Sheekh Shariif oo mar kale Shaarka badalanaya

Dr. Bashiir M. Xersi (Italy) - Qamiis cad oo tafta ku eg gondahana aan dhaafsanayn, ama qoobka ka sarreeya, cimaamad cas oo Soomaalidu u taqaan “Abuu khaliij”, ama mid cadoo madaxa lagu hagoogto, gar dhuuban iyo gondo faydan, Aayado, Axaadiis, Janno, Shareeco, Islaan, Jihaad, Gaal iyo Muslin IWM, ayaa saab u ahaa Sh.Shariif, xilligii uu ahaa hoggaanka diinta Islaanka, si kale haddaan u dhahno wuxuu ku dahaarnaa oo ku gadaafnaa arimaha diin la moodka ah ama loo ekeysiiyey, noqdayse wax kale.
Faallo Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo mar kale Shaarka badalanaya

Sh. Shariif hab diimeedkuu shalay dadka ku laynayey ama ku gaalaysiinayey wuu ka baxay, sida haanta saabka looga baxsho ayuu isna uga siibtay! nasiib darro, si kale haddaan u dhahno wuxuu noqday mas galaalan oo kale, wuu xuub siibtay, oo masku xilli ka xilliba wuu xuub siibtaa, markaasaad arkaysaa wax aad mas mooddo, aanse ahayn mas, illeen waa mas xuub siibtee, sidaa si la mid ah waxaa muuqaalkii shalay ee Sheekha ka haray hummaagtiisa, kaliya ma ehee waxaa dhagaha wali ku soo laalaabanaya dawanka laba dhaca erayadisii, hadal macaan hoggaan jilicsan iyo heeryo shisheeye.

Dad badan waxay u yaqaanniin “Shariif la soo gamay” ama “Shariif la mooday”, Ani ahaan waxaan dhihi lahaa: “la soo gamay”, yaa soo gamay? Xaggee laga soo gamay? Maxaa loo soo gamay? Intuu raagayaa? Dhammaan weydimahaa waxay u daynayaa habdhaqankiisa dhacdooyinka maalmaha socodka waqtiga iyo ayaaha, midda ah Shariif la mood waxaan uga bayray waa Aniga ima qaldin kumana qaldamin, dadka diintu madaxmartay ama caadifadda diimeed u taageeray ayuusan u noqon siday moodeen, haddiise iyadoo dadkaa maankooda loo hadlayo lagu tilmaamo waa tilmaam sugan.

Maahmaah ayaa dhahaysa: “Dhar magaalo waa la gashan karaa, Dhal magaalo si loo noqdo ama Dhaqan magaalo loola yimaadaase waa adag tahay”, in madax la noqdo waa loo wada bukaa oo loo wada jadbaysan yahay, haddana inta hannaankeeda taqaannaayi yaraa!, jaahil aan xeer siyaasadeed xukun dawladeed iyo xil Protocol midna aan xog u hayn badanaa,  mid qabiil ugu soo dabbaala qaylo sawaxan iyo qabweyni wax ku doono, mid diin ku soo dugaaloo darajo Eebbe iyo daartii Aakhiro wax ku doono, labadaa waxaa dhextaal u ah calooshood u shaqaystayaal iyo siyaasiyiin af iyo calool ah, muhimaddoodu tahay xaa jeebka ii soo galaya?

Dawladda Sh. Shariif waa laba gu’ jirsatay, labadaa gu’ waxay ku dhammaysatay khilaaf muran iyo socdaal, labadaa gu’ waxaa la soo dhisay ugu yaraan sadax xukuumadood, dhawr kolna waa la isku dhaandheeyey, ra’isul wasaarahana la magacaabay dhawr kol kale, tani waxay kuu muujin isdhexyaaca meesha yaal, iyo jid iyo jiha la’aanta lagu jaanqaaday, dhanka kale waxay ku oodnaayeen dhawr mitir oo ay ku ilaaliyaan ciidamada Uganda ka socda, dhan walba waxaa uga hareeraysan moorta diinta ee Alshabaab, haddana hal tallaabo waa ku guulaysan waayeen dhan walba ha ahaatee.

Hadda waxaa la marayaa xaalad kala guur ah, marka la eego xilka oo ka sii dhammaanaya dawladda Shariif, iyo dhilaafkii kala dhexeeyey Shariif Sakiin oo sii xoogaystay, dhacdooyinkii bilihii tagay markaad eegto waxaa kuu soo baxaya hanka Shariif Sakiin iyo hadafkiisa, todobaadkii tagay markaad eegtana waxaa kuu soo baxaya hanka Shariif la soo gamay iyo hadafkiisa, kan hore wuxuu u xusul duubayaa siduu mar madaxweyne u noqon lahaa, kan dambana wuxuu ku dadaalayaa siduu u sii xajisan lahaa kursiga madaxtinimada, waxayse ka wada midaysan yihiin xiljacaylka xishood la’aanta iyo aqoon xumida.

Haddaan si kale u eegno Shariif, waxaan ku magacaabi karnaa: “Shariif haye”, sidan waxaan ku iri: waxaa lagu sheegay inaysan warkiisa ku jiran maya, qof walboo u yimaada ee la hadla ajnabi iyo Soomaali inuu ugu warceliyo haye, macnaha wax ma diide nacamta ayaa halhays u ah, dhaqankaas marka la eego ayaan u iri:”Shariif haye”,  si hayada uu u sii hirgaliyo wuxuu todobaadkii tagay booqasho ku tagay wadamada Kenya Uganda iyo Ethiopia, labada hore wuxuu u dhoofay habeen madaw oo ahaa safar aan horay loo sii shaacin, halkan aan weydiin dhegee: ma xasuusataan Shariif oo maalin booqday dad barakacay ama dad ku dhaawacmay qaraxyo? Dabcan dhibaato ammaan waa jirtaa, balse meelo uu tagi karo way jiraan, haddana ma dhicin, markase ay dantiisa ku jirto si uu kursigiisa u xajisto habeen iyo dharaar safar wuu u galaa.

Safarada uu ku tagay dalalkaa waxay ku qotomeen garqabsi, ujeedku wuxuu ahaa inuu wadamadaa ka dhaadhiciyo inay taageero siiyaan si uu xilka u sii hayo, dhanka kalana uu u ballan qaado inuu shaqaale u noqonayo, danahoodana fulinayo, maadaama ay dano waaweyn ka leeyihin Soomaaliya, balse waa weydiine: dadka diinta ku raacay Shariif ama uu ku indhasarcaadiyey ma is lahaydeen Sheekh Shariif ayaa sidaan u dhaqmaya? Hadday maya tahay ha lagu cibra qaato oo dhinac ha nala dhigo caadifadda wax walba oo ay tahay, hadday jawaabta haa tahay, gablamooyin maxaad noogu gaagixiseen?!.

Ninkii meesha la keeno la keensado ama yimaada muxuu ugu xargagaa? Aniga waxaan wali garan la’ahay waxa ku jira meesha ee dadka ku dhagiya, waxaan wali fahmi la’ahay magnadka dadka qabsada marka ay meeshaa galaan ama xilkaa qabtaan, waa kan kii u dambeeyey sheekhii diinta ee Xabashida xukun adag ku riday, maanta isagaa u xaluulanaya Xabashi si uu u raalligaliyo, wuxuu ka dhaadhicinayaa inuu noqonayo qawsaar daacad u ah, qabalowga Soomaaliyana si fiican u ilaalinaya, la yaab, ma dadkaa doorsoomay mise dunida ayaa dhinac kale u jeedda? Garan waayey Anigu.

Haddaan galaagalnka Sh. Shariif guulaysan, hubaal inuu guulaysanyo Geeddi iyo guurtidiisa, oo isna bilahan olole ka waday magaalada Nairobi, wuxuu gaashaanbuursi la galay Shafiif Sakiin oo isna raba inuu gees galiyo Shariif haye, hubaal inaysan Xabashi Geeddi iyo Shariif kala jeclayn, ayse mar walba eegayso midka danteeda u fulinaya, wadaad iyo waranle wxuu rabo ha ahaadee, haddana waxaan aad ugu yaqyaqsadaa markaan maqlo Geeddi oo han uga jirto inuu Soomaali dib u maamulo, wax kale ma ahane waxaan xusuustayda ka go’i la’ sanadkii 2007-dii iyo xasuuqii uu ka gaystay magaalada Muqdisha, haddana waxaan aqaan dadkaygoo ma weynayo xildhibaan xaraan cun ah oo u codeeyo iyo mid qabiil ugu sacbiya.

Galaagalka Sh. Shariif wuxuu muujinayaa sida looga wada siman yahay xukun jacaylka, sida loogu wada hamuun qabo madaxtinimada, sida loogu wada dhaggan yahay kursiga, sida loogu wada maman yahay gambarkaas, ninkii gees ka qabtaahiba uusan daynayn, inta farajirjir looga qaadayo ama laga fara maroojinayo, eeg Maxamed Siyaad Barre, Caydiid oo Isagoo dacalka Salbaar haya docda xabad looga dhiftay,  diintu saw ma lahayn Zuhdi iyo cibaado xoogga halla saaro, mise nimankan diintooda ayaa sheegaysa sidaad xukunka ku gaari lahaydeen ku dadaala, markaad qabataanna ha daynina oo waligiin haya, illeen Ebbe ayaad wakiil ka tihiine, tani siyaasi ma qusayso maxaa yeelay isaga quwad qarsoon kuma tiirsana, wakiilnima Eebbana ma sheegan.

Sidoo kale dadaalka xooggan ee Shariif ugu jiro inuu xilka sii hayo, waxaa si weyn looga dheehan karaa Golaha Guurtida Hawiye ee uu magacaabay dhawaan, dhismaha guurtidan miyaa laga tasuulaystay Somaliland? Mise Isimada Bari ayaa laga dheehday? Miday tahayba wuxuu uga dan lahaa inuu taageero ka dhex helo beesha, isagoo u maraya afarta quwaax ee uu magacawday, dad badan ayaase rumaysan in Shariif wadadii ka habaabay, madaama uusan ku soo darin golahan ragga xillagan ugu cad cad odayaasha Hawiye, ma u dooq xumaa? Mise waa u siyaasad xumo? Mise waa u xulid xum? Miday tahayba wax weyn ma keeni doonaan.

Ugu dambayn, Sheekh Shariif ma ahan markii u horraysay ee uu shaarka badasho, sadarada korana waan ku xusnay inuu sida maska u xuub siibto, xilligu ahaa godoomiyaha wadaadada halaagga horseeday baaqiisu wuxuu ahaa diin iyo Shareeco, markuu ahaa gudoomiyaha habqankii wadaada halaagga horseedana baaqiisu wuxuu ahaa muqaawamo, markuu madaxweynaha noqdana baaqisu wuxuu ahaa argagixiso, haatan oo xilku ka sii dhammaanayaa baaqiisu waa ammaan Xabashi, adduunyoow xaalkaa ba’, shalay diin manta darajo!

Xil jacaylka inta uu gaarsiisan yahay waxaad ka wada dheehan kartaan kordhinta mudada golaha baarlamaanka, kalfadhigaa waxaa soo xaadiray tiradii ugu badnayd abid, buuq sawaxan iyo feer midna kama dhicin, waxaase la yaab ah dalka yaa maamula? Ma IGAD mise dawladda Soomaaliya? Hubaal in tan hore maamusho, maadaama ay ogolaashada kordhinta golaha baarlamaanka baxsay, xukuumaddana lagu yiri waqtigaaga iska dhammayso, kollay bilo aya kuu hartee, waxaan soo magacaabanaynaa mid kaloo laba sano Soomaali noo sii maaweelisa.

Dhacdooyinkan iskama dhacayaan, ee waxay ku dhacayaan damiirxumada Soomaalida, oo dhammaan wada noqdeen dabadhaqayaal shisheeye, taasoo keentay in dalkii maxmiyad ururro la galiyo, dhawr sano ka dib hoggaan cusub, sanad ka dib ergay cusub, waaqicana wax iska badala ma lahan wax sii xumaada ma ahee, Gaajo, abaaro, colaado, dagmaysi iyo gobolaysi, waxaan ku soo gaabin, inta damiir Soomaali lahooy dalkii farahuu ka sii baxayaa, waxaa u heshiiyey doqon danti eegta ah iyo duni shisheeye, ee aan sidaan wax ka badalno.

W/Q: Bashiir M. Xersi - Italy - brdiraac@hotmail.com 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.