SAKIINTA SHARIIF XASAN OO BAANGAD CADCADEYSA SOOMAALIYA NOQOTAY!!!

Dr. Ismail Malaas Dadka Soomaaliyeed waa dad wada siyaasiyiin ah, wax mashquuliya ma leh waxay ku nool yihiin qaran dumay, tan muufad dubta, midda shaaha karisa, kan macdaarka dhex fadhiya, ganacsatada yar yar, kuwa waaweyn, fadhi ku dirireyda dhamaan dadku siyaasad ayeey ku sheekeynayaan, ka hadlayaan..
Faallo Keydmedia Online
SAKIINTA SHARIIF XASAN OO BAANGAD CADCADEYSA SOOMAALIYA NOQOTAY!!!

..ka doodayaan, waa xog-ogaal raadiyaasha ayeey dhageestaan ma leh urur xirfadlayaal, ma leh ururo bulshadeed, kuwa shaqaale iskaashadaa oo dowaladi ma jirto “A nation of Politian’s” sidaa waxaa qoray waagii ay qabqablayaasha jireen Suxufi u dhashay dalka Engiriiska oo si qota dheer ugu kuur galay xaalada dalka Soomaaliya  waxaana saxa isoo xusuusiyay Muuse Mustafa oo nin kenyaan ah xaafada islii ee Magaalada Nairobi –na dagan.

Maanta  oo wax lagu magacaabo dowlad KMG ah, ciidamo dowladeed, baarlamaan,  maafiyo ay sameeteen ashkhaas aasiyaan ah oo ka soo cararay Afgaanistaan, Bakistaan, Shiishaan, IWM kuwaanoo sameestay ururka Al-shabaab, ahna dal raadin iyo meelay ku nagaadaan iyo soo saarida shacab cusub oo fir ka farcanta oo afrika geeskeeda Bari degtaaa, maanta haduu saxafigaasu iman lahaa soomaaliya ? dad qaxaya, kuwa soo qaxaya, kuwan qaxaya meesha ay ka qaxayaan lama yaqaanaan, dad gaajo dilootay, kuwa wada curyaamiin ah, isbitaalo dhulka la wada daadsanyahay ganacsato soo qaxeysa ama sii qaxeysa, jahwareerkooda iyo gaajada dilootay ka faa’ida oo side uga faa’ideysanayaan ileen waa dad wada gaajeysane?.

Qeyla dhaan waa wareey war dadku waa la’deen ciiddaa firaash u ah, samadaa kubeerto ama busto u ah, cowskey sidii xoolihii daaqaan waa wareey war ka soo gaara, war ka soo gaara, qeyla dhaan naxariis ma aha ee waa markii hey’adaha samafalku ay raashiin keenaan, maacuun keenaan, baco keenaan, dawooyin keenaan iwm ayaa NGO-yo  boorso ku wata magac iyo xafiiskooda iyo ururo bulshadeed qaarkood isla markii ka buuxiyaan bakhaaro ganacsatana ka iibiyaan.

Gabyaa carab ah ayaa wuxuu yiri ‘Musiibooyinka qoon haleelay qoon kaley faa’ido u yihiin”.

Cuduro aan taariikhda Soomaaliyeed horey loogu arag ayaa somaaliya yimid Haweenkii Ilmo nasakhan ayeey dhalayaan, arintani iyadoo faahfaahsan ayaan qori doonaa, hase yeeshee iyadoo waxaan dhacayaan iyo waxyaabo kaloo fool xumooyin ah inta damiirka leh ay ka hadli jireen ayaa si kadis ah intii yareed ee damiirka wadaniyadda ay ku hartay, naxariista lahaa, doonayay in ay qarankii soomaaliya soo celiyaan, durbaba mar kale shariif Sakiin iyo R.wasaare  Wasaarihii  dadkaas ku dhaliyeen is weydiimo, wa ma maqashay, war maxaa la yiri, war halkee loo socdaa, war waa maxay dhagarta war waa maxay dhimashu danbaska hoostiisa ku jirtay ee sii dameysay oo la afuufayo, shariif sakiinaa afuufaya isagoo buunka u dhiibay ina C/rashiid  waa qabiilkii dhimbisha ahaa oo dhuxul dab ah noqotay, waa maxay dastuur la ansixinayo December-ta soo socota sida ay yiraahdeen labada nin ee ummiga ah Madoobe Nuunow wasiirka dastuurka ee DKM waan la jecleyn in dowladdu tahay mid fidsan, masaaxaad fidsan ee dalka heysata hirgalisana dastuur dadku ogolaado iyadoo marka hore hubka laga aruurinayo guri kasta, waxa dadku is weydiinayaan waxan uu wargeyska xog-ogaal qoray talaadadii bishan September aheyd 7-da 2010 warku waxa dadku horey u ogaaday iyadoon idaacad iyo Wargeys toona qorin :

“ Qoraalo ay gooni gooni ugu direen Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan beesha caalamka ayeey ku dalbadeen in dastuurka la ansixiyo, iyadoo aan loo qaadin afti dadweyne, warqad uu u diray R.wasaare Cumar C/rashiid Qaramada midooway ayuu kaga codsaday in laga caawiyo sidii dastuurka loo ansixin lahaa ka hor bisha February  ee sanadka 2011 iyadoo aan loo marin afti dad weyne, waxaana arintaasi ku raacay afhayeenka baarlamaanka oo sidaas oo kale warqad u qoray Hey’adda UNDP codsadayna in gacan laga siiyo ansixita baarlamaanka ee dastuurka cusub iyadoo aan afti laga qaadin”

Dowladda KMG ah meel bay ka heysataa inta badana dalka waxaa heysta kooxaha ka soo horjeeda , shariif xasan sheikh Aadan iyo Cumar C/rashiid waxay duuduubeen axdigii KMG maxaa yeelay waa in marka hore dastuurka qabyada ah loo geeyaa gudiga dastuurka u qaabilsan baarlamaanka waxay aheyd in guddiga gaarka ah ee (High level committee ) gobaladda qaarkood ay xukuumadda u dirtay  una geysay dastuurka qabyada ah, kadibna uu Baarlamaanku ansixiyo  kadibna uu sidaa ku hirgalo ma dhicin taasu, beeshii caalamka iyo UNDP-da ay labadan mas’uul weydiisteen afti bedelkeedii noqdaan ansixiyaana dastuurka, war waa maxay mas’uuliyiinta kheyrul masuulka ah in ay oranayaan shaki kuma jiro.

Waxay aheyd in dastuurka qabyada ah oo dadaal badani ku baxay iyo lacag aan qorneyni lala sugo kadib marka Dalka laga xoreeya kooxaha maafiyada ah ee inta badan dalka heysta, boobaya maalka dadka, beeraley, ganacsato, xoola raacato leynaya aqoonyahanadii, culimaa’udiinkii iyo saraakiishii ciidamada .

Dadka Soomaaliyeed kunana waa ra’yigeygee gaarkaa ahaa ee ma aheyn waqti ay federal IWM galaan dadku uma bisla federaal dadku waxay u heystaan in gobollo federaal ah macnaheedu uu yahay in qabiilo yeeshaan gobalada, waxaana durbadiiba dhacday in dagaalo ay ka dhex dhacaan sida Bari iyo Waqooyi Galbeed oo aan dooneynba in ay Soomaaliweyn la dowlad noqoto sidaana kadeed iyo xasuuq Max’ed Siyaad Barre ku sameeyay ayaa sababtay.

Waxaan shaki ku jirin in ra’yiga labada mas’uul ee shariif iyo ina cabdi rashiid ay talaabooyinka ay qaadeen ay hurinayaan dagaallo qabiil ee ka dhex dhaca dadka soomaaliyeed oo qabiil kasta uu isku dayo inuu dhul u gaar ah  yeesho hadduu yahay qabiil xoogweynna uu erayo waligood deganaa gobalka, cidina ayna ka xigin mana muuqata dowlad haddii dagaalkaasu uu huro, dagaaladaasoo ay wehliyaan dagaaladda diinta qalloocan huwan joojiso, xaqiiqduna ay tahay in ay qabiillo mararka qaarkood isku sigtaan in ay u dagaalamaan dhul dadka la heyb soocana waa nus sida axdigii Imbegati qoray haddii federaal la ansixiyo hantan ma jiri doonaan.

Waa socotaa - Filo qeyb kale

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.