In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Yurub maanta waa midowga yurub 40 sanadood kadib ayeeyna sidaas ugu hirgashay, waxayna sidaasi ku hirgashay kadib markii wax qanciye ay arkeen, dan u ah, horumar iyo barwaaqana u horseeday, anigoo gaar ahaan ama shakhsi ahaan u hadlaya, ka soo qaxay Soomaaliya, Kenya jooga waxaan arkay in rajada qura ee Soomaaliya qabtaa ay tahay iyadoo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Shanta qaaradood joogaa ay midoobaan, qarankooda badbaadintiisa ay u midoobaan iyagoona qabiil iyo isir midna eegin, waayo soomaalida waa hal isir waxa mideyn karaa waa iyagoo waxbarasha hela, cadaalad hela , nabadgalya hela hogaan wanaagsan hela inta dastuurka qabyada ah laga saxayana ay dastuurkii 1960-kii ay sii heystaan .
Dastuurkaas wixii casrigu keenay gooni loo tixgalinayo laguna boorinayo waxa aqoonyahanada dalka iyo kuwa dibadda oo nadiif ah, damiir wadaninnimana leh ay helaan dastuurka qabyada ah nuqullo ka mid ah, waa wax la yaab leh in aan la siin aqoonyahanada Soomaaliyeed dastuurka qabyada ayna heystaan dad ajnabi ah dastuurkaas, kuwaasoo aan waxba Soomaaliya dhaqankeeda iyo taariikhdeeda ka ogeyn, Shariif sakiin iyo ina C/rashiidna ay weydiistaan in ay u ansixiyaan dastuurka.
Aqoonyahanka qurba jooga ah iyo kii dalka joogeyba waxaan jirin markii ra’yiga labada nine ansixinta weydiisatay beesha caalamka iyo UNDP-da , haddii beesha caalamka ay talo shariif xasan keenay ay si mid ah u raacdo soo beesha caalamka ma wasakheyneyso dimuquraadiyadii soo ma wasakeyneyso shuruudii labada mab’da oo si weyn meela badani iska waafaqi karo soo dimuqaraadiyada ma aheyn ku xukunka shacabka cadaalad, shuruuduse soo ma aha wadi tashi iyo in la raaco waxa inta badani isku raacaan .
Waxaa taariikhda islaamku xuseysaa in markii ay Sayidunaa Cismaan Bin cafaan iyo sayid Cali uu midba uu jeclaaday inuu isaga khaliifada islaamka noqdo, isagana hari waayeen in saxaabadii ay arinta u bandhigeen muslimiinta waxaa xittaa haweenkii loogu tagay guryaha oo la weydiiyay qofkay labada saxaabi ee waaweyn ay u dooran lahaayeen inuu khaliifada islaamka noqdo, waxaana dadkii ay u bateen Cismaan Bin cafaan uu khaliifka islaamka noqday sidaa ayuuna cali raali ku noqday.
Maxaa ka danbeeyay booqashadii Nayroobi?
Markii uu R.wasaare Dr Cumar C/rashiid tagay Neyroobi ayaa khadiija Max’ed Diiriye oo wasiir ka ah Xukuumada ina C/rashiid ka sheegtay Radio Muqisho in laga noqday is moogeysiintii aftida dadweynaha laga weydiin lahaa, oo aaney danbi ilaahay laga galay aheyn in la sugo inta DKM ah ay ka xoreyneyso dalka kadibna dadweynaha laga uruurinayo hubka oo lagu sii socon karo dastuurkii 1960-kii oo waxyaabo casriga 21-aad la yimid keliya lagu biirin karo .
Dadweynaha Soomaaliyeed aad bey u dhibaatoodeyn, nolal kadeed iyo saxariir leh ayeey ku nool yihiin, kooxaha dowlada ka soo horjeedana qaskooda ma yara, mana jirta cid ka fakareysa shacabka Soomaaliyeed.
Islaamka Cadaaladda iyo Amniga
Wiil uu dhalay Camri Binu caas oo waaligii Masar ahaa ayaa dhibaatooyin badan u geestay aqbaadii Masar “kobta” waa madhab ka mid ah madaahiibta masiixiyadda waana madhabta ay kirishtanka Itoobiya Heystaan, caasimadda masar markaas waxay aheyd Askandariya
Sayidunaa Cumar Binu khadaab oo xiligaas ahaa khaliifka Islaamka ayaa ogaaday dhibka uu waaliga khaliifada islaamka ku hayo aqbaadii masar “kirishtanka” Sayidunaa cumar wuxuu u safray masar wuxuuna isla maalinkii uu tagay askandariya farayna waaliga masar Caamir Binu Caas inuu u kulmiyo dadweynaha, sidii ayuu yeelay waaligii, wuxuuna isugu yeeray dadweynihii, sayidunaa cumar ilaahay raali haka noqdee wuxuu faray waaligii inuu wiilkiisa dadweynaha hortiisa keeno wuxuuna sayidunaa cumar yiri “yaa dacwo u heysta wiilka waaliga?” waxaa soo baxay dad badan oo mid walbaa sheegtay dhibkii uu wiilka waaligu ku sameeyay iyo dhulkii beeraha ee uu kala wareegay, danbiyadaanoo dhanna way ku cadaadeen.
Sayidunaa cumar isla goobtii ayuu ku tacsiiray wiilkii waaliga maalintaana aqbaad badan oo reer masar ah ayaa soo islaamtay, wuxuuna sayidunaa Cumar yiri “war goormaad dadka adoonsateen, iyagoo caloosha hooyadood ka soo baxay, iyagoo xor ah.
Dhacdo kale
Dalka fursiga “Persia” oo haatan Iiraan loo yaqaan ayaa markii uu boqorkoodii iyo amiirkoodii oo waagaa aan Islaam aheyn uu ku batay maqalka cadaaladda uu ku dhaqo cumar Binu-khadaab umadda Islaamka uu boqorka fursi go’aansaday in isaga oo ay wehliyaan amiirrada gobaladu ay u safraan cumar Binkhadaab.
Markii ay gaareen Madiina ayeey yiraahdeen mee khaliifkii cumar? Waxaana lagu yiri waa ninka labada go’ qabee geedkaas hoos jiifa, way baxeen waana loo geeyay oo loo toosiyay, waa leysa salaamay, boqorkii Fursi “reer iiraan” ayaa yiri “Cumarow xukun ayaad qabatay, cadaalad ayaanad ku xukuntay, markaasaad amaan heshay, markaasaa seexatay dibadda oo aanad qalcad “Castello” isku xirin, istaaf ku ilaaliyana aanad yeelan”.
Hadiyada badan oo ay u wadeen ayeey siiyeen isla markii ayuu sayidunaa cumar amray in si degdeg ah beytul maalka loo geeyo, boqorkii fursi iyo wefdigii la socday wey ogaayeen in wixii beytul maalka uu isla markiiba noqonayo hanti dadweyne isla markaana loo qeybinayo dadka u baahan.
Maanta maxaa ka dhacaya dalkeena? Cadaalad ma jirtaa? Amni ma jiraa? Sharafta dowladu waa side? Xildhibaan xilku ma dhibabaa, ka murgayaa? Ma xishoodaa, waxaasoo dhan maya, seeftii shariif sakiin waxay noqotay baangad Soomaaliya cadcadeysa.
Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent
Add comment
Comments