SAFARKEEYGII SOOMAALIYA, IYO SIRTII AAN SOO HELEY! - By Cabdulqaadir M. Cismaan

By Cabdulqaadir Maxamed Cismaan - Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Akristaha sharafta badanoow, safarkeygii aan dhawaan wadankeenii Hooyo ku tagay (August 6, 2012-illaa-September 6, 2012), waxaan kusoo ogaadey in wadankeena eey ku socoto dacaayad warbaahineed oo xun...

Faallo Keydmedia Online
SAFARKEEYGII SOOMAALIYA, IYO SIRTII AAN SOO HELEY! - By Cabdulqaadir M. Cismaan

Iyadoo wixii xumaan ah aad loo buunbuuniyo balse dhinaca kale waxkastoo wanaagiisa ahna, si ula kac ah loo qariyo, si muwaadiniinta baananka uga maqan iyo caalamka kale ee wax inala qabsan lahaaba loo khalkhal iyo cabsi galiyo, oo wadanka wax is badal horumarineedba aaneey ugu soo siyaadin, dhibka eey ka sheegayaana qaarkood eey ugu dawarsadaan, arintan waxaa ku howlan, oo iska kaashanaya, dowlado daris ah,  hey’ado caalami ah iyo cadow gudaha intaba oo dhamaantood dano kala duwan arintan ka wada leh.

Maxaayeeley marka aad wadanka gudihiisa tagto, sida xaalku yahay iyo waxa Media-ya caalamka eey maalinkasta ka sheegaan, oo dhalisey in shacabkeena banaanka joogaahi, wadankiiba kasii quusanayaan, xaqiiqdii waa Kaaf iyo Kala dheeri. Sidaa daraadeed, waxaan rabaa in aan qeybtan 2-aad ee qormada Isbuucan ku soo gudbiyo isbadalkii, rajadii, yadadiidaladii  iyo wanaagii aan wadanka kusoo arkey, si eey u ogaadaan, walaalaha aan fursada u helin sideeydoo kale in eey Dhulkii hooyo booqdaan, bal uun soo arkaan, gaar ahaan guwooda shacanka iska caadiga ah ee aanu cidi rabin, balse buufis cabsi uu isaga jiro, waa sidii anigan miskiinkan ahba isaga keey jirtaye.

Akhristoow, waxaan rabaa in aan 16-qodob kusoo kobo wanaagii, horumarkii, rajadii, iyo yadadiiladii faraha badneyd ee aan soo arkey, intiiba aan ka xasuusankaro, waxaana ka mid ahaa:

1-Kalsoonida nabadeed iyo Amniga illaa iyo xad la isku halleynkaro, ee caasimada Qaranka ee Muqdisho kasoo nuuraya, oo shacab ku dhiiragaliyey in eey boobaha loo dalxiiska tago sida: Xeebaha Liido, Curubo iyo Jazeera, si cabsi la'aan ah usoo buuxdhaafiyaan Jimco kasta.

2-Qurbajoogii Soomaaliyeed oo si xad dhaaf ah ugu sii qulqulaya Caasimada, iyadoo maanta Qurbajooga soo noqdey ee ku nool Xamar Cadeey lagu qiyaasayo 15% Shacabka guud ee ku nool Caasimada, yadadiilada iyo rajada Qaran ee ummadeena u dhadhameeysa darteed. Hoteelada, maqaayadaha, goobaha laga qaxweeyo iyo airboor-ka caalamiga ah ee Adan Cadde ayaa waxaa ay gaareen heerkii ugu sareeysay xaga mashquulsanaanta.

3-Dhismayaashii dowladu laheyd oo intoodii badneyd uguna muhiimsaneyd shacabkii daganaa laga saarey, in badan oo ka mid ahna dowladu tayactirtey oo ku shaqo biloowdeyba.

4-Taallooyinkii Qaranka ee Caasimada ku yaalley, oo intoodii badneyd dib loo dayactirey, astaamaha Qaranka iyo midnimada ummadeenana lagu hardhey, iyadoo qaarkoodna meeshii sawiro Sanamyo ah saarnaanjireen, lagu badaley ALLAAH JALLA JALAALUHU, IYO MUXAMMADU RASUULULLAAH. Laguna wareejiyey darjiino, ubaxyo, iyadoo siligna kor looga sii xeyndaabey.

5-Meeshii shaley wadooyinka Muqdisho eey cidlo ahaanjireen, maanta Muqdisho sida gawaarida quruxda badan ee shacabku lasoo wada dagey, kalsoonida nabadeed darteed, waxaa Laga yaabaa in mudo aad u dheer, aad Traffic Jaam ku jirto, sida gaadiidka Raaxada u buux dhaafiyeen wadooyinka waaweyn ee magaalada  dartedd, oo markii waddooyinka ay ku yaraadeen, xitaa jid-Caddayaashi isku xirmaya, Ileyn cid aad ka cabsaneyso in eey kaa dhacdo ayaan jirine.

6-Waxyaabaha aan aadka ula soo dhacay waxaa ka mid ah in Qoryooleeydii dadka micno darada isaga dili jirtey ama isaga toogan jirtey, loo heley Nin la yiraahdo "GEN. MUUN-GAAB", oo kii wax dileyba isna tiirka geeynaya oo dilaya, illaa eey gaareen Askarta iyo Guud ahaan Mooryaanta in eey wax dilaan iska daaye, "Aniga maa Qorey kugu taageyna!?" in eey dhahaan. Waxaan maqli jirey, “Kufaar, Korkiisaas ka naxaa!” waa xaqiiq cid in eey dhimato rabtaahi aaneey jirin.

Waloow qaar ka mid ah Indheer-Garadka ka deeyrinayeen, Dil wax ku xukunka degdega ah, iyo eedeeysanaha aan lasiineyn xuquuqdiisii aheyd in uu qabsado Qareen arintiisa difaaca, baaris waqti ku filan aan laheyn, iyadoo sidoo kale ciidanka aaney helin xuquuqdoodii nololeed, oo eey gaajeeysanyihiin, hadana 80-Xabadood oo qoriga Aakaha ah ayey Xadey Askariyadan Dil toogasho ah loogu xukumayo, oo naf dhan si degdeg ah loo gooynayo, iyadoo xuquuqdeedii askarinimana aan laga soo baxeyn, waliba xabsi iyo siyaabo kalena loo edbin karayey, waloow Musuqmaasuq nin jecleeysine aanu ka marneyn, waa sida eey dhaheene.

7-Waxyaabaha aan caasimada mudooyinkii hore lagu arki jirin, maantase caadi ka noqdey nabada jirta darteed, waxaa ka mid ah, in dumarku yar iyo weynba gawaaridooda gacantooda ku wataan, oo in dhahaadu eey qabanayaan, dumar aad u farabadan oo Xamar Cadeey gawaari ku kala gooshaya.

8-Maadaama dadku aad ugu soo laabanayaan Caasimadii Qaranka, oo eeyba adagtahay in aad si sahlan ticket diyaaradeed oo Muqdisho ah u hesho, ayaa waxaa magaaladii si xoowli ah u camirey, hoteelo wada dhaadheer oo aad u wada quruxbadan, maqaayado ama baarar caalami ah, oo ganacsato qurbaha ku laheyd, eey gudaha dalka ka ugmeeen. Xaqiiqdiina Qurba-Jooga soo laabtey waxeey wadanka uga faa'ideeysteen khibradii qurbaha eey kasoo heleen, iyagana fursadaa weey ka faa'ideeysteen.

Waxaa tusaalooyinka ugu macaan ka mid ah, waxa Qurba-joogta wadanka kusoo noqodey eey caasimada kusoo kordhiyeen, hotellada faraha badan iyo baararka high class-ka ah oo eey caasimada meelo farabadan kawada furteen, sida maqaayada Muqdisho qabsadey-Nasiib darase laba xarumood qarax loogala beegsadey- ee loo yaqaan "THE VILLAGE" oo dhowr xarun ku leh Muqdisho, sida Digfeer sokadiisa/Dugsi sare Banaadir agtiisa, Guriga Hooyooyinka, Airport-ga, gaar ahaan meesha Odayaasha Dhaqanka la dajinjirey iyo waliba Xeebta Jaziira oo eey Monopoly iyada oo kaliya ku heeysato, qurbajoogana isku ballansadaan Jimco kasta iyo Munaasabadaha Ciidaha. Waxaa sidoo kale jira kuwa kale oo aan ka liidan sida "INDIAN OCEAN" oo iyana Xeebta Liido banaankeeda laamiga dhinaciisa ku taalla, Waloow eey tagaan oo kaliya guud ahaan maqaayadahan, Dadka dhaqaalaha heysta, sida Siyaasiyiinya, ganacsatada, dadka hey'adaha u shaqeeya, iyo Qurba-jooga kistoo wadanka kula soo noqdey.

9-Rumeyso ama ha rumeysan, wadooyinka Muqdisho waxaa maalintii wada taagan Traffic-gii Qaranka oo dress-koodii ku wada labisan, dowlada ka sokoow,  waxaa amaanteeda leh General Cali Gaab, oo ah madaxada ciidanka Taraafikada Soomaaliyeed, oo xaqiiqdii dib boorka uga jafey, si wanaagsana u howlgaliyey ugu yaraan Taraafikadii Caasimada. Waxaad la dhaceeysaa sida eey u kala hagayaan gawaarida, una ilaalinayaan habsami usocodkooda, halka habeenkiina isgooyskasta eey buuxaan ciidamo Boolis iyo Nabad-Sugid isugu jirta, kuwaasoo ilaalinaya amniga, kaarar (ID Card) ku weeydiinaya, hadii eey kaa shakiyaana gaariga Daba-iyo-Dacal u baaraya. Waxaa intaa kuusii dheer, in magaaladii lagu daadiyey boqolaal kun oo ah ciidamada Sirtoonka ah ee loo yaqaan "BS-ta" kuwaasoo meelkasta taagan oo Indhaha wareejinaya sidii Haadkii, iyagoo Biskoolado waaweyn wada xiran. Waxaa la igu yiri, waxeey u badanyihiin ardeydii jaamacadaha Suudaan kasoo kala qalin jabisey.

10-Wadooyinka muhiimka ah, waa la dayactirey, waliba waxaa lagu xirey "Solar Lights", ama Nalalka tamarta Ileyska Qoraxda keydiya, kadibna ku shaqeeya, kuwaasoo Maalintii Qoraxda Keeydiya, Habeenkiina Keydkii qoraxda Ileys Naleed u roga, sidaana Magaalada u ifiya. Waxaan socda qorshe si dhameystiran magaalada oo dhan looga howlgalinayo mashruucaa Solar Lights-ka ah, mustaqbalka fogna wadanka oo idil in la gaarsiiyo la damacsanyahay, insha Allaah, hadana qalabkii oo dhameystiran ayaa maqan, oo soo socdo, si wadooyinka dhimana loo wada suro Baallooyinkaas, waloow wadada ugu dhisan uguna quruxda badan Caasimada eey tahay wadada inta badan Madaxda Isticmaalaan, uguna strategy-san, waa wadada Maka Al-Mukarama’e.

11-Waxaa sidoo kale wax lagu farxo ah in iska daa kuwa gobollada kale ka furmaye, Jaamacadaha Caasimada Qaranka ee Muqdisho oo kaliya ka furan hadadan, waxeey kor u dhaafayaan illaa 30-meeyo jaamacadood, qaarkoodna waxeeyba xarumo ku kala leeyihiin gobollada dalka, oo waxeey bixiyaan jaamacadahan nuucyada culuumta ee kala duwan, iyadoo qaarba taqasusyo gaar ah ku caanyihiin.

12-Waxaad durbadiiba dareemeeysaa in guud ahaan bilicda Magaalada Muqdisho si aad ah usoo noqoneyso, nabada la heley darteedna dadka guryahoodii dib uwada dhisanayaan. Marka lagu sii daro, baararka/Maqaayadaha, hotellada iyo goobaha kale ee ganacsi ee magaaladii laga wada taagey, waxaad dareemeeysaa in wax aad u weyni, maalinba maalinta ka dambeeysaahi iska sii badalayaan bilicdii Caasimada, oo Xamar, Xamar Cadeeydeedii hore sii noqoneeyso.

13-Dhinaca fursadaha shaqo ee wadankii yaalla, xaqiiqdii aad iyo aad ayey u kobocdey,  hadii eey ahaan lahaayeen, kuwa ganacsiga, kuwa jaamacadaha ka shaqeyntooda ah iyo hey’adaha intaba. Laakin waa muhiim in qofku si wacan u daraaseeyo intaanu meel ku boodin. Tusaale ahaan jaamacadaha caasimada ka furan isku mushaaraad ma aha, oo qaarka cusub balse ardeyda aadka u faraha badan leh, ayaa mushaaraad wanaagsan bixiya, qaar ka mid ah kuwii horase waxaa loogu xishaa sumcadooda iyo faa’iidooyin kale maahane, mushaaraad weyn ma bixiyaan, oo dhinacaas weey ku liitaan.

Ganacsiga isaga waa hadba sida aad u heleeyso dhaqaalihii aad ku unki laheyd iyo fursada waxaa aad ka ganacsaneeyso eey leeyihiin. Dhinaca hey’adaha waa meesha dhaqaalaha xoogani yaallo, waloow waxa wadanka soo gaarayaahiba yihiin, fanfaniinka yare kasoo baxsada $1Billion-ka Sanadkasta Nairobi aan soo dhaafin, balse ummadeena Dabaaleeysan loogu talagaley. Hey’adaha waa meesha ugu dhaqaalaha roon, balse waxeey u baahantahay qof Xaaraanta iyo Xalaashu u kala soocantahay, aadna isaga adag, oo xalaal quute ah, hadii kale waxaad ku biireeysaa kooxaha ku mashquulsan boobka dhaqaalihii Ummadeena diifeeyan madaxooda loogu soo dhiibey.Waxaa sidoo kale jira hey’ado ku caan ah “Boos kala dilasho”, oo kan kaa hooseeya ayaa afar wiil oo indhaha soo duubatey kuusoo diraya, madaxa marka eey kaa jabiyaana, Al-Shabaab ayaa loo saarinayaa “Wixii Xunba Xaawaa leh”, iyadoo eey usii dheertahay in hey’ada qaar si gaar ah eey Al-Shabaab ugu calaamadeeysanyihiin.

14-Waxaa Nabada iyo yadadiilada dalka ka jirta sii xoojisey, qaabkii quruxda, heybada iyo sharafta badneyd ee dowladii hore ee Sh. Shariif eey talada dalka ugu wareejisey Xukuumadan cusub ee Xasan Sh.Maxamuud (Demogratic, and peaceful transfer of Power), ha ugu horeeyo Wadaxweyne Sh. Shariif, Raisulwazaare Cabdiwali, iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan, waa arin Amaanteeda mudan,

15-Waxaa rajadii jirtey aad usii kobciyey, Dowlada Cusub ee resmiga ah, oo xaqiidii eey hogaaminayaan, aqoonyahanno aan gacmadooda dhiiga ummadu ka disleeyneyn, sida Madaxweynaha, Ra'isulwazaaraha iyo Xukuumadiisa tirada yar, balse aadka u tayada wanaagsan, gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo waliba guud ahaan xubnaha baarlamaanka cusub oo iyana tayo ahaan kii hore aad uga wanaagsan.

16-Ugu damneyn, Muqdisho waxaa amaan iyo wanaag ugu filan, in gudoonkii Baarlamaanka iyo Madaxweynihii ummadaba aan ku dooranney, iyo waliba in xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub lagu qabtey, oo waliba madax iyo wufuud caalami ahna eey uga soo qeybgaleen.

Gabagabo/Gunaanad

Nasiib darada jirta oo kaliya ayaa waxeey tahay, mudo markii la joogaba, oo noloshu dadku macaansadaanba, QARAX ayaa dhacaya, ama Dilal qorsheeysan ayaa fula, cadowga gudaha iyo dibadana ee ku howlan had iyo jeer sumacada, muuqaalka iyo sawir ka xumeynta guud ahaan dalkeena hooyo, gaar ahaana caasimadiisa, ayaa markaa aad uga faa'ideeysta, maadaama eey sidaa danahooda gaar ahaaneedi ku jirto, markaas ayaa dadka gudaha iyo kuwa dibadaba shaki ka galeysaa, nabadii iyo yadadiiladii, oo xisaabaadkooda dib ugu laabanayaan.Waxkastoo biloow lehse, dhamaan ayey leeyihiin, rajo aad u weyn ayaana muuqata.

“Ilaahoow nadada inoo soo iftiintey inoo barakee!”


 

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”  
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha  
Al-Madinah International University, Malaysia  
abdulkadirphd@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.