Yaa ka Dambeeya Dilka Qorsheysan ee Suxufiyiinta!? 188 Wariye - 6 Sano Gudahood

Keydmedia.net - Burbukii Ragiimkii Siyaad Barre kadib oo ey ka soo wareegtay 21 Sano waxaa Dalka kadhacay Colaado Sokeeye waxaana burburay adeegi guud ee Bulshada sida: Caafimaadka, Waxbarashada, iwm. Gabi'ahaan Bulshada Soomaaliyeed Waxaa saameeyay Barakac Baahsan iyo Burbur Hantiyadeed, waxaa soo foolsaartay Shaqa la’aan baahsan.
Faallo Keydmedia Online
Yaa ka Dambeeya Dilka Qorsheysan ee Suxufiyiinta!? 188 Wariye - 6 Sano Gudahood

Burbukaas Baahsan waxaa ka dhex dhashay Shirkado badan oo Gaarka loo leeyahay sida: Shirkadaha Isgaarsiinta, Shirkado Diyaaradaha, Xawaalado, Dugsiyo, Jaamacaddo iyo Saxaafad "xor ah" kuwasoo run ahaan intooda badan ey Kobciyeen Horumarka Dalka Soomaaliyeed.

Hadaan xogaa yar ku Hakano Mowduuca Saxaafadda: Waxaa la dhihikaraa, waxaa si siman isku-barbar socday Labo "Line" oo uu midyahay ilbaxnimada & Horumarka Saxaafadda Xorta ah ey u keentay Bulshada Somaaliyeed oo dhinac ah, Dhinaca kalenah uu yahay Dhibaatada loo geysto Wariyaasha ku howlan Saxaafada.

"Howsha Saxaafadda waa Howl Jihaad-ka u dhiganta, waayo Waagii baryaba waxaan la kowsanaa Khatar, sida Handadaada, Hanjabaada iyo Humbaaleynta. Waxaad ogtahay gortaad Gurigaaga ka baxeysid ee ma ogid adoo Nabad ah gortaat Gurigaaga kusoo noqoneysid..." - Sidaas waxaa jiri Wariye Cali Cabdulle oo lagu Dhaawacay Bartamihii 2011 magaalada Boosaaso, hadana kamid ah Wariyaasha faraha badan ee ku nool Magaalada Jabuuti.

Wariyaasha vs. Siyaasiyiin ku Sheega!

Tusaale: Waxaad Maantay sii deysay War, Warkaas oo ahaa War Xaqiiqada ku saleysan, waxaa ku soo wacay Siyaasi-ku-sheeg wuuna ku handaday "Hadii aad markale sii deysid Warkaas, wixii kugu dhaca..." ama sidaaso kaleyto waxaad sii deysay War, waxaana ku soo wacay Kooxda Shabaab ama Dowlada KMG, ama Warlord-ka ama ama...  Marka Aaway Xoriyada Saxaafadda!???

Saxaafadda waxey u Fahmeen wixii ayaga kaliya ka Qosliya, hadaba Aqristoow isweydii oo Aqbaarta isku si uga Qoslinkarta Godanne ama Rooboow, Mahiga ama Shariif Sakiin, Shariif Lamood ama Cabdiweli, Gaandi ama Morgan, Faroole ama Siilaanyo... Ma jirtaa Hal Aqbaar ah oo intaas kawada Qoslisiin karta?

Siyaasi isku-sheegga Soomaaliyeed wuxuu ku doodada waxaan rabno aan bi’inno saxaafadduna yayna wax iga sheegin. Wuxuu rabaa inuu wax ku xado Magaca Ummadda iyo Hantida Qaranka, haddana aan farta lagu fiiqin.

Saxaafaddu Waa Awooda 3-xaad! - 3RD POWER!

Saxaafadu awaa awooda 3-xaad ee Dalka, Siyaasiinta Soomaaliyeednah waa iney tixgaliyaan Xuquuqda Saxafiyiinta!

Sida aan Horay usoo sheegnay Dhinacyada isaga soo horjeeda Siyaasad ku sheega Soomaaliya ayey Shaqaalaha Warbaahintu kala kulmaan Dhibaatooyin baaxad weyn Sida: Dilal bareer ah, dhaawacyo, xarig iyo Jirdil naafa reeb ah.

Waxey Saxafiyiinta sidookale Dhibaato qarsoon kala kulmaan Milkiilayaasha Warbaahineed oo inta badan (97%) aan Aqoon u laheyn Saxaafada balse Xaruumaha u furtay qaab Ganacsi sida loo furanjiray Xalwo Hilaalka ama Biibitooyinka, kuna tunta Xuquuqda Shaqaalaha, iyagoo inta badan ku amra baahinta hadafkooda Siyaasad Beeleed.

Wariyaasha Qaarkod waxaa la siiyaa Mushaar aan kufilneen halka Qaar ey helin Mushaar, kuna Shaqeeyaan iskaa wax u Qabso.

Dilalka Qorsheysan!

Hadaba isbadalada xagga Saxaafada ah ee Dalka ka dhacay ay aad u badanyihiin ayaa hadana Su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.