Qoor-Qoor maxaa kuu qabsoomay?

Faallo Keydmedia Online

Shalay oo kale hal sano ka hor, 2 February 2020, ayaa magaalada Dhuusamareeb lagu doortay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariyr Qoor-Qoor, kadib doorasho gacan ku rimis ah oo dowladdu ay gadaal ka riixeysay. Warbixintii Shalay waxaan uga hadalnay waxa u qabsoomay halka sano ee uu xafiiska joogay iyo Amni daradda ka jirta Galmudug.

Qoor-Qoor maxaa kuu qabsoomay?

Inkastoo waaayihiisa Galmudug uu ku bilaawday furfurnaan, iyo isku soo dumidda dadka reer Galmudug, Musarixiintii uu kuriga ka boobayna uu la heshiiyay, mucaaarad-kiisina ay ka soo muqdeen Golahiisa Wasiirrada, hadana ma jirin ififaalo intaas ka buuran oo marnaba ka muuqday mustaqbalka Qoorqoor.

Kadib xoog iyo xeelad ku muquunintii Maamulkii Ahlu-sunna, Qoorqoor waxaa u suura gashay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug soo mara oo aan wajahin maamullo iska garab dhisan iyo warqado la iska soo daba saaro oo is qilaafsan, furasaddaas wuxaa muuqata in uusan ka faa’iideysan sanadkiisa koobaad.

Marka laga yimaado Martigalintii shirarkii Dhuusamareeb 1-aad, 2-aad, 3-aad, oo aan go’aanno loo dhan yahay lagu gaarin iyo kan hadda ka socda magaalada ma jirto wax kale oo Qoorqoor sanadkiisa koobaad u qabsoomay oo hore u socod ah.

Amnga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Sida cad xaaladda amni ee Galmudug waxa ay mareysaa halkii ugu liidatay muddo dhowr iyo toban sano, Kooxda Al-Shabaab ayaana dib ula wareegay degaanno laga sifeeyay waqti hore, ma jiro how-gal xooggan oo maamulka Qoorqoor qorsheeyay, si looga hor tago argagixisda ku sii xoogeysaneysa dhulka Galmudug.

Marka laga hadlo amniga caasimadda Galmudug,  Al-Shabaab kama sokeyn Ceelbuur, halka hadaa cabsi laga qabo awgeed aan caweys nabadeed lagu ciyaari karin caasimadda, degaanka Siinka dheer loo yaqaan oo laga soo galo magaalada ayay Al-Shabaab xilliya kala duwan bishii la soo dhaafay dhigteen jid gooyooyin.

Degaanada Ceeldheere, Bacadweyn, Shabelow, Cimaamad, Ilguulle iyo goobo kale oo muhiim ah ayay Al-Shabaab dhowr mar oo kala duwan kula dagaalameen dadka shacabka ah iyo ciidamada Galmudug, qaraxyo qasaare xooggan dhaliyay iyo dilal arxan darro ah ayay geysteen sandka koobaad ee Qoorqoor.

18 December 2020, ayay Magaalada Gaalkacyo qarax ka dhacay qarax ku dileen ku dhawaad 30 ruux oo ka qaybgalayay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Rooble ‘Rogane’ waxaana dadkaas geeriyooday ka mid ahaa Taliyihii qaybta 21 aad ee ciidanka CXDS Jeneraal Cabdicasiis Cabdullaahi  Qooje Dagaari, Taliyihii Danab ee Galmudug, Gaashaanle Muqtaar Cabdi Aadan, ku xigeenkiisii, saraakiil kale, Duqii hore ee Gaalkacyo iyo dad shacab ah.

Hal sano kadib doorashadii Qoorqoor amniga Galmudug wuxuu u muuqadaa mid aan fara lagu heyn, waxaana 365 habeen kadib oo ku beegan sanad guuradiisii koobaad, Caasimadda Galmudug oo ay ku sugan yihiin inta badan Madaxda Soomaaaliya ay Al-Shabaab ku gaarceen madaafiic ay kasoo tureen hareeraha magaalada.

Halka ay gaartay xaaladda amni darro ee Galmudug daraaddeed waxaa go’id ku dhow isku socodka qeyb ka mid ah magaalooyinka maaamulka Sida Guriceel iyo Dhuusamareeb, oo cabsi jidkaas ka jirta awgeed ay shalay suura gali weysay in Madaxda Dowladda iyo Kuwa Galmudug ay ka qeyb qaadan waayeen aaskii Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka dhacay Guriceel.

Dib u heshiisiinta beelaha daga Galmudug

Tan iyo markii Qoorqoor la doortay waxaa hawada isku shareeray oo cadda sare gaaray hurinta dagaallo u dhaxeeya beelaha daga Galmudug, waxaa meel kasta ka jira xasarado aan xisaab lahayn, aanooyin qabiil aa dhowr mar dhacay mana jirto wax uu ka qabtay oo dib u heshiisiin ah maamulkan sanadka jirsaday.

Saraakiil socdaal ahaa iyo shacab iska sheekeysanayay ayaa aanooyin qabiil lagu qaariyiyay, degaanada Balanballe, Kaxandhaale, Xananbuurre iyo kuwa kale ayay maanta ka taagan yihiin xiisado colaadeed, gawaari kala dhicid iyo dad kala af-duubasho ayaa degaanka kusoo kordhay, dowladda Qooqroor-na waxay u muuqataa mid aan dan ka lahayn.

Qoorqoor wuxuu ka baxay ballantii uu qaaaday ee ku aadaneed Galmudug caafimaad qabta iskuna calool fiyow, wuxuuna sanadkiisa koobaad ku idleystay u adeegidda raggi soo dirsaday kursiga u xoogay ee Fahad iyo Farmaajo, inta badan Xamar ayuu xaafiis ka dhigtay arimo aan howlihiisa ahayn ayuuna ku howlanaa sanadkiisa koobaad.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.