Qeybta 3-aad - Marxaladda Kala Guurka Ah Iyo Madaxda Mustaqbalka

Bashir M. Hersi - Aqriste, haddaan Qaybtii hore ee qormada uga hadlay, Arar, Marxaladda kala guurka ah, Guddiga Dastuurka iyo qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah. Qaybtii xigtana ku qaabiyey: Qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah, Dastuurro is diiddan iyo Dastuur duran, ayaan qaybtan uga hadlayaa: Xulidda Xildhibaannada, Dhammaantoodba na dhaafiya! Maandeeq Marwo ku maamuusa iyo Doorashada iyo lacagta la soo daabacayo.
Faallo Keydmedia Online
Qeybta 3-aad - Marxaladda Kala Guurka Ah Iyo Madaxda Mustaqbalka

 

Haddaba qaybtii sadaxaad ee qormadu waa tane, ka bogasho wacan.

Xulidda Xidhibaannada

Qormo hore oo cinwaankeedu ahaa: “Doqon diran iyo daacad dabran!” ayaan ku talo bixiyey, in qaab xulidda xildhibaannada loo raadraaco talo wax ku ool ah oo maankayga ka soo maaxatay, haddab, iyadoon la hoosaasin bal ila dhuuxa aragtida.

Si loo xalliyo muranka xulidda xubnaha baarlamaanka ka mid noqon doona, kala dirid maalin walba kuma jiri karnee, kowna lagama soo billaabi karee, kuwa jooga cidna ma soo dooran, oo kalsooni beeleed iyo mid bulshab midna ma haystaan. Kuwa iman doonana la mid, yaa beeso leh xaalku ka dhammaamaayo, sidaa darted, waxaan ku talin lahaa, in kuwan laga soo dhex xulo xubnaha iman doona,  haddaba sidee loo soo xulayaa?

Tirada la doonayaa waa 275, si loo helaa aad ayey u sahlan tahay, waxaa lagu wargalinayaa xildhibaannada dibadda ku maqan iyo kuwa gudaha joogab, in xulasho Xildhibaanno la samaynayo, shanta beel ama aan dhehee beel iyo barta hadda jirta, maalinba beel ayaa la tartansiinayaa xubnaheeda, tirada ay beel walbaa hadda leedahay waxay ku dhawdahay 122, waxaa la samaynayaa 122 waraaq, waa la nambarinayaa 45 waraaq, inta kale caddaan kooda ayaa loo dhaafayaa, sidaa ayuu nin walbaa ku tijaabinayaa hoodo iyo ayaan wuxuu leeyahay.

Ninkii qaata waraaq nambar leh ayaa ka mid noqonaya baarlamaanka, ninkii qaata waraaq cad ee aan waxba ku qornayn xubinnimadii sidaa ayuu ku weynayaa. Si kalana waa laga dhigi karaa, micnaha, waraaq cad ninkii qaata ayaa galaya xubnaha baarlamaanka, ninkii waraaq wax ku qoran tahay qaatana sidaa ayuu ku weynayaa xubinnimadiisa. Sidaa ayaana lagu xallin karaa xulidda baarlamaanka, waxaase la oran karaa kuwani meesha waxaaba geeyey ayaankooda, haddi markaa eed kuma laha, ee ayaan darradu Soomaali ayey ku habsatay, waa maroo iyagii hoodo ma yeelan, waa marka labaade kuwii matali lahaana sidan yey noqdeen. Soomaalaay ayaan daran.

Markaa ka dib ayey ansixinayaan dastuurka qabyo qoraalka lagu sheegay, ee ilaa hadda la garan la’yahay waxa ku qoran iyo waxa lagu qori doono, waxaa xigaya doorashada afhayeenka baarlamaanka, ka dibna madaxweynaha, ka dibna xulidda wasiirka koowaad, dhismaha wasiirro, sidaa ayeyna hawsha ku socon, iyadoon wax la kala dirin, kowna laga soo billaabin, waxaa isu kay qaban la’, waxaa laga gudbayaa marxaladda ku meel gaarka ah iyo baarlamaanka ha la kala diro! Oo haddii la kala diro yaa soo dooranaya? Yaab.

Bal maanta aan qaab kale u dhigo, waxaa igu qasbay, waa inay ii muuqatay, in dukaanleyda joogtaahi soo noqon rabaan, doonayaan inay dadka ka hoos xaluushuun, sidaa awgeed, waa in laga sii hortagaa, maadaama aysan intii ay meesha joogeen waxba soo kordhin, marka laga reebo isqaarijin iyo isjiijiid.

Maanta waxaan ku talinayaa inay xildhibaannada soo xulaan Odayaasha dhaqanka, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal. Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo argagixiso. Sidaa awgeed, Oday dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.

haddaba su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulaa? Illeen maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Inta aanan ka jawaabin, midi waa inay caddaataa, waa inaysan soo xulin Odoyaasha dhaqanka madaxda maanta joogta, hadday soo xulaan waa “Waa Jugjug meeshaada joog” oo marnaba ma dhacayo wax isbadal ah, sidaa awgeed, ugu horraynba waa in raggaa laga ilaalshaa.

Haddaanse u laabto warcelinta weydiinta, Ani ahaan waxay ila tahay in sidan loo xulo Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka: Ugu horrayn waxaa laga billaabayaa xulidda magacyada ma guuraanka ah, sida: Imaam, Ugaas, Boqor, Suldaan, Garaad, Malaaq, Isin, Beeldaajiye, Duub, Wabar IWM. Beelaha aan lahayn magacyda caynkaa ah asee isu dhigma, waxaa laga soo xulayaa Nabaddoonadooda.

Middan waxaan uga jeedaa inaysan dhicin sidii shirkii Carta oo kale, in beelo aan lahayn Ugaas, aysan madasha shirka ku caleemasaaran Ugaas, illeen waxani waa dhaqan soo jireen ehe, oo ma ahan wax la dhoodhoobi karo laba galline, sidaa awgeed, wa in xulashadu ahaataa dhakawyada dhaqanka iyo dhuuxa Hidda, magacyada deegaanba si looga adeegsado, balse, isku wada mid ah, xagga shaqada iyo shiddadaba. Waxaa isla iminka Billowdey in Beelaha qaar ay gudagaleen Caleemosaar Ugaasyo ama Suldaanno cusub.

Markii qaabkaa lagu soo xulo, oo beel walba Odaga ugu magaca dheer, ee ugu sarreeya sallaanka dhaqanka la keeno, ayaa xilka dusha loo saarayaa, halkaa looga hari mayee, waxaa la hordhigayaa, in badbaadada Soomaali ay gacantooda ku jirto, “Qoodh iyo Xero, Dhur iyo Dhaqan” inaysan beelinna, ay maanta mariyaan mudanka ay leedahay, haddii kale, ay ka dhacayso ma harto, waligood daba socon doonta.

Dhammaantoodba na dhaafiya!

Dhaartaa iyo dhaaya furkaa ka dib, ayey gudagalayaan soo xuliladda xildhibaannada, mid muhim ah aan halkan ku xuso, waa inuusan xildhibaan noqon; mudane horay uga soo mid noqday dawladihii la dhisay intii burburka lagu jiray, laga soo billaabo “Dwladdi Manifesto” ee Cali Mahdi madaxa ka ahaa, ilaa laga soo gaaro “Dawladda Shareecada” ee Shariid madaxa ka yahay.

Mudadaa intii u dhaxaysay, ninkii soo noqday: Madaxweyne, Ras’isul wasaare, Wariir ama Xildibaan, waa inuusan dib noogu soo noqon, waxtarkooda iyo wax ku oolkoodba la arage.

Aqriste ha is dhihin, ninkan dad gaar ah ayuu colaadinayaa! Adba arag inaan kala reebin, ninkii horay noo soo maray, ee xil noo qabtay, xilligan ha noo kaadsho, hadduu doono markii marxaladdan laga gudbo, xil ha soo raadsado, balse, tooggan ha noo nasto ciyaari waa dambaysaaye.

Aragtidaydan waxaan ku xoojinayaa in qaybo badan oo bulshada ka mid ah ay ila qabaan, bal haddi aan tusaaleeyo, Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ayaa yiri” Shiikh Shariif Naf iyo Maal baan kuugu beelney ee si Sharaf leh ugu deg Xilka Madaxweynenimo” Hadduu Imaamku madaxweyne Shariif la hadlayey, maxaa diidaya inaan sii ballaarinno, oo aan inta la midka ah oo dhan ku wajahno? Waa waxba ayaan filaa, aqriste adigase siday kula tahay?.

Waxaa weydiini ka iman kartaa, ninkii aan xil qaban xilligii burburka, balse horay xil uga soo qabtay “Dawladdii Hantiwadaagga” sidee laga yeelaa? Ani ahaan, haddayba intaa aamus iyo isha ka daawo ku jireen, maxaa dhacay oo looga horjoogsanayaa? Sida loo helo ayaaba adage, inta la heli karo ha laga karorsado waxay hayaan, inta kalase hareeraha ha laga maro.

Maandeeq Marwo ku maamuusa

Halgankii xornimadoonka loo galay, hardanka madax bannaanida loo maray, tuuriddii heeryada gurmaysiga iyo hadafkii gobanima u dirirka, waxaa heegada sare uga jiray, haddii aysan horyaalba u ahayn, haween da




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.