Qiimaha Noloshaada - Waqtigaaga (Q.2 aad)

Dr. Ahmed Abdulahi - Qofku inuu waqtigiisa ka faaiidaysto waa waajib saaran marwalb, waxayna aad waajib utahay inaan xasuusano marka uu Sanad dhamaanayo midna soo galayo. Maxaayeelay 12Bilood ee lasoo dhaafay waxaa isbadalay waxyaabo aad utira badan, waxaa dhimatay boqolaal qof oo adi kulamid ahaayeen, waxaa shaqo gabtay ama laxaad beelay boqolaal kale, waxaa Guulo iyo horumar gaaray boqolaal kale.
Faallo Keydmedia Online
Qiimaha  Noloshaada - Waqtigaaga (Q.2 aad)

Taasina waa arin nooga baahan ufiirsi fara badan, inaan Rabbi ugamahad celino, inaan dareeno inay waajib tahay inaan samayno Camal aan kufarxi doono markaan Ilaahay hortgano.

Hadaan rabo inaan waqtigayga ka faaiidaystana waxaa lama huraan ah inaan 2arimood si dhab ah ufiiriyo:

1. Sanadkii tagay sidee buu igu dhaafay, maxaan faaiiday, maxaan qasaaray, maxaa layga rabay inaan qabsado oo aan ka gaabiyay?. Qofku markuu fahmo, waqtigii tagay siduu kagatagay iyo qiimuhuu ulahaa, wixii talo iyo tusaale laqumanaa, kadib ayuu habeyn karaa xaadirkiisa iyo mustaqbalkiisa. Qofka aan qadarinin ama aan dib ufiirinin waqtigii soo maray way adagtahay inuu daneeyo, qiimeeyo mustaqbalkiisa, ama ka faaiidaysto waqtigiisa.

2. Sanadka cusub maxaa qorsha iiah, maxaan rabaa inaan noloshayda kabadalo, ka soxo tusaale: inaan Qur´aanka Rabbi (swt) qayb kamid ah barto /xifdiyo, inaan Luqad cusub barto, inaan farsamo cusub barto, inaan Ilmahayga meel fiican gaarsiiyo-waxbarashada kula dadaalo, inaan shaqo ama meherad fiican helo, inaan wax qoro Buugaag, Artikallo iwm.  

Kadib markii qorsha cad lahelo, ayuu qofku garan karaa qiimaha waqtigiisa, maalmihiisa, saacadihiisa, kadibna waxaa imaanaysa in lagu camalfalo xikmadii aadka uqiimaha badnayd ee oranaysay (waxaad maanta qaban karto Hau dib dhigin barri, waxaad hadda qaban kartana hau dib dhigin gadaal).

Khaliifkii 5aad ee Muslimiinta Cumar bin Cabdcasisi, ayaa habeen kudib dhacay shaqadii Xafiiska isagoo maamulaya hawlihii Muslimiinta, misana waxaa lagu yiri; waad daahdaye, iska naso Berri baad sii dhamaystiri shaqadee? Misana wuxuu yiri; Subxaana Allah, (Shaqadii Maanta ayaan dhamayn la´ahay, hadaan tii maanta udib dhigo Berri, sideen Berri shaqadii maanta iyo tii Berri udhamayn doonaa!!)

Dadka qiimeeya waqtigooda kuna dadaala inay ka faaidaystaan, waxay samaysteen jadwal ay ku miisaamaan shaqooyinka ay qabtaan noocooda: waxayna u dhigeen sidatan:

Shaqo:

1. Muhiim oo degdeg ah
2. Muhiim ah oon degdeg ahayn

Camal:

0. Degdeg ah balse aan muhiim ahayn
0. Muhiim iyo degdeg midna ahayn   

Hadaba qofkasta oo raba inuu waqtigiisana ka faaiidaysto, horumarna gaaro, waxaa qassab kuah inuu affartaa qaybood kala cadaysto una kala saaro sida tan:

  1. Shaqada muhiimka iyo degdegga ah, in lasiiyo  80% waqtigaaga.
  2. Tan Muhiimka ah, oon degdegga ahayna lasiiyo  20%.
  1. Tan degdegga ah oon muhiimka ahayn, udhiib qofkale, adna kanaso maxaayeelay adi muhiimba maba kuu ah, waxaadna siisaa waqtigaaga   0%
  1. Tan aan Muhiim iyo degdegga midna ahayna, katir jadwalkaaga shaqo, maxaayeelay waa maalaayacni, waxaadna siisaa waqtigaaga  0%.

Hadaad jadwal noocaas ah samaysato, dantaada dhabta ah oo kalia beegsato, (mid Aakhiro iyo mid Aduunaba), waxaad gaari kartaa Guul, waxaadna qaban kartaa waxyaabo aad ufara badan oo noloshadaad meel sare gaarsiin kara.

Hadii kalana waxaa tahay qof Somali dhab ah, oo aan aqoonin waxa lagudboon, ama waxa laga rabay inuu qabto iyo meesha ku haboonayd inuu gaaro midna, iskana nool raadiyana marba meel uu usii qoxo oo cayr laga bixiyo,  Inuu hormar iyo isbadal fiican gaarana aan  rajo laga qabin.

Dr. Ahmed Abdulahi - keydmedia Correspondent - Germany
a.alqasimi@yahoo.de




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.