Shariif Shax-Shax! - Shariif Axmed

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Shariif Axmad dhinacna uma fiyooba, inta haybta la ahuna uma roona oo galgelintii Fadeexada ayay ku roggeen. Nin walba cad buu ka goostay khamiiska uu qabo, isguna raali buu ka noqda inuu ceeb Taariikheed xambaarsado.
Faallo Keydmedia Online
Shariif Shax-Shax! - Shariif Axmed

Madaxweynenimadu haybad gaar ah bay leedahay. Hab loogu dhaqmo ayay leedahay. Aqoon iyo asluub u gaar ah bay leedahay. Waxaad huwan tahay kalsoonidii iyo karaamadii ummadda; wax badan baana laga dhawrsadaa. U ekaw Madaxweyne wanaagga looga daydo...!

Ma tihid oday qoys u taliya ee waxaad tahay Madaxweynihii Qaran u taliya. Cidda dharka Sharafta kaa dhigaysa waa cadawgaaga 1aad, kulay ku tahay xigtadaada.

Ogow Shaarkii Madaxweyne ayaad huwan tahay, waaa haybad Ummaddaadu kuu yeeshay ee ma ahan siismo qoyskaagu ku siiyey. Baal taariikheed baad gashay inaad dalka madaxweyne ka noqotay, adiga ayayna kugu xiran tahay inaad ka dhigto mid xun oo warasadaada u daran iyo inaad ka tagto dhaxal lagaaga daydo, taariikhdana sidaas ku gala. 

Markaad Horumarka tolkaaga danihiisa isku koobto, haybaddii Madaxweynenimo geed xanan leh guudkiis ayaad ku tuurtay, waxaadna ka dooratay inaad noqoto Nabadoon beeleed...! Waa nasiibdarro..! Nabaoon maxaa lagu yaqaan? 

Waxaa lagu yaqaan inuu Qoyskiisa u codeeyo. Inuu Dhaqaalaha si gaar ah ugu gufeeyo. Inuu Dagaal-oogaha hoosta soo gashto. Inuu dilaaga adeegsato si uu u khaarajiyo midka la xafiiltama. Inuu qariyo tuugga xada hantida Qaranka.

Inuu u garbeeyo dambiilaha Qaran. Inuu qandaraasyada ku koobo reerka uu ka dhashay. Inuu horyaal u noqdo burburinta habmaamuuska dawladnimo. Inuu ku caan-baxo Musuq-maasuqnimada iyo laaluush-qaadashada. Inuu la jaanqaado kuwa dhaca quudka masaakiinta lagu daryeeli lahaa.

Inuu ganacsiga Turkiya ku koobo inta uu la bahda yahay, Soomaali weynta kalena uu dhabarka u duwo. Inuu ilaha Dhaqaalaha Gacanta u geliyo inta ay isku abtirsadaan. In lagu tilmamo wax kasta oo laga yaabo...! Haddana waa run intaa kor ku xusan iyo in kale oo badan oo aan Keydmedia dib ugu usoo faahfaahin doono...!

Su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.