Shabaab: Dowlada Isku dhiib kadibnah fashili?

Ayuub A. Aden (Keydmedia Online) - Dowladii Labo Shariif iyo Cabdiweli wey baxeen waxaana booskoodi buuxiyay Dowlad uu Madax u yahay Xasan Sheikh Maxamuud. Waxaad ogtihiin marwalba uu isbadal weyn Wadanka ka dhaco, isbadalkaas wuxuu saameeyn ku yeeshaa dhamaan inta ku loollanta Siyaasada Soomaaliya.
Faallo Keydmedia Online
Shabaab: Dowlada Isku dhiib kadibnah fashili?

Dowlad walba oo dhalatanah waxaa la dhashah xeelado isku dayaya iney Majaxaabiyaan. Tusaale: Dowladii Sharif Sheikh Axmed markii lasoo doortay Soomaali waxey maanka ku heysay iney Amxaaradu baxeyso, in ey Dalka Nabadi kusoo noqoneyso, in loo diirsanayo maxaakiimtii Islaamiga ahaa, in Hormar iyo dib u dhis dalka lgu sameeynayo, dadkii Amxaarada iyo Amxaaro kalkaalku ey qixiyeen geedaha hoostooda daadsan in Dagaankoodi dib loogu soo celinaayo heli doonaanah daryeel.

Si taasi eysan u dhicin waxaa Dalka dib loogu soo celiyay oo kasoo dagay Airportka Lambar Konton Xassan Daahir Aweys iyo Koox uu Hogaaminayo, waxeyna Mucaaradeen Dowladii Shariifka ee Bil kahor jabuuti lagu soo dhisay.

Xasan Daahir wuxuu ka Qudbeeyay Istaadiyo Muqdisho, wuxuuna yiri "Waa Xaaraan waxa Jabuuti lagu soo dhisay, mana hirgaleyso waana GAALO waxaana Muslimiinta Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in lagu jihaado“. Kalmadaas kadib Ummadii Nabadda Jecleed wey Argagaxday.

Xasan Daahir waxaa la hadlay Dad ey isku heyb yihiin oo kala taliyay inuu Falkaas ka tanasulo oo uusan Soomaaliya u horseeedin Burbur iyo Baaba’a. Arintaas Xasan Daahir markii Beeshiisa iyo intii Nabada Jecleed ey ku cadaadiyeen ayaa Kooxdii uu hogaaminayay oo uu Asmara kala yimid oo uu kamid ahaa Cabdullahi Cali Xaashi iyo kuwa kale oo Xamar ku sugayay sida Ina Shangoole waxey yiraahdeen: "Aabe Sayid ma Maantay baa naga dooratay Qabiil oo Qadyadii diiniga aheyd ku badashay Mid Qabiil"

Xasan Daahir Arintaas waa u riyaaqay waana Adeecay wuxuuna marlabaad shacabkii ugu baaqay in Dowlada lagu soo dhisay jabuuti lagu "Jihaado“ sidii Amxaarada loogu jihaaday.

"Jihaadkaas" waad Midka aad Aragteen oo Qaxiyay 1 Malyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Xerooyinka IFO iyo Dhabaab buux dhaafshay Xasan Daahir-nah hada ku jirabay inuu ku dhuumaaleysto Jubbada Hoose oo uusan jirin Nin Maantay Sheegi kara run ahaan meshuu Xalay ku bariyay.

Jihaadkii Xasan iyo Kooxdiisu wuxuu keenay Xasuuqi Hotel Shaamoow & Hotel Muna, Isbitaal Banaadir, Xasuuqii Ardadii Turkiga u socotay iyo iyo iyo...

Tusaalaha Labaad - Dowlada Cusub

Dowladaan Cusub oo ey Madaxda u yahiin Xasan Sheikh Maxamuud, jawaari iyo Shirdoon walina aan Howlgalin waxqabadkeedinah la arag ayaa Durbadiiba waxaa dhashay Xeelado Cusub oo Wiiqid-Marinhabaabin ah. Kooxdii Shabaab oo laga tuun adkaaday ayaa waxey isku qeybiyeen Sadex Kooxood oo hoos ahaan kawada xiriira oo isku xidid kawada caba.

Qeyb waa mid wali Dhuumaaleesi ku jirata, Qeybi waa Mida "Ku dhufo ka dhaqaaq / Dhafoorkanah ka toogo" iyo Qeybta Sadeexaad oo ah kuwa qaatay Shaarka wax wadaqeybsiga Siyaasadeed Sida Sh. C/lahi Cali Xaashi.

Sh. C/lahi Cali Xaashi oo ah Lataliyiha khaaska ee Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa laga dhigayaa inuu usoo xarooday dowladda cusub ee Soomaaliya. Sh. C/lahi Cali Xaashi oo lahaa maskaxdii lagula Dagaalamay Dowladii TFG-da ee Sharif Sheikh Axmed ayaa hada dowladda Soomaaliya ay dajisay guri ku yaala xaafada Hodan.


Keydmedia




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.