Sideed Fursado

RW Roobloow ha dayacin fursadahaan

Faallo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Hogaamiyaha sida wanaagsan u fikira, waa kan isku hareereeya, dad isaga ka caqli, karti, aqoon iyo khibradba badan, oo dhankasta kala taliya. Sida muuqatana raysalwasaare Rooble sidaa ayuu sameeyey.

RW Roobloow ha dayacin fursadahaan

Wuxuu isku hareereeyey, khubaro sharci iyo ruug-cadaayo siyaasadeed, oo sida muuqata aad utayo sareeya, waana sababta keentay, inuu is dabbaaliyo (La-heloow) inta doorashada baarlamaanka ka billaabaneeysey. Mahadi haka gaartee,  hogaamiyaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe'e) ayaa abaalkaa ku leh RW Rooble, illeen isagaa degdeg ku billaabay doorashadii’e, sababna unoqday, inuu meesha ka boxo baarlamaankii 10-aad iyo hogaankiisii jeebka ugu jiray Dictator Farmaajo & kooxdiisa dhiig-cabyada ah ee Fahad, Kullane Jiis, Yaasiin Fareey, C/qani Wadna-qabad................IWM.

Waxeey aheyd faa’ido iyo fursad dheeri ah, markii awoodii amniga iyo tii doorashada dalkaba, baarlamaanka hortiisa iyo meel fagaaro ah uu dictator Farmaajihii dalka halista galiyey, ugu wareejiyey RW Rooble, kadib markuu dhicisoobay afgambigii 25-ka Abriil, 2021-ka.

Maxeey yihiin fursadaha qaaliga ah ee haduu dayaco RW Rooble ka shallaayi doono?

1- Sideedaba sharciyan Madaxweeynaha dalkeena, wuu magacaanbi karaa oo kaliya, balse xilka kama qaadi karo raysalwasaaraha dalka, oo awood sharciyeed uma laha, iskadaa mid waqtigiisii dhamaaday 8-dii Feberaayo, oo si xaaraan ah (Illegitimate) madaxtooyada isaga dhex fadhiya’e.

2- Baarlamaankii 10-aad wuu xirmay, dhanka kalana baarlamaankii 11-aad lama wada dooran, taasoo micnaheedu yahay, baarlamaan iyo guddoon sidii Mursal ah, oo sidii RW Kheeyre loo isticmaali karo ma jiro, sifo sharci ahoo kale, oo RW Rooble lagu tuuri karana hade maba jirto.

3- Wuxuu si sifo sharci ah RW usii ahaanayaa, oo uu sii heeynayaa awoodihiisii raysalwasaarenimo, iyo waliba awoodii amniga iyo doorashada dalka, ee meel fagaaro ah loogu wareejiyey. Illaa baarlamaanka 11-aad, ee labada aqal lawada dhaariyo, kadibna madaxweeyne soo doortaan, oo uu waliba markaa soo magacaabo raysalwasaare cusub, si uu xilka ugu wareejiyo maahee. Intaa wixii ka horeeya, sharciyan isagaa madaxweeyne dadban (De facto President) dalka kasii ahaanaya.

4- Waa sida ka dhacda siyaasada qalafsane Afrikaanta'e, hadii wasiiradoo dhan is wada casilaan, liis cusub ayuu hore ka qoran karaa, si sharci ah, isagoon cidna u baahan, illeen baarlamaan la hor-geeynayo majiro'e. Waa dhankaloo lagasoo gali kari lahaa, balse albaabkaa wuu soo xirmay.

5- Isagaa meel fagaaro ah lagula wareejiyey amniga dalka iyo doorashadaba, kadib markeey dalka khalkhal amniyoo weyn galiyeen dictator Farmaajo iyo kooxdiisa dhiig-cabyada ah. Awoodaa isagaa leh, isticmaalayana, sarkaaskastoo sharci ku shaqeeyana la shaqeeynayaa. Wixii foowdo ah waa meesheeda, ninkii sharciyada leh ayaana garab sareeynaya, caalamkana la shaqeeynayaa.

6- RW Rooble waxaa si cad uwada taageetan maamul-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Midowga Musharrixiinta, beesha caalamka, Shacabka iyo ciidamada Intooda ugu badan, waxeeyna uwada arkaan RW ay si sharci ah uwada taageersan yihiin.Waxaa intaa sii dheer, in sadexda kalee maamul, si toos ah wali aaneey ula safan kooxda dhiig-cabyada ah ee Dictator Farmajo.

7- Lacalla haduu RW Rooble u baahdo ciidamadii Badbaado-Qaran, iyo saraakiishoodiiba, weey shireen, ammarkiisa oo kaliya ayeyna sugayaan. Waa lacalla haduu u baahdo’e, illeen taladiisa ayaa caasimada looga saaray, kadib markii madaxtooyada la hareereeyey, balse aan wali duqeynta kagu billaabine.

8- RW Rooble wuxuu taageero weyn ku kasbaday kiiskii khaarijinta Ikraan Tahliil, oo qofkastoo dadnimo, damiir, iyo damqasho Soomaalinimo iyo mid Islaamnimo ku dambeeyso uu ku garab istaagay raysalwasaaraha, halka Dictator Farmaajo uu sameeyey waxastuu ku hor istaagi karo, cadaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil Faarax. Waakan ka hor yimid xil-kaqaadistii dil-ku eedeeysane (Murder suspect): Fahad Yaasiin aka Abuu Cammaar, kadibna udalacsiiyey la-taliye amni qaran, waakan Dil-ku eedeeysane (Murder suspect): Yaasiin Fareeyga udhiibay hey'adii dilka gabadha ku eedeeysneyd. Waa kan guddi marin-habaabin ah magacaabay. Kaagasii darane lasoo shir-tagay, in xubin ka mid ah guddigaa uusoo magacaabayo, shaqsigii khaarijinta gabadha ku eedeeysnaa, cajiib! Ugu dambeyna waakan soo istaagay, in kiiska Ikraan Tahliil Faarax duuduubkiisa lagu laalaabo,  Diyana uu bixinayo, balse eedeeysanayaasha aan la maxkamadeyn, gabadhana raq-iyo-ruux midna aan la weeydiin. Waa fadeexo taariikhdiisa aan waligiis ka hari doonin, sidaa ayuuna rabaa inuu 4-sanoo kale dalkan sii xukumo. Cajiib!

Gabagabo iyo Gunaanad

Fursadahaa waa kuwa awooda u siiyey, inuu ka takhaluso, waliba shaabadeeyo, ninkii la dhihi jiray “Milkiilaha Dowlada”, kaasuu maanta ka dhigay, mid “Magan loo la’yahay!”. Waa kuwa suurtagaliyey, inuu awood buuxda uyeeshay, in warbaahintii qaranka laga mamnuuco, qoraallada sharciyada baal-marsan ee dictator Farmaajo, kuwa RW Rooble-na si is-dabajoog ah loogu daabaco. Waatan kooxda dictator Farmaajo, ee ka tirsan golaha wasiirada ee is wada casilaadooda loogu goodin jiray, kawada dhigtay kuwo baqoo isqariya, iyo kuwo si toos ah ula safta RW Rooble.

Hadaanu iska dayicin fursadahan qaaliga ah, dardartaana kusii socdo, waa hubaal inuu dictator Farmaajo qol kusoo xiri doono, dhiig-cabyada dilka kuwada eeydeeysanna, sida: Fahad Yaasiin aka abuu cammar, Kullane Jiis, Yaasiin Fareey, iyo C/Qani Dhiirane-na caddaalada marsiin doono.

Wuxuu ka boqo ma jiraane, waa inuu si dhiiranaan ah ugu socdaa go’aanno cad-cad iyo dardartuu ku socday howshana ku wadaa, isaga dalka maanta maa’uulka sharciga ah ka ehe.

Waxa kaliya oo aan ka baqayaa, waa ineey shirqoosho Dowlada Qatar ee kooxda Farmaajo uhgu dameyn u habar-Wacdeen, marka lagu daro dadka kuwa ugu dhow sida: Qoorqoor iyo MW Sheekh Shariif, oo kooxda Farmaajo u arkaan, ineey ku badbaadayaan, haduu iyaga badalo, iyo kaba-Qaadkooda: Lafta-Gareen. Nasiibdarro! Waa kuwa kusoo nooleeynaya, Farmaajoo siyaasad ahaan usii ruuq-baxayana.

Saxaabigii weeynaa ee Cali Binu Abii Dhaalib, kana mid ah afartii khulafaa Al-Raashidiinka, ayaa yiri: “Cadow kan ugu halista badan, waa kan inoo eg, balse aan inaga mid aheyn!”.

Wa billaahi toowfiiq.

C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed.

Minnesota - USA | abdulkadirphd@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.