Rooble wuxuu dusha saartay fashilka Farmajo mas’uulka ka ahaa

Faallo Mohamud M Uluso

Safarradii RW Roble ku kala tagay Qatar iyo dhusamareb ee Galmudug wuxuu ku lumiyay kalsoonida Beesha Caalamka iyo tan shacabka Soomaaliyeed sida xamaasadda leh loogu muujiyay.

Rooble wuxuu dusha saartay fashilka Farmajo mas’uulka ka ahaa

1dii Maajo 2021 oo ah maalintii Madaxweynaha muddo kororsiga laga diiday Maxamed Cabdullahi Farmajo ku dhawaaqay inuu mas’uuliyadda hogaaminta hirgelinta doorashada barlamaanka federaalka, oo shan (5) bilood dhaafsaneyd waqtigii loogu talagalay, ku wareejiyay RW Roble, isla markaana Ciidammada Badbaadada Qaranka ka baxeen Muqdisho, kuna noqdeen xeryahooda;

6dii bisha Setember 2021 oo ah maalintii RW Roble soo saaray warqadda xil ka qaadista Agaasimaha Guud ee hay’adda Nabadsugidda (NISA) Fahad Yaasin Xaaji Daahir oo lagu eedeyay inuu ku milmay siyaasadda, isla markaana ka madax adeegay inuu ka keeno warbixin lagu qanci karo masiirka geeri iyo nolol sarkaalad ikram Tahlil Faarax oo ka tirsaneyd NISA oo la la’a ilaa 26 Juun 2021. Ilaa maanta, waalidka Ikram Tahlil waxay dalbanayaan cadaalad iyo qancin. Sarkaal ka mid ah eedeysanayaasha kiiska Ikram ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee NISA.

Kiiska Ikram Tahlil iyo weerarradii Hogaamiye Cabdiraxman Cabdishakur iyo Madaxweynayaal hore Sheikh Sharif iyo Xassan Sheikh, musharrax iyo Ra’iisul Wasaare hore Xassan Cali Kheyre iyo Siyaasin kale waxay tusaale qaawan u yihiin heerka xun ee ku takrifalka awoodda dowladda iyo ku xadgudubka nolosha, karaamada, iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmajo gaarsiisan tahay.

RW Roble waa la socda guuxa dadweynaha oo inta badan kooxda Kalamaan ee Radiyo Kulmiye ku soo tebiso majaajilo xaqiiqada ka tarjumaya. Guuxa dadweynaha wuxuu sheegaya in RW Roble xikii iyo maamuskii ummadda soomaaliyeed u hayay uga beddeshay Qatar dano shakhsi ah, taaso khilaafsan dastuurka iyo dhaqanka dowladnimada. Nasiib darro, ilaa maantana RW Roble kuma dadaalin inuu caddeeyo wararka dadweynaha ka careysiiyay, isla markaa dhaawacaya sumcaddiisa, lid ku ah karaamada iyo danta dadka, dalka, iyo diinta Soomaaliya.

U kuurgalayaasha siyaasadda Soomaaliya waxay safarka RW Roble ku tagay dhusamareb ku sifiyeen 3 arrimood:

  1. Inuu u tagay waqti lumis ama muddo xileed dheereysi iyo dano dhaqaale;
  2. Inuu dhusamareb ka dhigo Riwaayada bilowga doorashada Xildhibannada Golaha Shacabka oo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qorqor calan sidaha ka noqonayo xagga DG.
  3. In RW Roble soo raalli geliyo Madaxweyne Qorqor oo xurguf kala dhexeysay. Madaxweyne Qorqor wuxuu sugayay booqashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaday Farmajo oo ku taageray dagaalka lagu hoobtay ee Bohol iyo Guriceel.

Si kastaba, waxaa la rajeynayay in safarka RW Roble ee dhuusamareb xaqiijiyo:

  1. Dardargelinta hirgelinta doorashada xildhibannada Golaha Shacabka oo 37 Xildhibaan ah iyo ku nuuxnuuxsashada ilaalinta hufnaanta doorashada dhinac kasta;
  2. Kormeeridda khasaaraha ballaaran ee ka dhacay Bohol iyo degmada Guriceel halkaaso 4 maalmood ku dagaallamayeen Ciidammada dowladda federaalka oo kaashanaya Ciidammada DG Galmudug iyo xoogagga Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ), isla markaana qaboojiyo xiisadda taagan, dadka dhibaateysan gargaar u fidiyo. Waxaa xusid mudan in inta uusan bilaaban dagaalka Guricel, RW Roble labo mar soo jeediyay in DG Galmudug iyo ASWJ wada hadlaan, haseyeeshe Madaxweyne Qorqor uusan ka hoos qaadin;
  3. La kulanka waxgaradka Galmudug si looga wareysto xaaladda guud ee deegaanka, isla markaana la siiyo xogta dhabta ah ee xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha saameynta weyn ku leh mustaqbalka ummadda deegaanka iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

RW Roble wuxuu dhusamareb joogay afar maalmood. Ilaa hadda lama yaqaan sababta uu u booqan waayay degmada Guriceel oo qiyaas 140 qofood ku dhinteen, tiro 200 ku dhow ku dhaawacmeen, kana barakaceen 100,000 qofood iyo goob ka baxsan dhusamareb. Waxaa la xusuusan yahay in Jeneral Aadan Abshir Nuure “laba Afle” oo ka tirsan ciidanka xoogga dowladda federaalka sheegay inuusan arag madax DF iyo DGG oo rabta inay la hadasho ASWJ, asagana dhuusamareb u tagay inuu eheladiisa ka mid ah ASWJ ee Bohol ku sugan ka badbaadiyo dhibaatada iyo gumaadka DF+DGG la damacsan yihiin. Hadalka Jeneraalka wuxuu sugaya qorshaha dagaal ee Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug ku qaadi raaban ASWJ, halka heshiiska ahaa in la wada hadlo. Deegannada u dhow dhusamareb waxaa muddo sannad ah ka socda colaado sokeeye ee u baahan wax ka qabad degdeg ah.

Waxaa dad badan ka fajiciyay hadal RW Roble ka sheegay casho sharaf loo sameeyay, kuna weeraray ASWJ ee uu tilmaamay nabad-diid, midnimo-diid, dowlad-diid, Galmudug diid, oo ahaa tilmaamo gaar u ahaa Al Shabab, wuxuuna sheegay in gacan bir ah lagu qabanayo kooxdaas. RW Roble ma qiran in DF+DGG bilaabeen dagaalka lagu qaaday ASWJ ee Bohol iyo Guriceel.

Sida u kuurgalayaasha siyaasadda Soomaaliya sheegeen, waxay u eg tahay in hadal kulul ee RW Roble ku raalli gelinayay Madaxweyne Qorqor oo aad uga careysnaa, uga ciilqabay in RW Roble xilka ka qaado Fahad Yaasin, kuna caasiyo Farmajo, isla markaana dhusamareb u yimid in Madaxweyne Qorqor bilaabo riwaayada bilowga doorashada federaalka Golaha Shacbiga, kuna dhawaaqo qabashada doorashada 5 kursi si Beesha Caalamka looga helo kharajka doorashada (dano dhaqaale).

Hadalka xamaasad iyo xiiso la’aanta ah ee Madaxweyne Qorqor ka jeediyay cashada soo dhoweynta iyo sagootinta isugu jirtay ee RW Roble, wuxuu dhacdadii Guriceel ku tilmaamay shaqaaqo kooxihii ka dambeeyay la iska qabtay, lagana guuleystay, lana dhammeystiri doono inta yar ee ka harsan, wuxuuna sarbeeb ahaan u sheegay in RW Roble dhihi doono warka ASWJ ku quus qaadaneyso, adduunkana la maqashiinayo.

Waxaa nasiib darro ah in hadalka RW Roble aad uga fog yahay hadalka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka saacado ka hor cashada dhusamareb. James Swan wuxuu Golaha Ammaanka u sheegay,

“ Waxaa wax laga xumaado ah in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya isu beddelo ama ku dhammaado gacan ka hadal ama dagaal. Muddada u dhexeysa 23 ilaa 26 Oktoobar waxaa Guricel ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ASWJ iyo Ciidammada Galmudug oo taagerayaan Ciidammada dowladda federaalka. Dagaalkaas hubeysan waxaa ka dhashay khasaare ballaaran, barakac baahsan ee shacbka iyo burbur weyn ee ku dhacay dhismayaasha dowladda iyo kuwa dadweynaha gaarka u leeyihiin. Annaga Qaraammada Midoobay ahaan iyo Saaxiibada Caalamka qaarkood waxaan la xiriirnay dhinacyada dagaalamay, kalana hadalnay dhibaatada dhacday, waxaana si adag ugu sheegnay inay joojiyaan colaada, lana raaco dariiqa wada hadalka si wax looga qabto ama xal loogu helo khilaafka siyaasadeed.”

Waxaa cad in Beesha Caalamka qabto in DF+DGG iyo ASWJ ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo u baahan xal, aysan jirin sabab dagaal iyo fidno loogu durbaan tumo, ayadoo heshiis lagu yahay in dhammaan la iska kaashado la dagaalanka Al Shabab.

Aragtida dowladnimo ee Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Fahad Yaasin waxay tahay sameysasho ciidammo gaar ah, xoog, kufsi, amar ku taagleyn, dil, khaarijin, maquunin, xarig, shisheeye adeegsi, hanjabaad, boobka doorashada, xatooyada xoolaha dadweynaha, beenta, cayda mucaaradka, iyo isku dirka beelaha Soomaaliyeed. Waxaa goobjoog loo yahay in sarkaalad Ikram Tahlil la dilo, lana hor istaago baarista dilkeeda, taaso ka soo horjeeda diinta Islaamka iyo dastuurka kmg. Hadal kooban qabka Farmajo waa in dadweynaha gacan bir ah lagu qabto si loo dulmiyo, loona dulleysto.

Safarka RW Roble ee dhusamareb wuxuu daaha qaaday burburka dowladnimada Soomaaliya iyo rajo la’aanta doorasho ku dhacda hab xalaal ah iyo waqti xaddidan ee heshiis lagu yahay, lana aqbali karo. Marar badan waxaa la is weydiiyay daacadnimada, kartida, iyo wadanninimada RW Roble. Sababaha dhaliyay su’aalahaas waxaa ka mid ah:

1. In hadalka iyo ficilka RW Roble is khilaafsan yihiin;

2. In Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Inj. Cabdullahi Xaaji Abukar, Cabdullahi Carab uu saacad kasta ku lammaanan yahay RW Roble goob kasta iyo xaajo kasta, taaso ka baxsan dhaqanka dowladda, loona qaatay in RW Roble lagu aamini karin mas’uuliyadda uu shacabka Soomaaliyeed u hayo;

3. In hadallada RW Roble abuurayaan markasta saluug, fajac, iyo welwel badan;

4. In dhawr mar RW Roble ku kacay tallaabboyin lagu maadeysto;

5. In RW Roble laga faafiyay warar ka soo horjeeda muuqal diimeedka uu muujinayo;

6. In safarka RW Roble ku tagay Qatar ay wax weyn ka beddeshay dhaqankiisa siyaasadeed, dadweynahana shaki badan gelisay;

7. In RW Roble si buuxda u aqoonsan halista dalka ku jiro oo Farmajo iyo Fahad Yaasin ku rideen 4tii sano ee la soo dhaafay. Waxaa la yaab ah in xukuumadda RW Roble, Wasaaradda Amniga , aysan ka hadlin, dadweynaha u caddeyn u faahfaahin arrinta Drones lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi sheeganayo.

8. In RW Roble doorashada federaalka ka dhigay riwaayad TV laga daawado iyo inuu ku biiray burcad abaabulan (organized criminals) oo magaca dowladda federaalka ugu shaqeysaneysa si sharcidarrada ah danahooda iyo dano ajnabi.

Waxaan horey u sheegay in inta Maxamed cabdullahi farmaajo ku sugan yahay Madaxtooyada, sheeganayo awoodo sharcidarro ah ee Madaxweyne, rajo lagama qabo inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah ee heshiis lagu yahay kuna dhacda waqti heshiis lagu yahay. Madaama Farmajo sheeganayo Madaxweyne muddo ku dhow hal sano kaddib markii muddo xileedkiisii dhammaaday, isla markaana aan la dooran 274 Xildhibaan ee ka mid ah 329 Xildhibaan ee barlamaanka federaalka, la iskuna waafaqsan yahay in doorashada 46 Xildhibaan ee Aqalka Sare (marka laga reebo 8 Xildhibaan ee Hirshabelle) ay aheyd xaaran, waxaa lagama maarmaan in Farmajo lagu qasbo inuu banneeyo Madaxtooyada, la kala diro Xukuumadda xilgaarsiinta, xildhibannada Barlamaanka federaalka 10 laga joojiyo mushaarka, kaddibna lagu dhawaaqo dhismaha Gole kmg ah ee dalka maamula, qabtana doorasho dadban ee daahfuran muddo 6 bilood gudaheeda ah.

Haddii aan la aqbalin taladaas, Soomaaliya waxay cagta saareysa waddada qalalaasaha siyaasadda, kuna dambeyneysa dagaal sokeeye iyo burburka dowladnimada Soomaaliya sida James Swan sheegay.

Waa calool xumo weyn ah in RW Roble dusha saarto fashilka dowladda federaalka oo Farmajo iyo kooxdiisa mas’uulka ahaayeen. Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka aad ayey ugu hanweynaayeen RW Roble, waxayna ka sugayeen inuu Soomaaliya ka badbaadiyo haadanta Farmajo iyo kooxdiisa - Nabar iyo Naxdin - ku tuureen. Ma jirto sabab RW Roble ugu safro Galmudug iyo deegammo kale si loo qabto doorashada Golaha shacbiga. Haddii DG-yada ama guddiyada doorashada ka gaabiyaan gudashada xilkooda, RW Roble wuxuu haysta awood iyo taagerada Beesha Caalamka uu ugu kallifo inay gutaan shaqada laga rabo ama ay la kulmaan cadaadis iyo ciqaab aysan qaadi karin.

Caqabadda ugu weyn ee doorashada federaalka hortaagan waa fawdada uu abuuray Farmajo oo Soomaaliya ka dhigay dal u afduuban koox buracad abaabulan ah ee ka kooban Farmajo-Fahad-Roble-Qorqor-Guudlaawe-Laftagareen-Finish/Filish oo saf ah iyo Deni-AxmedMadoobe oo la meereysana. Guddiyada doorashada waxay mashqquul yihiin isha falateyn, laalush raadin, wax isdaba marin hoose, iyo hubinta madaxda ay ku tiirsanaan karaan, isku halleyn karaan oo hogaaminta guud ee doorashada mas’uulka ka ah. Waxaa maqan hogaamiyaha guud ee doorashada federaalka oo la filayay inuu yahay RW Roble, haseyeeshe ku biiran kooxda Farmajo kabtanka, dagaal-geliyaha u yahay.

Dr. Maxamud M. Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.