SHARIIFEYN & C/WALI GAAS: KA TANASULAY Xuduudka Badda Soomaaliyeed! - Daawo

Dr. Ismail Malaas (Keydmedia) - Soomaalia waa iib waxaana la wareegi karta ciddii ku guulaysata fallika naadada. Maxaa ugu horrayn doona hantida la iibin doono? Yaa sii iibinaya joqoraafiga dalka iyo khayraadka ku duugan? Yaa dullaal ka ah? Yaa qoolka kusoo xiray oo saylaadda iib u keenay? Yaa fasaxaya iibka qaranka? Goormaa la filayaa in qaran-wareejintu dhaco?
Faallo Keydmedia Online
SHARIIFEYN & C/WALI GAAS: KA TANASULAY Xuduudka Badda Soomaaliyeed! - Daawo

In kasta laga inkirsan yahay xurmo waddaninimo ku dheehana tahay, haddana dawladdii kacaanku waxay sugi jirtey jiritaanka iyo karaamada dalka Soomaaliyeed oo cadaw kuma soo xadgudbi jirin.

10-kii Setembar, sannadkii 1972dii waxay dawladdaasu Jamciyadda Qaramada Midoobay ay ka ansixisay mugga xadka badaha nala deriska ah aanu ku leenahay oo gaara 200 oo mayl, waxaana loo bixiyey xeerka lambarkiisu yahay 37.

Xeerkaas waxaa oggolaaday Golaha Guud ee Jamciyadda Qaramada Midoobey, waxaana ansixisay 161 dawladood, mana jirin cid ka hortimaadda ama naqdisa.

Waxaan weliba xaq u leenahay inaan sii durugsanno xadka badda Soomaaliya leedahay oo la gaarsiiyo ilaa 350 mayl, taasoo dawladda Jamhuuriyadda Guyana ay u gudbisay J.Q. M. 6dii bishaan Setembar, 2011.

Goolkaas Madaxda Dawladdii militariga ahayd ay dhalisay waxaa lagu xaman jirey “Askar aqoonlaawyaal ah. Waa dawlad milatari ah” haddana dhaxalkii qaran-dhiska oo ay dhidibba u aaseen waxaa waxaa burburinaya madax sheegatay dimuqraadinimo iyo aqoonyahanimo.

Sidoo kale, Dawladdii TFG-da oo Cabdullaahi Yuusuf Axmad Madaxweynaha ka ahaa way horistaagtay hollintii ay wateen wasiirro dawladdiisa kamid ahaa oo damacsanaa in xeerka ku qayxan xuduudka aan baddaha ku leenahay in lasoo yareeyo.

Waa layska garan karaa waxa dullaaliinta dawladnimada sheegata waxa ku kallifay inay dalkooda iib-geliyaan.  

Wixii arrinta bad-iibsashada hadba dhinac loo dhigaba, waxay soo gaartay TFG-II oo Shariif Axmad Madaxweynaha ka yahay, Shariif Sheikh Aadanna uu ka yahay Madaxweynaha Baarlamaanka.

Ololihii iibka badaha Soomaaliyeed laguma guulaysan oo waxaa kacay Ummadda Soomaaliyeed. Markii Baarlamaanka arrintaas loo keenay inuu ansixiyana si leh aqlabiyad ballaaran buu u diiday mooshinka dullaaliintu wadatey oo la magacbaxday (Isfahan) ama afka qalaad lagu yiraahdo “Understanding”.

Dabadeed arrintii lagama harin oo waji cusub bay yeelatay oo huwan khiyaano cusub. Dullaaliintii waxay arrintii iibka xadka badaha kusoo koobtay 12 mayl oo keliya, waxayna huwiyeen shaar ay ku qoran tahay “Deegaan xaddidan oo leh waxsoosaar” afka qalaadna lagu yiraahdo (Exclusive Economic Zone) ama markii lasoo kobo loo yaqaan “EEZ.”

Jidgooyada go’aankii Baarlamaanka lagu hayey weli ma dhammaan. Nuqulkii diidmada Baarlamaanka looma gudbin J. Q. M. oo muddo dhan 8 bilood, waxayna khasnadda ugu jirtey Cumar C. A. Sharmaarke oo ahaa wasiirka 1aad ee TFG II oo arrintaas dabada ka riixayey. Q.M. waxay u qaadatay in arrintaasu weli loo codayn doono oo weli doodi u dhiman tahay oo la sugayo in Baarlamaanku ansixiyo.

So’aalaha ummadda Soomaaliyeed ay is-warsanayso waxaa kamid ah: Xadka dalka Soomaaliyeed leeyahay yaa is-fahan looga baahan yahay? Yaa dalkayaga nagu haysta? Xadka aanu badda ku leenahay waxay ku qeexan yahay joqoraafiga Soomaaliya, sidaas ayuuna uga diiwaan gashan yahay xeerka badaha  dunidu wadaagto oo la wada xurmeeyo.

Madaxda TFG-da uma harin wax kale oo lasii gado oo aan ahayn xadka badda oo laga ganacsado.

Si burcadnimada xatooyada badahayaga loo xalaaleeyo, iibka badda waxaa lagu daray arrimaha  “Roadmap” oo isaguba xaaraan ah.

Roadmap-ku wuxuu khuseeyaa arrimaha siyaasadda oo cakiran oo xal laga gaariwaayey ee kuma jirto milkiyadda sugan ee qaranku leeyahay, sida: Badda iyo khayraadka ku jira, khayraadka shidaalka dhulka ku duugan, macdanta buuraha noogu jirta, biyaha dhulka hoostiisa ku jira, wabiyada dalku leeyahay, cimilada hawada, samada dalkayaga korkiisa ku fidsan, dhirta dalka ka baxda, duunyada dadku dhaqdo, iwm.  

Diidmadii baarlamaanku gaaray 8 bilood kahor baa TFG-du u gudbisay Q. Midoobay, taasoo u ekaatay in baarlamaanku mawqifkiisa ay weli doodi ka furan tahay. Khiyaamada TFG-du waa ballaaran tahay, welina way socotaa oo lama quusan; waxaana khiyaanooyinka cusub kamid ah:

In Baarlamaanka wax laga baddalo oo lagu soo kordhiyo xubno cusub oo waafiqi kara wax alle wixii TFG-la timaaddo. Xubnaha baarlamaanka cusub waa kuwo u nuglaan doona wax alla wixii TFG-du la timaaddo oo sharciyayn u baahan. Beelihii xildhibaannadu ka yimaadeen bay kasoo naqaysanayaa cid oggol oo ku qanacda sandureerto yar oo la siiyo.

Si arrintaasu u hirgasho inta aan la gaarin 19ka Dhisembar waxaa loo yeeray nin la yiraahdaa Mudane Cali Mahdi Maxamuud oo ah khabiirka ku faradhuuban soo-naqaynta canaasiir u tunjilicsan rabitaanka madaxda TFG-da iyo rabitaanka Mahiga.

Xubnaha Baarlamaanka ku jira oo TFG-du damacsan tahay inay ka takhalusto ma ahan wax qarsoodi ah oo ciddii doonta way baari kartaa. In badan oo iyaga kamid ah waa loo cagajugleeyey. In kale wax baa lagu gufeeyey oo codkoodii waa la iibsaday, inta mooshinka dawladda hore u diidi jirtana waa laga takhalusayaa ayadoon la gaarin waqtigii lasoo dooran lahaa xildhibaanno cusub.

Bilowgii sannadka 2011, wasiir katirsanaa TFG-da uu Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ka ahaa wasiirka 1aad, ayaa London loga soo dhiibay qorshe ku saabsan soo gaabinta xadka Soomaalidu badda ku leedahay oo lagu baddalo nadaamkan cusub oo la magacbaxay (EEZ) oo afka qalaad loo yaqaan “Exclusive Economic Zone” oo dhan baaxad 12 myl/badeed.

Bilowgii sannadka 2011 ayaa qorshahaas waxaa loo soo dhiibay  Abuukar Cabdi Cumar oo ahaa wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa si loo hirgeliyo EEZ.

So’aashu waxay tahay, anigoo leh milkiyad xuduud badeed oo gaaraya 200 myl badeed maxaa dib noogu soo celinaya 12 myl badeed oo keliya?  Qorshaha hadda socda waa in la ansixiyo iibinta xadka badahayaga kahor 19 bisha Dishembar, 2011.

Maxaa TFG-da ku kallifay inay bareer ahaan badaha Soomaaliyeed usii gado?  Waa xukun jecayl. Madaxda TFG-da waxaa Mahiga u ballan qaaday inuu xukunka kusii hayn doono 5 sano oo dambe, taasuna wax wabla way ku doorsanayaan.

Tanu waa so’aal furan. Yaa nagu haysta baaxadda badda aan milkiga u leenahay? Jawaabta saxa ahu waa Kenya, Tanzania, Itoobiya iyo Mahiga oo qareen u ah dalkiisa oo yeesha xuduud badeed ballaaran. Waxaa nagu haysta shirkadaha caymiya maraakiibta iyo kuwa leh waxsoosaarka badaha u kala goosha. 

Waxaa kaloo nagu haysta madaxda TFG-da oo usii baahan lacag gufays ah oo noloshooda u socon doonta. So’aasha lays warsan karo waxay tahay: Cidda hadda wax nagu haysata maxay ugala xaajoon weydey Dawladdii Kacaanka oo xadka aan badda ku leenahay ka ansixiyey Jamciyadda Qaramada Midoobay 50 sano kahor?

Xadka aan badaha ku leenahay oo dhan ilaa 200 myl/badeed wuxuu ku cad xeerka lambarkiisu yahay 37 ee ma ahan sheegasho been ah ee waa mid dhab ah oo xeerka badaha nooga diiwaangashan oo dunidu noo aqoonsan tahay.

Waxaan kaloo xaq u leenahay inaan sii durugsanno xadkeenna badda ilaa 350 myl/badeed ah, sida haddaba ay yeeshay Jamhuuriyadda Guyana oo Jamciyadda Q.M. dhawaan u gudbisay codi sii ballaarsasho xududka baddooda.

TFG-du waa inay Mahiga usoo gudbiyaan go’aan baarlamaan oo qeexaya oggolaansha ka tanasulka xadka aanu badda ku leenahay oo lagu soo kobo 12 mayl. Dardargelinta ka tanasulka xadka badda aanu ku leenahay waxaa u xilsaaran: Mudane Cali Mahdi Maxamuud oo soo xulaya xildhibaanno mudiic u noqda arrimaha ganacsiga xaaraanta ah oo TFG-du damacsan tahay inta aan la gaarin bisha Agoosto 2012.

Waxaa kaloo arrinta iibka badaha u xilsaaran Mudane Shariid Sheikh Axmad oo ah Madaxweynaha TFG-da. Waxaa kaloo kamid ah Mudane Shariif Sheikh Aadan oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka. Waxaa kaloo kamid ah Barfasoor Cabdiweli M. Caligaas oo laga ballan qaaday inuu jagadiisa kusoo noqon doono hadduu hirgaliyo soo xadaynta xadka aan badaha ku leenahay.

Mahiga waa wakiil dahsoon oo u daneeya Tanzania oo dalkiisa ah, Kenya, Ethiopia iyo Rwanda oo iyagana kusii haya jagada uu UN-ka uga hayo Geeska Afrika. Mahiga wuxuu maanta ku tallaabsanayaa kabo jiic leh.

Lahaansha xuduud badeed oo sidaan u baaxad weyn faa’iidooyin badan buu u leeyahay jiritaanka qaranimadayada, dhaqaaleheenna iyo xuquuqda nooga iman karta bad intaas ku fidsan. Dawladaha kale -oo deris-badeedka aanu wadaagno ma jecla inaanu yeelano xuduud badeed sidaas u baaxad weyn.

Waxaan jeclayn hay’adaha caymiska maraakiibta oo bixiya qarash dheeraadi ah. Waxaan jeclayn dawladaha badda ka ilaaliya weerarka burcad-badeeddu ku hayso gaadiidka badda oo maraya dhul aad uga fog xuduud-badeedka Soomaalidu sheegato.

Sidoo kale, kuwa diiddan kuwa sharcidarrada uga kalluumaysta  khayraadka badahayaga.

Waxaa intaas dheer, kuwa qashinka nukleaarka ku quba badaha xuduudkooda lagu muransan yahay oo u baahan bad ay ku daadiyaan qashinka loo waayo meel kale oo lagu qubo.

Dr. Ismail Malaas - Keydmedia - Nairobi - ismacil.maalas@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.