Safaarad Danyarta U Diirnaxda & Mid Diiratah!

Keydmedia Exclusive - Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib ah tiradooduna kor u dhaaftay 50 ayaa Safaarada Soomaaliya u fadhida Dalka Liibiya waxey ku guuleysatay inay ka soodeyso Xabsiyada Dalka Liibiya.
Faallo Keydmedia Online
Safaarad Danyarta U Diirnaxda & Mid Diiratah!

Dhalinyaradaan ayaa aad ugu cadibnaa Xabsiyada SARMAAN, QARYAN iyo MITIGA ee dalka Libya.

Waxa kaliya oo ay ku muteysteen Xabsigaas oo dambi cinqaabeed looga dhigay waa: "Tahriib ayaad tihiin".

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Liibiya oo Tifaftiraha KEYDMEDIA ONLINE uu kala xariiray Qadka Talefoonka Safiirka Abdiqani Maxamed Waeis iyo Qunsulka Aidarus Ahmed Kahie ayaa waxey KON u sheegeen in ay Dadaal ugu jiraan, kuna howlanyihiin in ku dhawaad Boqolaal Dhaliyaro ah oo isugu jira Dumar, Caruur iyo Rag oo Xabsiyada Libya ku jira dhawaan heli doonaan xuriyadooda.

Qunsulka Aidarus Ahmed Kahie ayaa Warbixintiisu wuxuu ku sheegay in Dhalinyaradaan Soomaaliyeed la qabtay dabadeedna ay xireen Ciidanka Amaanka ee Libya, ayaga oo markaas ku jiray tahriib xaga badda ah oo ay rabeen inay ku gaaraan xeebaha Dalka Talyaaniga iyo Jaziirada Malta.

"Dhibaatooyinka aan kala kulano soo deynta Dhalinyaradas waxaa ugu horeeya Waji Gabaxa aan kala kulano soo deyntooda, Warqadaan waxaan u Qornay Xafiisyada qaabilsan Maxaabiista, Telefoonaa dirnay, intaas kuma aanan ekaanin ee lug baan ugu tagnay Mas




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.