Qamar waa Qaranka Soomaaliyeed! Q. 4-aad

QEYBTA 4-AAD - (Keydmedia) - Daacad iyo Dulmidiid war laga naxo ayaa soo gaaray. Waa guurka Qamar oo ay isku haystaan labadii guntixumeyaal. Allow laba dibi isku jaan-qaad oo mid noo jabi aan jiljilanee, baa warxumetashiilku sacabada u tumay.

Faallo Keydmedia Online
Qamar waa Qaranka Soomaaliyeed! Q. 4-aad

Mid walba si gaar ah baa dhabarka looga taabtay inuu loolanka sii badiyo Qamarna uu saylaadda keeno. Waa arrin go’doon ah oo aan lahayn xal Qamar lagu asturo, ayaa Daacad ku taahay.

Yaa gacan ka gaysan kara cayminta sharafta Qamar iyo jiritaankeedaba? baa Dulmidiid ku guuxay.

Dulmidiid dadka aad buu u kala yaqaan, waxna kama dahsoona, wuxuuna yiri: Waa la yaqaan laba guntixumeyaal. Wa kitaaab-gaablowyaal leh jeebab  xuldheer. Hantidii Qamar bay ceeriinka ku laysteen oo daaro dhaadheer inay dhistaan bay had iyo jeer maanka ku hayaan. Oonta xaaraanta ah if iyo aakhiro midna kuuma gargaarto. Jiritaanka Qaamar ba bililiqo ku jira, magaceeda inay duudsiyaan bayna heshiis kusoo galeen.

Daacad baa arrinta sii saadaliyey ku daray: Marka ay Qamar shilalka dhigaan, ma oga waxay iyagu ku dambayn doonaan. Muud-muudsiga nacnaca afka loo geliyey baa mar kale sibir ku noqon  doono. Labada guntixumeyaal lalama xididi karo ee Allow Qamar u hiili.

WiilkiiDaljir dhlay oo qaylo-dhaan ah baa kasoo duldhacay taageerayaashii Qamar oo weli ka doodaya sidii ay Qamar ugu gargaari lahaayeen. Dhidid baa wiilku wajiga ka sayrinayaa, xuurtana waa la hinraagayaa. Daal awgiis, saljugle ayuu isugu tuuray jiinbaar taalla balbalada aqalka Daacad iyo Dulmidiid kadaloobka u fadhiyaan.  

War ma dhacdo cusub baa wiilku sidaa...?  Waji dareen leh buu ila leeyahaye tolow maxaa soo kordhay…? ayaa Daacad u jeediyey jaalkiis.

Daljiryare: War ma qabtaan…?

Dulmidiid: War mayee wax noo sheeg? baa Dulmidiid iyo Daacad lasoo boodeen iyagoo soo sarakacay.

Daljiryare: Qamar dibirka ayaa lagu jiiday…! Qamar dibirka ayaa lagu jiiday…! ayaa Daljiryare ku celceliyey.

Daacad: Ba’aa’…! Ba’aa…! Waa la hoogay…! War warka noogu celi…?

Daljiryare: Qamar darxumo ayaa loo geystey. Xaaji Boqorre iyo labadii guntixumeyaal ayaa Qamar dhulka ku jiiday. Way rafaadsan tahay, hiillna way u baahan tahay.

Daacad: War maka haysaa meesha ay hadda ku sugan tahay…?

Daljiryare: Garanmayo halka ay hadda ku dambayso. Waxaa la xambaarsaday iyadoo weli naftu ku jirto, waxaana isoo gaartay in waqooyi-galbeed loola ambaday.

Dulmidiid: Yaa ridaya madfaca gaw leh…?

Daljiryare: Inta xafiiltanka isku haysa.

Dulmidiid: Maandhow waa kuwee…?

Daliryare: Waa af-duub iyo ciidankii guntixumeyaal oo riwaayad noo dhigaya

Daacad: Maxay nagu haystaan…?

Daljiiryare: Inaan Qamar nabad ku lulan.

Dulmidiid: Wa na kiciya aanu hubka qaadnee oo Qamar u hiilinee…

Dulmidiid, Daacad, Daljiryare iyo samajecleyaal badan baa is-abaabulay, waxayna weerar ku qaadeen koox Qmar sii dadaaminaysa. Jilibka ayaa rasaas laysugu dhigay, cadawgiina waxaa laga dhigay wax dhinta, wax dhaawacma iyo wax cararay, Qamarna mus bay ku tuureen.

Xanankii baa Qmar laga soo dhexsaaray, qodxihii mudana siday u badnayd waa laga soo bix-bixiyey. Qamar way rasan tahay oo garaarkii baa ka furmay, gambadiina cadaaddii lagu dhexriday baa la hartay, diiftuna aad bay uga muuqataa. Tacadiga Qamar loo geystey ma yara, oo juuqdii bay gabtay, welina isma dhiibin oo jooqa ayay ruxaysaa.

Dibnaha ayay ka hadashay, lamana garan waxay tiri; waxaase loo qaatay: War halay caymiyo oo cadawga halayska caabbiyo.

Qamar waa cadceed aan sacabka lagu qarin Karin. Goob walba waa looga hadlaa, kan duullanka ku ah  iyo kan difaacayana dagaal baa u dhexeeya. Dullaalka salawlaha ah waxaa kasii daran warxume-tashiilka Qamar duudsinaya. Sayladdu waa camiran tahay oo waxaa fadhiya maqaawiir shisheeye ah oo daadihinaya jawaanno dahab ah.

Mid walba midka kale ayuu falisaa, dullaaliin badan baana dabka u kala qaadda.Hagardaamada Qamar lagu hayo waa badan tahat oo kii u diirnaxaba gaadmo ayaa lagu dilaa. Qamar ma gablamin oo inta u hanaqaadday difaaceeda ayay diyaar u yihiin oo way la socodaan waxa cadawgu damacsan yahay, wayna ka dabaakhtami doonaan.


QEYBTII 3-AAD - SHEEKADII QAMAR


QEYBTA 3-AAD - (Keydmedia) - Daacad iyo Dulmidiid shir deg deg ah baa looga yeeray si ay talo uga bixin badbaadinta Qamar. Iyadoo caafimaad-xumo la ildaran ayaa haddana la damacay in Qamar shisheeye loo afduubo, Xaaji Boqorre iyo xulufadiisuna duulaanka cadawga ayay kamid yihiin.

In Qamar la difaaco ayaa talo lagu gaaray, dhoolatuska cadawgu waa ballaaran yahay oo ciidan, qalab iyo sahay dagaal intaba way haystaan. Bari-kiintaar shisheeye kalena way usii dheer tahay. Waa dhaays bakayle oo annaga ayaa ku yeelan doona, baa naftood-hureyaashii isku afgartay; Daacad, Dulmidiid iyo intii la bah ahaydna hubka ayay qaadday.

Cir iyo dhulba Qamar waa laga soo weeraray, gurigii ay ku jirtana madfac cadaw baa qayb ka burburiyey. Hanfigii qaraxa madfaca mooyee Qamar waa nabad-gashay. Baqdinu ha jirto, hase ahaatee Qamar isma dhiibin. Guntiga aya dhuuqsatay, gambadii bay geesaha jiq ku siisay, waxayna soo horkacda naftihureyaal u darbban inay sharafteeda difaacaan.

Lagdankii dagaal waa dheeraaday, Qamar baana goobtii ku yeelatay. Si kastoo ay xoog yaraysay, haddana la ogaa inaan Qamar iyo inta u heellan aan dagaal lagu maquunin Karin. Laga adkaan waayey Qamar ee haloo helo xeelad kale oo lagu dumaalo, ayaa cadawgii iyo xulufadiisii isku afgarteen.

War alalaaska iyo dabbaaldaggu waa maxay? ayaa Qamar hurdada kala soo boodday. Sawaxankii waa soo dhawaaday oo Qamar waxay maqlaysaa doodad kusoo fool leh. Nasiib wanaag Daacad iyo Dulmidiid baa booqasho Qamar ugu yimid inay la socodsiiyaan dumaal qarbaboosh ah oo lala damacsan yahay, Qamarna way u riyaaqday booqashada jaalkeedii ugu dhawaa.

Dulmidiid: Waxaan kuugu nimid inaan kula socodsiino guurkaaga cusub oo hadda lasoo gunaanaday. Nin xun nin la’aan buu dhaamaa. Bal kanna isku day, hala arko siduu kuu dhaqo doono.
Qamar: Ninkayga cusub magic ma leeyahay…?

Daacad: Waa Xaaji Duub-weyne, gaashaan buur uu la bahoobayna waa haystaa

Qamar: Alla kaas ha layga daayo. Xogtiisu waa igu dhan tahay. Waa xila-gube diga kulul oo nabaddu dhibto. Isagu ma talin doono oo shisheeye ayuu xambaarsan yahay. Nin qorrax kugu dilay hoos kuguma jiido. Bal tayda meel ku xarriiqa.

Daacad: Xabaddu qoriga ayay noogu jirtaa, nin qoyanna biyo iskama dhawro.

Qamar: Yaa barakaceyaasha u gargaaraya doona…?

Dulmidiid: Beer-nugayl haka sugin Xaaji Duub-weyne.

Qamar: Yaa agoonta daadihin doona…?

Daacad: Taasu kuma jirto dooqa Duub-weyne.

Qamar: Yaa daad-guraynaya dhaawaca daadsan daleelaha cidlada ah oo dugaaggu ka biixo…?

Daacad: Shisheeye sheela duxa ma leh oo kuwaasu deeq Rabbi ayay sugayaan.

Qamar: Yaa dib ii dhisi doona…?

Dulmidiid: Hadba kii raqda Qamar ku dambeeya.

Qamar: Yaa dugaagga yurayn…?

Daacad: Kuwii shalay cadawga dabada-jaray

Qamar cillaan cusub baa loo saaray, waana la aqal-geeyey. Aqalgalkii ma noqon mid lagu waaro oo Duub-weyne  cadaw buu Qamar ku wareejiyey, iyaduna taas waa ka gilgilatay. Si Qamar loo marin habaabiyo, malxalal kale ayaa loodhoob-dhoobay, Qamarna waxaa lagu qaaniciyey in kan dambe dhaami doono kuwii hore. Allow run u hiili…!

Xabbaddii ma joogsan, dhaawiciina waa sii batay. Guri kasta oo Qamar dagtaba madfac baa ku habsada. War baladu xagee naga haysataa, baa in badan Qamar is-weydiisay. Adduunkii waa noo burqaday oo meel walba kayd dhaqaale ayaa buuxshay, baa Qamar maqashaa, haddana dadku waa diifaysan yahay.Wixii shalay la qabtay maanta waa la kala furfuray, bay Qamar si joogto ah deriska uga maqashaa.

Xukunkii bulshada labo jilaa buu gacanta u galay, baa dhagaheeda ku dhaca… Dhaqaalihii la helay dhow jeeb kuu ku shubmaa, baa dhalaanku ku hadaaqaa… Hala dagaallamo oo yaan la kala adkaan, baa Qamar kusoo duusha… Qamar waa duudsiyey oo xildhibaannadii baa qalinka ku duugay, baa Qamar soo gaartay. Waa dhacdo aan la filayn oo amakaag ummaddii u keentay…

 

Qamar waa yaabban tahay, mana oga waxay ku daambayn…Allow Daacad iyo Dulmidiid ii keen si aan xog-ogaal ugu noqdo hoogga iyo dhaxal-wareejinta layla damacsan yahay, ayaa Qamar ku taahday. Daacad iyo Dulmidiid oo kurbaysan baa Qamar booqasho kusoo gaaray, waana lays waraystay.

Qamar: War maxaan ku dambayn doonaa…?

Daacad: In shisheeye laguu guuriyo

Qamar: Yaa arrintaas ka dambeeya…?

Dulmidiid: 2dii gunti-xumeyaal

Qamar: Yaa dulaal ka ahaa…?

Daacad: Looma kala harin. Duub-weyne, Xaaji Boqorre, Il-dab, Dibira Weyne iyo 2dii gunti-xumeyaal.

Qamar: Yaa jiritaankayga duudsiyey…?

Dulmidiid: Xildhibaannada Qaranka

Qamar: Yaa duudsigayga ka mashxaraday…?

Daacad: Inta jiritaankaaga diiddan

Qaamar: Yaa casumaad u loogay…?

Dulmidiid: Madaxda dariskaaga

Qaamar: Yaa ka buraanburay…?

Daacad: Inta laguu xil saaray.


QEYBTII 2-AAD - SHEEKADII QAMAR


QEYBTA 2-AAD - (Keydmedia) - Daacad wuxuu kamid yahay inta Qamar kusoo hartay oo daryeelkeeda gacanta ku haysa. Baryahaanba aad buu uga walwalsanaa xaaladda caafimaad-darro ee Qamar kusoo korortay. Qamar waa jirratay oo muddo dheer maliil bay ahayd, cudurka ay qabtana la garan waa. Nin buka boqol u tali!

Daacad oo ay ehelka ugu jeclayd waa qarracsan yahay, dadaalna kuma yara. War maxaan Qamar u qaban karaa…? Cudurka Qamar qabto yaan la kaashadaa…? Bal talada haloo badsado oo jaalkay aan wargeliyo, ayaa Daacad talo ku goostay.

Daacad wuxuu soo booqday Dulmidiid si uu ula socodsiiyo xaaladda caafimaad-xumo ee Qamar ku sugan tahay. Dhibka haya Qamar ma yara, ayuu yiri, wuxuuna kusoo koobay: Oontii waa lagala quustay… Calwasaad bay had iyo jeer ku jirtaa…Indhaheediina ash ma ahan… Wax maqalku waa kasii liitaa... Ehelkii u heelanaan jirey bay afka ku haysaa… Waayihii wacnaa oo ay soomartay bay dib u gocotaa, gelin walbana ilmada ayay gabaxda ku haysaa… Guurkii ugu dambeeyeyna way ku hungowday, welina madaxeeda looma dhigin, ayaa Daacad jaalkiis ku wargeliyey.

Maqalka dhibka Qamar haya uur-xumo horleh ayuu Dulmidiid ku dhaliyey. Calool-xumo ayuu la jees-jeestay. Xaggee wax laga qabtaa…? Sidee Qamar loo caymiyaa…? Yaa noo ciidmi kara…? ayaa Dulmidiid is-weydiiyey. Waa arrin naga mugweyn ee aan u dad badsanno, ayaa laysla gartay.

Daljir xagguu ku dambeeyey, ayaa Dulmidiid lasoo booday.

Daacad: Diif buu la huleelay.

Dulmidiid: Qumman meeday…?

Daacad: Qarracan bay qabri la gashay.

Dulmidiid: WarQaran-daadihiye xagguu qabtay…?

Daacad: Waa maxbuus beeleed.

Dulmidiid: Meeyey Beeldaaje…?

Daacad: Dhul lama dagaan ah baa uubato ku cuntay.

Dulmidiid: War maka haysaa Aqoon-daadihiye…?

Daacad: Lafihiisa ka raadi badda weynta gunteeda.

Dulmidiid: War Dal-wanaaje mala hayaa…?

Dulmidiid: Tiih buu gidaarrada la jiifaa oo dareenkiiba waa ka lumay.

Dulmidiid: Ba’a…! Ba’a…Ba’a… War meel baa nalaka haystaaye ee culumo noogu yeera diinka hala akhristee…Daacad tag masaajidyada oo culumo noo soo aruuri, anna qurbaanka aan sii diyaariyee. Daacad waa tagey waana soo hungoobay. Masaajid kasta oo uu tago waa cidla,  kutub iyo gogoshii lagu aqoon jirey midna ma yaallaan. Arrin la yaab leh bay Daacad la noqotay.

Daacad: Masaajidyadii iyo mawlacyadii culumada laga heli jirey oo dhan waan tagey oo waan kasoo waaye.

Dulmidiid: Amakaag badanaa… ayaa Dulmidiid ku muusanaabay, dabadeedna isaga oo yaabban buu Daacad ku yiri: War tag dugsiyada Qur’aanka oo soo ardo qur’aan soo kexee, iyaga ayaan la wayneyine. Daacad cabbaar buu maqnaa ardana waa soo waayey. Asaga oo yaabban buu soo noqda, wuxuuna yiri:  Ardadii hub bay qaadday oo xag-jireen baa ku adeegta.

Dulmidiid: Tag masaajidkii asharaafta oo noo soo kexee koox asharaaf ah oo xaafid-quraan ah. Daacad waa tagey goor dambe ayuuna soo noqday isagoo faramaran oo baahi iyo harraad la tabaalaysan. War I waaraabiya, ayuu hadalkii ku bilaabay isaga oo aan weli fariisan.

Dulmidiid: Meeday Sharaaftii Qur’aanka akhrin lahayd oo cuni lahayd Allabariga la diyaariyey…?

Daacad: Ddhufays bay Asharaaftii gashay oo dagaal-ooge cartamaya ayaa maalgeliyey oo foodda la gelin waa.

Qaylo-dhaan baa Daacad iyo Dulmidiid guriga ugu timid. Dareen horleh baa soo kordhay. Xaaji Boqorre iyo xulufadiisii baa soo rogaalceliyey, calan qalaad bayna babinayaan. Xaaji Boqorre waxaa hareeraha kala socda is-bahaysigiisii oo ay kamidka yihiin: Dibbir oo dagaal u darbban. Waxaa dhinaca kale ka taagan barakiciye. Waxaa bidixda ka taagan il-dhab. Waxaa kasii dambeeya Damacweyne.

Qamar qarracan bay sariirta uga soo dhacday waxaana gurmad ugu tagey Daacad iyo Dulmidiid. Waa la rogrogay, biyana waa lagu firdhiyey bal inay mar indhaha soo kala qaaddo. Alle mahadiye waa soo nabdaadday. War waxa aan maqlahayo ma ila maqlaysaan. Waxay ila tahay dhir la jarayo, baa Qamar so’aashay Daacad iyo Dulmidiid.

Daacad: Waa dhir, geed la harsado nooma harin.

Qamar: War sawaxanka baxaya ma maqlaysaan…?

Dulmidiid:  Waa ummad la barakiciyey oo qaxaysa.

Qamar: War ubadka gunuunucaya ma maqlaysaan…?

Daacad: Waa agoon gaajo la seexan weydey.

Qamar: War gurmadka dhurwaaga jidadka dadka cayrsanaya ma maqlaysaan…?

Dulmidiid: Waa mooryaantii Xaaji Boqorre oo ugaarsi ku jirta.

Qamar: War dadka taahaya ma maqlaysaan…?

Daacad: Waa dumar dhaawac ah oo gargaar la’aan dhirta u hoos daadsan.

Tabar darri bay Qamar hurdo dib ugu noqotay. Koob caano barax ah baa afka loo saaray markay soo kacday, kadibna madaxa ayay soo qaadday, ayadoo xoogaa miyir qabta. Waa keligeed, shanqarta agteeda ka dhacaysana way maqlaysaa. Dhagta ayay u dadabtay inay si fiican u maqasho waxa dhacaya.

Muran iyo sawaxan badan bay ka maqashay duleedka aqalka ay jiifto. Gooddis iyo cagajuglayn baa dhagaheeda kusoo duushay... Kuraas laysku tuurayo iyo war kala qabtooy bay maqalaysaa… Bulaanku ma yara, wuxuuna isugu jira rag iyo dumarba.

Ma suuq-xoolaad baa meesha laga furay…? ayey Qamar is-tiri. Waa xaalad cusub ee aan u kuurgala waxa jaarkaygu ku sugan yahay, baa Qamar ka codsatay Daacad iyo Dulmidiid oo hadda qolkeeda soo galay oo fadhiya sariirteeta ay korsaaran tahay.

Qamar: Waa maxay qalalaasaha deriskeyga ka dhex-dhacay…?
Daacad: Waa lala socdaa…Waa Xaaji Boqorre iyo xildhibaanno deeq isku haysta.

Qamar: Xaaji Boqorre ma dulaal baa…?

Dulmidiid: Ha… Waa nin wax walba iib u yihiin.

Qamar: Maxaa hadda laysku haystaa…?

Daacad: I taageer iyo ku taageerimahayo ayaa laysku haystaa…

Qamar: Waa maxay gorgortanka aan maqlahayo…?

Dulmidiid: Cod baa la kala gadanayaa.

Qamar: Xildhibaan muxuu suuqa keenay oo uu iibinahayaa…?

Dulmidiid: Damiirkiisa iyo codkiisa.

Qamar: Xildhibaan yuu xilka u sidaa…?

Daacad: Shisheeye iyo Calooshiisa.

Quruxdii Qamar Qoomamaa u Dambaysey…Qaybtii 3aad… waa socotaa…

Keydmedia.net


QEYBTII 1-AAD - SHEEKADII QAMAR


Waa hordhicii sheekada Jacaylka Qamar. Waana silsilad taxane ah - Qamar waxay ahayd gabar ku noolayd Geeska Bariga Afrika oo Eebbe qurux iyo qiime ku manaystay.

Wax badan baa shisheeye iyo sokeeye isha ku hayeen inay mar qurah juuq u tiraahdo oo ay la haasawdo, waxaase mar walba laga cabsi qabey jirey halgaadda walaalaheed oo 13 kamid ah ay ku barbaareen hanaqaadyo col u jog ah.

Deriska iyo inta iyaga u kidmaysa afka ayay Qamar ku hayn jireen: Tolow yaa tan calfan doona? Xaggee laga marayaa difaaaca walaalaheeda u darbban yhiin? Sidee maanka looga xadi karaa? Xaaji Boqorre maka libkeeni karaa?

Hooyadeed, ayeydeed iyo dumarka xigtada Qamar u ah aad bay aayaheeda uga welweli jireen: Allow ilaacadooda ka badbaadi…! Intaas afka ayay ku hayaan…! Magacxumo ayay rabaan inay ku ridaan…! Ragga qaarkiis daacad kama aha guurka dumarka oo intaas khatal bay maanka ku hayaan…!

Rag badan baa holliyey inay Qamar la haasaabaan oo doonayey inay madaxeeda majo u rogaan. Qaar kale waxay wateen guur dhalanteed ah oo Qamar lagu marin habaabiyo. Kuwo badan oo muska ka hanqaloocsan jirey baa kaynta la jibaaxsiiyey. Guur iyo gaabsi midna Qamar foodda loo gelin waa, ayaa rag badani isku ciil-kaambiyeen.

Malaha Xaaji Boqorre ayaa hoodo ku leh maangadka dumarka. Bal isaga lala tashado, ayaa rag badani isku soo qaadeen. Warkii baa Xaaji Boqorre gaaray, wuxuuna fartiin kusoo celiyey in Qamar isaga loo daayo oo laga warsugo.

Ergadii cabashada ugu timid wuxuu kula faqay: Qamar hala ii daayo. Muxubbo indho la’ baan ayaan ku ridayaa markaan dhabta u saaro: Jilbado dahab ah, guntiino dacal madaw ah, hilqado lacag ah, kuul cinaabi ah, iyo kabo jiiqle ah oo cagba cag ah.

Xantu aad bay dalka u xushaa, Qamarna afka ayaa lagu hayaa. Nacab iyo sokeeye waa kala baxeen oo laysma gaadi karo. Khatasha Qamar lala damacsanaa iyo cidda xambaarsanayd waa lala socon jirey. Kan habaynkii dhibkeeda u guureeya waa loo gabban jirey. Kan godka haadaamada Qamar u qoda waa laga gaashaaman jirey.

Walaalaheed waxay ahaayeen gaashaan-qaad aan foodda la gelin Karin, umana dulqaadan jirin deelqaaf lagu dhaamo magaca walaashood. Kuwii ku dhinta badbaadinta sharafteeda waa loo mashxaradi jirey. Waxaa war ka jooga sidii uu Xaaji Boqorre u heli lahaa dallaalo uu Qamar kula haasaabo.

Gabdhaha dariskeeda ah markay wariyaan: Qamar, goormaad guursan doontaa? Markaan helo ninka aan maanka ku hayo, ayay ugu jawaabi jirtey. Himilo guur ka sokow, wax ka weyn oo kale bay Qamar maanka ku hayn jirtey: In sharafteeda la ilaaliyo. In magaceeda iyo meekhaankeeda kor loo qaado. Inaan lagu xadgudbin aayaha qoyskeeda. Inaan shisheeye lala mataanayn.

Marin habaabinta Qamar waxaa looga quustay kartida, daacadnimada iyo hufnaanta walaalaheed u hayeen walaashood. Had iyo jeer waxay heegan u ahaan jireen sugitaanka sharafta iyo aayaha gacalkood. Waxay warmo dhaadheer u daruurin jireen kuwa shisheeyaha u dheelmada oo dhaama magaca walaashood, kuwa gunnada yar lagu gufeeyo si ay u khatalaan gabar saxar la’ ah.


Keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.