Qorshihii Qarsoonida ee Taliyaha Ciidanka Booliska Sharif Sheekhuna iyo Sharif Sakiin!

Salax Jaamac Aden - Waxaa Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Beelaha Digil iyo Mirifle aad iyo aad uga shakki qabey Xiriirka ka dhexeeyo Taliyaha Ciidanka Boliska Jen. Shariif Sheekhuna iyo Shariif Xassan Sheikh Aden ( Shariif Sakiin).
Faallo Keydmedia Online
Qorshihii Qarsoonida ee Taliyaha Ciidanka Booliska Sharif Sheekhuna iyo Sharif Sakiin!

Oo gaarey iney ku sameeyaan Beelaha Digil iyo Mirifle wax aan weligeed lagu arag , laguna maqlin Taariikhda soo jireenka ahaa ee Digil iyo Mirifle oo ka mid ahaa iney u awood sheegtaan Dhaqankii Beelahaas, soo magacawdaan Dhaqan Bug ah, Xildhibaano sidaas oo kale oo ay xoog ku keensadeen iyo xarig , jir dil, iyo handadaad sharci darro ku saleysan oo ay u geysteen niman shacab ah oo aan awood haba yaraatee ay isku difaacaan lahaynin.

Haddaba qeylo dhaan badan oo aan dhegna jalaq loo siinin ayaey sameeyeen Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Digil iyo Mirifle oo Dulmigaas ay u gudbiyeen Xafiis kasta laga soo bilaabo kan unpos, Golaha amaanka, euda, auda, igad , amisom ilaa iyo haddana ay wadaan kana hari doonin ilaa ay ummadda Somaliyed ku tusaan dabin daabyada iyo dembiyada ay sida wadajirka ah u maleegayaan labadaan Shakhsi oo manta ILAAHEEY SWT kashifey Sirtooda iyo Shirqoolkii ay damacsanaayeen iney ku fuliyaan falalkii ay ku eedeeyeen Masaakiin iyo Dhaqankii ay dulmiyeen oo ahaa iney ku yiraahdeen waxaad tihiin Shabaab, taasoo manta ay beenowdey ka dib markii hub fara badan oo ay ku keydsadeen guri aan ka fogeyn Madaxtooyada oo manta AMISOM iyo Nabad Sugidda qabatey, ayna isku dayeen iney difaacaan.

Arrintaan oo ay manta qoreen Websiteyada Somaliyed Qaarkooda sida Baidoanews.com , WAAJID PRESS iyo kuwo kale ayaa naxdin iyo amakaag ku beertey Somali badan laakin Aqoonyahanada Digil iyo Mirifle shakkigaas horey ayey u qabeen inuu jiro xiriir hoose oo u dhaxeeyo Taliyaha Boliska Shariif Shekhuna , Shariif Xassan iyo dhallinyaradii Shabaabka ahayd oo ay keeneen Muqdisho kana keeneen Gobollada BAY iyo Bakool iyo Shabeelaha Hoose oo ka dib markii Xamar ay ka baxeysey Kooxdaas ay dhowr Guri ku xareysteen Hubkooda , dhallin yaradan dharka caadiga ah loo labisey, qaarna lagu darey Boliiska , qaarna ilaalada Xariifka sidaasna ay weli ku joogaan Muqdisho oo haddii ay AMISOM iyo Nabad Sugidda Somaliyed tallabo adag ka qaadi waayaan khatarteeda ay yeelan karto hawsha ay wada haayaan Taliyaha Boliiska iyo Shariif Xassan .

QORAALADA AY WARBAAHINTA BAAHISEY WAA KUWAAN:

War deg deg ah: HUB UU LAHAA AADAN SARAN SOOR OO AMISOM QAADATEY KADIB MARKII LAGU SOO BASAASEY

WAAJIDPRESS: Aadan SARANSOOR oo KA soo jeeda Digil IYO Mirifle ahaana Taliyaha Ciidamada RRA ayaa maanta Gurigiisa weyn oo ku yaala Madaxtooyada SOOMAALIYA agteeda AY AMISOM TAGTEY kana soo bixisey Hubkii ugu badnaa EE shakhsi laga qaado.

Hubkan aad IYO aad u faro badan oo noocyo kala duwan leh ayaa loogu tegay guri ku yaalla degmada Wardhiigley oo dhowr tallaabo u jira xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaasoo uu Lahaa Aadan Saransoor.

Guriga hubka laga helay ayaa beryahanba waxaa ka taagnaa dood ku saabsan lahaanshihiisa kadib markii qoyskii iska lahaa oo mudo dheer dibadaha ku maqnaa oo dhowaan soo laabtay ay u dacwoodeen in gurigooda la siiyo.

Waxaana ugu dambeyntii Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in guriga laga saaro rag hubeysan oo ilaalo u ahaa Aadan Saransoor oo guriga ay dejisay dawladii Madaxweyne C/laahi Yuusuf .

Hawlgal labo maalmood qaatay oo ay fuliyeen ciidamada nabadsugida Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii ay ku suurtagashay in guriga oo u dhow safaaradii hore ee Yemen laga saaro dadkii ku jiray, waxaana qoyskii iska lahaa ay dalbadeen in la baaro guriga si loo hubiyo wixii qalab ah ee ay dadkii hore u deganaa guriga iska leeyihiin si aysan dacwad kale uga imaanin, waxaana baaritaankiisa uu sababay in qeybo dhan oo guriga ka mid ah laga helo hub noocyadiisu kala duwan yihiin oo ku keydsanaa.?Noocyada hubka iyo tiradiisa?Saraakiil ka qeybqaatay hawlgalkaasi oo?WAAJIDPRESS u waramay ayaa faahfaahin naga siiyey tirada hubka iyo noocyadiisa, kuwaasoo kala ah sidan;-?- Qoriga DHSK = 125 Xabo?- Qoriga BKM= 250 Xabo?- Qoriga RPG = 300 Xabo?- Qoriga AK47 = 300 Xabo?- Qoriga Hoobiyaha = 222 Xabo?- Bambooyinka gacanta (F1) = 3,200 Xabo?- Rasaas aad IYO aad u fara badan isuguna jirta noocyada kala duwan.

Muranka ka dhashay hubka:

Sida saraakiisha u sheegeen BANA , intii hawlgalka hubkan lagu soo qabtay uu socday waxay ciidamada nabadsugida la kaashadeen ciidamada AMISOM gaar ahaan cutubka Uganda ee ilaaliya madaxtooyada, waxaana su’aalo la weydiiyey qaar ka mid ah ilaaladii hore ee guriga u joogtay intii uu deganaa Aadan Saransoor iyadoo hubka iyo rasaastii loo daabulay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo lagu hayo illaa hadda.

Dood xoog leh ayaa arintan ka taagan illaa hadda kadib markii taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye oo KA soo jeeda TUNNI-DIGIL IYO MIRIFLE iyo Aadan Saransoor oo wada socda ay u dacwoodeen AMISOM iyagoo sheegay in hubka lala wareegay uu ahaa hub beeleed lana soo celiyo, arintaasoo AMISOM weli ka biya diidsan.

Madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed iyo taliyaha booliska Gen Sheekhuna Maye oo aad isugu dhowaa ayaa iyaguna hadda ku kala tagay arinta hubkan laga helay meel u dhow madaxtooyada, waxaana wararka qaar ay sheegayaa in madaxweynuhu amaray in xilka taliyaha booliska uu sii wado taliye ku xigeenka booliska illaa inta doorashada madaxtinimada ay ka dhacayso oo dawlada cusub xilka kala wareegeyso.

Saraakiisha Villa Soomaaliya waxay kaloo codsadeen in la baaro halka hubka uu ka yimid markiisii hore iyo ujeedada loogu keydiyey guri ku dhow madaxtooyada.

WAAJIDPRESS waxay isku dayday inay arinta hubka wax ka weydiiso saraakiisha sare ee AMISOM hase yeeshee way ka cudurdaarteen ka hadalka arintan maadaama weli muran uu ka jiro hubka lala wareegay. Arinta waxay u eg tahay in muranka ka dhashay hubka lagu xiriirinayo loolanka doorashada ee hadda u dhexeeya masuuliyiinta hore ee DKMG ah oo dhamaantood ah musharixiin.

Arrintaa markii ay soo shaac baxdey ayaa shir khadka telefoonka ay ku yeesheen Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Beesha Digil waxey isku raaceen iney si buuxda uga soo horjeedaan Shakhsiyaadka lagu qabtey mu’aamaradaan oo Hubka intaas la eg oo Halistaasna yeelan karo in lagu sababeeyo arrin BEEL , waxeyna taageereen tallaba ay Nabad Sugidda iyo AMISOM uga hortageen kuna soo qabteen hubkaas oo Ujeeddo aad iyo aad u weyn laga lahaa , halis bandanna u keeni kartey Madaxtooyada iyo Siyaasadda Somalia oo dhan.

Waxey ku baaqayaan in tallabo Sharciyeed laga qaado intii ku Lug yeelato dembigaas oo ah isku dayga khal khal gelinta Nabad Gelyada Madaxtooyada iyo tan Qaranka Somaliyed oo weliba ay ku lug yeesheen Taliyihii Ciidanka Boliska iyo Afhayeenkii Baarlamaanka oo labadoodaba ka mid ah Xubnaha TFGda ee Federaalka ah oo ilaa iyo manta iyagoo ka warhaaya u soo tabinin Hay’adda  Nabad Sugidda iyo AMISOM Hubkaas, haddii ay barista dhamaatana si deg deg ah Maxkamad loo soo taago.

Salax Jaamac Aden

Masuuliyada Qoraalka waxaa iska leh Qofka ku Saxiixan! Keydmedia Online Ma Qorin Qoraalkaan!




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.