Saxalladu suuli maayaan!

Bashir M. Hersi - Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa kala guran, isu guran, wada guran, aan marna la kala guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma badalayaan! Mar quus yaa keeni, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku haynta dhacdada, mar qiyaas iyo malayn.
Faallo Keydmedia Online
Saxalladu suuli maayaan!

Tan hore jeesatay, oo is qiblaysay, isna duuduubtay; nolosha qaarkeed geeri yaa dhaanta! Tan xigta qof walba iyo Gareedkiis, tan dambe rajo, oo noloshaaba ku dhisan.

 

Xasilinta wadanka nin walba isku day, dawlad walbana xal laga doon, maanta waa maalintii Turkiga, rajo fiican yaa la qabaa, han weyn yaa dadka ku jira, gargaar ayey hab soo siisay, guryo dhisid iyo caafimaad ayey ku guulaysatay, waxbarasho iyo diyaarad caalami ahna ha illaabin, siyaasaddana kaalin muuqata ayey ka joogtaa.

SAXALLADA isku koobay ka talinta aayaha Soomaaliya, ee Mahiga iyo Meles dabada gashtay, waa kuwa saxiixay, waxan ay dhahaan: “DHABBAHA DHIGAN” ROADMAPka, waa lix qawlaysato, qaran iyo qawmiyad aan dan ka lahayn, eegta kaliya dantooda gaarka ah, waxaa ku lammaansan, oo aan muran iyo doodi ka imaan waa midda Xabashida, iyadu waa Muddas.

Shisheeyahan hubaysan ee wadanka ku sii faafaya, ma la dhihi karaa waxay ka hortagayaan mashaariicda Turkigu ka billaabay wadanka? Maxaa ku soo beegay soo galitaanka Kenya ka dibna Xabashi, xilli dawladda Turkiga wadanka ka hirgalinayso mashaariic horumarineed? Ujeedku wuu noqon karaa in Turkida la leeyahay meeshaan boos idiin kagama bannaana, ee ha isku soo hallaynina, darisnimo iyo danba Anaga ayey nala wadaagaan, yaase taa kuu garanaya!

Madax ku sheeggan, nin walbaa wuxuu eeganayaa sadax arimood oo kala ah: “SUNUUD” jeebka oo loo buuxsho, “SADBURSI” Beeshiisa oo dheeri la siiyo iyo “SALDHIGASHO” in Kursiga loo daayo, hadduu sadaxdaa wada helo guushii sabanka dheh, hadduu waayo laba ama mid ayuu cayminteeda ku dadaalaa, waddan iyo umad warkood adaaba sheegaya, waxba kama galin warna uma hayo.

Addis ayaa lagu shiray, shirkaa waxaa ku ciyey Faroole, in Xabashidu ka dhex hadlaysana u badi, laba arrimood middood, midda hore, maalin ka hor wuxuu si kal iyo laab leh u soo dhaweeyey bayaan ku sheegga bajinta ahaa, ee QASWADE, haddaa miyuusan isagu isu arag? Maya, oo Xabashi yaa liiskaa haysa, midda kale, maalintuu codsiga diray, maalintii xigtay Xabashida ayaa madasha dhigtay, waxaa kale oo jira in Faroole ka dhaga adaygay in Muqdisha lagu shiro! Isna Garoowe ayaa laba mar loogu tagay, aqriste, adi is qabad sii!

Waxaa la soo madmadoobeeyey qodobbo aan badnayn, aan mid qura oo qumman  ku jirin, maalin sidaa ayaa la yeelayaa, maalin hebel waxaa ayaa la qabanayaa, waaba iga su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.