso nidaam iyo qorsho looga hortagayo qidadaha cadawga dowlada, mise waxay la tahay dowlada in wasaarada gaashaandhiga iyo wasaarada Gaadiidka ay isku howl yihiin?, soo shaqada wasaarada gaashaan dhiga ma ahan awood ku maquuninta cadawga Dalka iyo nabad ku soo dabaalida Dalka? .

SHEEKADA DADKA

Shacabka aan hubeysneen kana madax banaan siyaasadaha is diidan ee dalka kuna nool Muqdisho waxa ay ku sheekeynayaan in dhibaatadii shalay gaartay ciidamada dowlada ay tahay habaarka shacabka oo soo dagdagay, waayo bay yiraahdeen dowlada waxba kama qaban xasuuqii shacab ee ka dhacay isgoyska Banaadir 31-Janaayo.

Dhacdadaasi ayaa sida aan xusuusanahay waxaa ku geeriyooday shacab danyar ah oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka xamaalanayay halkaasi, waxaana dowlada hadalkeeda ku aadan arinkaasi ay ku soo koobtay “ Waa ka xunahay iyo ma dhici doonto” laakiin wax yar kadib 15-kii bishan ayeey ciidamada dowlada shacab kale ku dileen agagaarka tiyaatarka qaranka.

CIIDAMADA MA WAXAA LOO DHISAY IN AY SHACABKA LAAYAAN MISE ……?

Su’aashaasi waa mid si isku mid ah  ugu wada taagan qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, waayo ciidamada dowlada hubkooda waxa uu dhibaateeyaa shacabka,xabadooda waxa ay dishaa shacabka, waxaana la moodaaba in ay kala garan la’yihiin Shacab iyo Shabaab.

Sooma aheyn ciidan dowladeed kii Dalka, Dadka, Calanka iyo Ciida daafici jiray?, sooma aheyn kii cadawga beegsigiisa geed dheer iyo mid gaaban u fuuli jiray?, maxaa ku soo koobay ciidanka dowlada dilka shacabka iyo dhiciisa,? Ma waxaanay ciidamadu heysan hub ay ku wajahaan kooxaha ka horjeeda?.mise waxayba dan moodeen dhibaateynta shacabka

TUHUN GAAR AH

Waxaa jira tuhun gaar ah oo ay qabaan shaqsiyaad ka tirsan bulshada Soomaaliyeed kaasoo ah in qaraxyada iyo dhibaatooyinka ka dhaca deegaanada ay ka taliso dowlada ay abaabulaan madax ka tirsan dowlada, waxaana loo sababeeyaa arinkaasi isku dhaca iyo khilaafka aan laga harsan ee u dhaxeeya madaxda dowlada.

Waase su’aale haddii shaqsiyaadka ay dano gaar ah isku maandhaafsan yihiin ma waxay dan moodeen dilka shacabka?.

Hadaba akhriste ka aragti ahaan ayaad is leedahay way ka danbeysaa qaraxyada ka dhaca deegaanada dowlada? Mise aaminsantahay in dowlada ay dhexdeeda isku maqantahay? Fadlan aragtidaada noogu soo dira facebook.

Naciimo Cabdi - Muqdisho - Keydmedia Correspondent





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.