SAHAL: Waa Sansaan Dagaal Sokeeye!

Cali Sh. Maxamed - Bulshaan kala sareyn iyo sinaan baan sugeynee, Sedbursigoo la suulshiyo xaqsoor baan sugeynee, Saxalkoo dhammaadiyo sharaf baan sugeynee, Gacmo laysi saariyo nabad baan sugeynee, Sallaankii midnimadoo la kabaan sugeynee, Seermaweydo hoortiyo xareed baan sugeynee, Guryosamo la dego iyo barwaaqaan sugeynee, Saadaashii may noqon oo saakey ka daran tahay, Eebbow na samatabixi oo guusha hayna seegin. - Maxamed Warsame Tabantaabo

Faallo Keydmedia Online
SAHAL: Waa Sansaan Dagaal Sokeeye!

Ragga gabya ama wax-qora, qaar baa afeef iyo arar dheer ka hormariya biyodhaca, qaarna toos bey u abaaraan ujeedada, waa nin iyo dooqi. Qoraalkan oo ku saabsan 3 Arrimood oo isbarkan ama isku dheehan, afeef iyo arar la’aan toos baan u abaarayaa yoolka, waxayna kala yihiin:

  1. “Genocide & Ethnic/clan Cleansing” (Xasuuq & Isir-sifeyn)

  2. Durbaan colaadeedka kooxda SAHAL.

  3. Gaboodfalladii gacanta dowladda lagu fuliyey.

War la og-yahay xiiso maleh. Arrimahaan horaa looga hadlay, afmaal tiro badan ayaa suugaan qiime leh ka tiriyey. Qalin-maal ama qoreyaal tiro badan ayaa qoraallo dhaxalgal ah ka qoray, waxaa ka mid ah (Raaqiya Omaar, Maryan Cariif, Danjire Max’d Cismaan Cumar, Jaamac M. Qaalib, Xuseen Cali Ducaale, Xuseen Tansaniya, Nuuradiin Faarax, Ciise Salwe, M.M.Afrax, Axmed Jilicow, Cabdulqaadir Oromo iyo kuwo kale. Ajnebiga wax ka qoray waxaa laga xusi karaa: John Drysdale, Paol Tripodi, Maren Michael, Mark Bowden, Virginia Luling, Danjire Peter Bridges iyo kuwo kale).

Aadamigu inta badan wuxuu isla ogol yahay jiritaanka Allaha abuuray koonka, waxayse isku diidan yihiin habka loo caabudayo. Qaar baa aaminsan inay raaceen Nabiyaal Alle u waxyooday, kooxo kalena waxay aaminsan yihiin oo wax ku caabudaan nidaam ay dejiyeen: Gautama Buddha & Guru Nanak. Qof walba qumanihiisaa qoorta u suran.

Burbur baaxad weyn inuu ku dhacay Somaaliya waa laysku waafaqsan yahay, waxaase laysku maandhaafsan yahay wixii colaadaha sokeeye ka curteen. Gabyaa Cabdi-dhuux wuxuu yiri “Somaaliya wey buktaa, bisteed weeyoo la hubi”.

Somaaliya waxay la mid tahay Qof qandho kulul hayso oo loo geeyey dhaqtar ay u muuqato calamadihii xanuunka “symptoms” balse aan fahmin ama aan hayn warqadii qeexiddii sheybaarka “diagnose”. Qof kasta sida la quman ayuu u qeexay cudurka ku dhacay Somaaliya, balse aan soo gudbiyo aqoon iyo aragti sidey iila muuqato.

(1) Genocide & Ethnic/clan Cleansing:

Beryahaan waxaa aad loo hadal-hayaa gumaad & isir sifeyn “Genocide & Ethnic Cleansing” la sheegay inay Somaaliya ka dhacday. Sheekadaan oo u eg been- abuur la buunbuuniyey waxaa faafiyey Qoreyaal shisheeye oo malaheyga qol mugdiya warka lagu xafidsiiyey, dan kastaba halaga yeeshee.

Dagaalladii Somaalida dhexmari jirey xeer bey lahaayeen oo waa laysu turi jiray, colaadaha adduunka ka jira marka la barbardhigo tan Somaalidu waa ka nastahnayd oo geyiga Somaalida lagama aqoon wax la yiraahdo “genocide & massgrave” oo kama dhici jirin dhibaatadii ka dhacday Ruwandha iyo Boosniya wax la mid ah. “Genocide iyo Massgrave” af-Somaaliga kuma jiraan, waxayse u dhow yihiin gumaad arxandaran ama xasuuq bahalnimo iyo xabaal wadareed.


 


Dagaalkii Beelaha Soomaalida ka dhex aloosmi jirey, dhowr Sano markuu socdo ugu badnaan waxaa ku dhiman jiray 100 rag ah, dumar iyo caruurna lama dili jirin. Hase yeeshee Dagaalkii 77 kadib ciidamada dowlada oo ku hubeysan hubkii Qaranka iyo jabhado midabyo badan ayaa geystay xasuuq foolxun.

Taariikhda Somaalida markii ugu horreysay xabaal wadareed lagu aasay dad tiro badan oo isku goob lagu diley waxaa lagu arkay Hargeysa. Sida la sheegay Xasuuqaas waxaa geystay Ciidankii Qaranka iyo Jabhado hadafkoodu ahaa kala aarsi Qabiil, waxaana laga abaabuley madaxtooyada.

Xabaal wadareedkii xigay wuxuu ahaa 14/07/1989, rag aan hubeysneyn oo tiradooda lagu sheegay 55 Nin oo ahaa Isaaq ayaa lagu diley laguna aasay Xeebta Jasiira. Aragti ahaan waxaan qirsanahay “Xasuuq bahalnimo iyo xabaal wadareed” inuu ka dhacay deegaanka beesha Isaaq kaliya, hase yeeshee inta kale hubin taxadar leh iyo qeexid bey u baahan yihiin.

Teeda kale waxa loo yaqaan “Ethnic/Clan Cleansing” oo hidde dhaqankii soo jireenka ah aan ku jirin, waxaa loo turjumi karaa isir sifeyn. Marka laga reebo Banaadiriga iyo Jareerka, Somaalida kale waa dad muuqaal ahaan isu-eg oo hal luuqad ku hadla, in laga helo calaamad beel-beel loogu kala sooco waa madhacdo, marka labaadna waa xidid iyo xasabo, xabiib iyo seedi ay u dheer tahay magangelin iyo maamuuska deriska.

Dagaalladii Somaalida dhexmari jirey waxay sababi jireen kala qax iyo barakac ee marnaba ma dhalin jirin isir sifeyn la mid ah tii Carabta iyo Yuhuudda ka dhex dhacday 1948kii.

Qax iyo barakac ballaaran oo la mid ah wax loo yaqaan “exodus” taariikhda Somaalida saddex goor ayuu dhacay:

(1) 1978-79 Waxaa qaxay dhowr Boqol oo Majeerteen ah.

Markale 1988-89 waxaa qaxay dhowr Kun oo Isaaq ah.

Labadaas qax waxaa fuliyey taageereyaashii Siyaad Barre oo gacan ka helay ciidankii Qaranka, hadafkii shacabka loo qaxiyey wuxuu ku saleysnaa difaac saldano, maxaa yeelay labadaas beelood waxay ka horyimaadeen kadeedkii Kacaankii Oktobar. (2) Qaxii labaad oo dhacay 1991-92 waxaa lagu barakiciyey dhowr kun oo isugu jirey (Daarood, Digil-Mirifle, Banaadiri iyo Jareer). Gaboodfalkaas waxaa geystay taageereyaasha USC iyo SNM oo wisiisaqay.

Dhibaatadaas waxaa dhaliyey burburkii dowladii dhexe kadib, hub xad-dhaaf ayaa gacanta u galay dad 21 Sano ku jirey kadeed iyo caburin oo ciil iyo caro karaar dhaaftay caloosha ku hayey.

Waxaa taas sii dheeraa dowlad la’aantii waxaa ka faa’iideystay tuugo iyo wax-ma-garato shacabkii difaac la’aanta ahaa u geysatay dil, dhac iyo kufsi, xaaladiina waxay ku biyoshubatay “Saqajaan qori leh mooyee, nin kale silic ku noolaa”.

(3) Qaxii Sadexaad oo koofurta Somaaliya ka dhacay 2007/8 oo xiriir la lahaa qaxii 1991/92 waxaa si ulakac ah oo kala aarsi qabiil cuskan u hirgeliyey Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, madaxweynihii TFG oo adeegsaday Ciidanka Xabashida iyo Maleeshiyada Dhafoorqiiq.

Walow kala aarsigu Haybad iyo Sharaf ku yahay hidde-dhaqanka Somaalida, Taarikhiyan ma dhicin masiibadii dhacday 1978 ilaa 2008 wax la mid ah. Somaalidu waa isku isir, isku af, isku diin, isku deegaan, xigto iyo xidid, deris iyo oodwadaag, gerger iyo garab-wadaag, gacal iyo gunno wadaag.

Taariikhiyan waxay ahaan jirtay qowmiyad nasiib wanaagsan oo barwaaqo iyo baraare ku nool oo dugsata diinteeda iyo dhaqankeeda sharafta leh. Taariikhiyan waxay ahaan jirtay Muslimiin anshax iyo asluub wanaag lagu yaqaan, kuna caanbaxay martisoorka iyo magan bariinta, dhilleysiga iyo dhaqan xumadana waa ka dheeraayeen. Waxaa kaloo soo mari jiray marxalado ay ku nooleyd colaad, abaar iyo gaajo.

Taariikhiyan dagaallada ka curta kala-riixashada khayraadka dabeeciga oo dalka ku yar waxay ahaayeen joogto. In lays dilo oo lagu diriro khayraadka dalka, Somaalida gaar kuma aha ee waa habdhaqan bini-aadamku ka siman yahay oo qaaradaha adduunka ku baahsan.

Somaalida oo waayadii ay miyiga ku noolayd xilliyada dhibaatada is kaalmeyn jirtay, kuna dhaqmi jirtay nidaamka ‘tol waa tolane’ iyo ‘tol xeer leh xantiir ma leh’, wixii mushkilad ka dhex aloosmana ugaasyada iyo culimada diinta ayaa ku xallin jirey shareecada iyo xeer dhaqan soo jireen ah. Ayaandarro 1960kii goortii la qaatay xorriyad aan loo bisleyn iyo dowladnimo aan aqoon loo la lahayn, waxay goroda la gashay jahowareer iyo nafaq madow “dark tunnel” welina waxay ku jirtaa TIIH iyo iska-daba-wareeg.

Mushkilada maanta Somaalidu la ildaran tahay waxaa falkiyey siyaasi isku-sheeg saldano-doon ah, balse baaxaadegga siyaasadda iyo cilmiga bulshada lagu maamulo aan beydna ka aqoon. Qaranjabka Somaaliya ku dhacay ee qeyrkeed ka reebay waa seddax:

(1) Siyaasad qabqable leh,

(2) Faragelin qorshe leh iyo

(3) Qaad Sun leh.

Qabqable Siyaasi ‘alamtara’ way soo dhaafeen, waxayna u qeybsameen koox hubeysan oo dalkii ku sii hartay iyo koox dibed-joog ah oo isku magacaawday “diasparo” balse guuxa dadweynuhu ku suntay “dayuus-baro”. Laga soo bilaabo 2006 qabqableyaashii gudaha joogay Rabbi garabkooda waa ka baxay, waxayna u muuqdaan gorayo gucdur gudeysa oo gabbal u dumay.

Waxaa si fudud u suuldaaray kooxo afduuban oo Aayadaha Qur’aanka si qaldan u adeegsata; waa wadaado saaxada siyaasada Somaaliya ku cusub. Taariikhiyan Somaalidu waxay tiqiin hab loo daweeyo cudur kastoo noolaha asiiba, marka laga reebo idaha iyo wadaadada. Sida badan subaga laga shiilo baruurta idaha ayaa lagu daweeyaa cudurrada, ha-yeeshee haddii iduhu bukoodaan daawo maleh.

Sidoo kale dadka caamada ah ee colaadu ka dhaxayso, fidnadaas taagan culimada ayaa ku daweysa wacdi diini ah iyo waano islaamnimo cuskan, balse haddii ay wadaadadu diriraaaan midba kan kaluu Gaal ku tilmaam. Sidaas awgeed murti baa leh cudurka wadaad ku dhacay daawo maleh oo wuxuu la mid yahay wan bukooday. Waxaa kaloo la yiri “caamo dirirtay culimaa kala saarta, culimo dirirtayna, Caadilkaa kala saara” illaa Alle maalinta qiyaame kala xukumo ma heshiiyaan.

Dadweynaha dalka gudihiisa jooga wax colaad ahi ma dhex taal oo dalku gees- ka-gees waa isu furan yahay. Dagaallada Somaaliya la degay waxaa daadihiye oo dabka-shida dhagar-qabayaal diinta ku qaraabta iyo dibed-joog derajo doon ah, labadaas kooxood ayaa fidnada hormood ka ah. Gabyaa Yamyam wuxuu yiri “adoo Harar taagan Hargeysa xoreynta, waxaa ka haboon adoo halka jooga oo Kacaanka u heesa”.

Qurba-joogta intey ku mashquuli lahaayeen dowlad goboleed iyo durbaan colaadeed, waxaa la gudboon inay muruq iyo maalba qeyb libaax ka qaataan dib-u-heshiisinta iyo dib-u-dhiska dalka.

Lasoco Qeybta Labaad ee Qoraalka iyo Xogta Kooxda Sahal!

Cali Sh. Maxamed - Sheekha333@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.