“Shariif” Lamood & Hagarsiga Hawiye!

Dr. Ali. A. Hirabe - Sh. Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi.
Faallo Keydmedia Online
“Shariif” Lamood & Hagarsiga Hawiye!

Muqdisho oo aay degen yihiin Somalida inta ugu tirada badan, joogaan aqoon yahano, indheergarad, siyaasiyiin iyo waxgarad kama uusan doonin taageero siyaasadeed iyo mid umadnimo sabbabta oo ah Roadmapka la wadaa oo ah masiirkii umada Somali kam amid ah iyadana waxaa lagu tilmaami karaa hagarsi.

Dhaqaalaha aay dowlada ku shaqeeyso waxaa 100 % uu ka imaadaa dekeda iyo madaarka Muqdisho iyada oo la og yahay in dowladaani aay tahay mid awood qeeybsi 4,5 baarlamaankana uu yahay 550 xildhibaan oo ka kala yimid gobolada Somali oo dhan ayaa hadana wax dhaqaale ah uusan ka soo gelin dowlada dhexe gobolada aay ka yimaadeen ama matalaan xildhibaanada ka kala yimid gobolada Somalia halka mushaarkooda laga bixiyo daqliga dekeda iyo madaarka Muqdisho iyadana waxaa lagu tilmaami karaa hagarsi.

Waxaa mudneeyd in Boosaaso iyo Berbara canshuurta laga qaado dowlada dhexe mushaar ugu dhigto xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda goboladaa, maxaa diiday in R/wasaaraha iyo wasiirada ka soo jeeda goboladaa aay bixiyaan mushaarkooda kuwa dowlada dhexe ka haya xilalka ugu waaweeyn.

Barnaamijkii Dood-Wadaag ee R/wasaaraha ayaa waxaa uu ku raftay in canshuurta waa in aay bixiyaan ganacsatada reer Muqdisho aad ayaan ugu xumahay in loo hanjabo ganacsatada reer Muqdisho halka kuwa Garowe iyo Bosaaso iyo Hargeeysa aayan siinin dowlada dhexe wax canshuur ah,w/gaashaan-dhiga iyo r/wasaaraha miyeeynan ogeeyn in cida aay mataaln magac uun uu yahay balse aayan bixin wax dhaqaale ah. Intaba waa garasho la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.