Sharta Shariif Xasan baa Ka Badan Sharta Al-Shabaab

Abdallah Moallim Mahamud - Siyaasada Soomaliya ka jirto waa mid xuruufta lagu dhigo aynan lahayn shaqal, sidi la doonana loo aqrin karo ,ama aan si sahlan u iraahdo waxay noqotay xikmadi ahayd Af-Somaliga waa mergay oo kale, waxaan hadaladan hordhaca ah uga dan leeyahay in aan qoraalkan ku soo qaato umuura badan oo ku aadan xaalada cakiran ee waddankeena ka jirta , dadkeena iyo dalkeenana culays badan ku heyso.
Faallo Keydmedia Online
Sharta Shariif Xasan baa Ka Badan Sharta Al-Shabaab

Arrimaha ummaddeena waa jaantaa rogan, waa dheregi fara badsho waa fuud xaraareeyaa, iyadoo intaas oo wada dhaliil ah ay jirto haddana sideedaba lagama quusto raxmada ilaahey iyo raja uun in laga lahaado in uun wax iska bedeli doonaan sida xun ee wax u socdaan .

Weli ummadda isku fakir ma wada noqon, mana noqon doonaan, haddana iyado oo ay saas jirto beryahan waxaa gudaha iyo debada ka soo muuqanayay taageero loo haayo horumarka yar oo ay sameeyeen ciidanka xooga dalka Somaliyeed oo kaashanayo ciidamada Amisom oo iyaga eeda loo haayo aynan yarayn, iyadoon hadana la inkiri karin in aanan la ogaan Karin sidi ay ahaan lahayd xaalada waddankeeena ka jirto haddii aynan dowr weyn ku lahayn difaacida goobaha dowlada ka taliso.

Somalida waxay yiraahdaan "Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa ", xaqiiqo aanan laga fursayn waxaa ah in dalkeena iyo dadkeena oo la badbaadiyo ay ka imaan karto dadka Somaliyeed oo kaliya Ilaahey bacdigiis, waxaa iyadana xaqiiqo ah guushaas loo riyaaqay in aynan iska imaan oo ay ku timid Farmaajo iyo kooxdiisa oo habeen iyo maalin u soo jeedo sidi looga guul keeni lahaa ka adkaashada arrima badan oo Soomalida ka hortaagan in ay helaan dowlad wax-gal ah oo maareeyso arrimahooda.

Labaatan sano ayey nagu qaadatay sameynta dhisida ciidan ka hortagi karo cadawga ummadda, tabartoodaba hadda ha iska yaraatee , dowladi lagu soo dhisay Jabuuti waxaa waqti badan ka dhumiyay iska-dabayaaci dowladi ka horeysay dowlada uu hadda horkacayo Maxamed Cabdullahi Farmajo. dowladanna waxaa arrima badan oo ay qaban lahayd ka mashquuliyay Shariif Xasan oo isaga aad moodo in uu ku maqan yahay waxaan ummadda Somaliyeed ka maqnayn.

Shariif Xasan wuxuu ku maqan yahay sidi uu ugu waari lahaa ka sii dhax-muuqashada dowladda Somaliyeed oo aanan ku-meel-gaar ahayn,ummadda Somaliyeedna waxaa ka maqan sidi ay u dhisan lahayd dowlad ku horkacdo soo celinti karaamadeedi ,soo celinta dowlad ummaddeena ka soo saari karto gudcurka ay nagu tureen danaystayaal iyo dad ay ku adeegtaan shisheeyaha maslaxada ka leh dalkeena.

Shariif Xasan oradkaa ka dhamaaday ,waxaasa khayr badan ah in ummadda Somaliyeed intooda badan ay isha la heleen muxuu odaga dadka uga dhax-muuqdaa, una yahay nin soo taagan oo aanan la loodin Karin siduu isaga run mooday ,muxuu wixi uu ka mid noqdaba haddii uu dantiisa ka waayo lugaha ugu dhegaa,su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.