Sheekh Shariifow: Gacmahaaga hayska Goyn!!!

Noloshu waa hardan iyo halgan, waa hardanoo dagaal iyo dirir ayey ku sumadan tahay, misana waa halganoo waxaa dadaal loogu jiraa soo dhicin hunguri iyo dhuuni, haddaba waa lagama maarmaan inay yeelato seero iyo soohdimo, si aysan u dhicin xadgudub iyo xerotaraar, sidaa iyadoo ah haddana gacan ka hadalku waa joogto, qayladhaanta iyo qabqabsiguna waa lammaanaha dagaalka, mar waa maamul ballaarin iyo madaxtinimo xoojin, marna waa dhaqaale raadin iyo xoolo xarayn, intaba waxaa ka dhasha dhimasho dhaawac iyo dhiillo aa dhammaan!.
Faallo Keydmedia Online
Sheekh Shariifow: Gacmahaaga hayska Goyn!!!

"Siyaasaddu Aabbe maleh", sidaa waxaa qoray Abwaan Abdi raxmaan Galayr, qormo xoogaa farriimaha laga dhiibtay ay xag u ciirayeen, barashada siyaasadda in dugsiyo machadyo iyo jaamacado looga soo boxo ka sokow, dad badan oo Soomaali ah ayaan wali rumaysneyn inay xirfad tahay, lagu kala habboon yahay loona kala hanqaltaag badan yahay, qancinta dadkan midda aan u dan leeyahay ma ahan, ee farfiiqaddaa ayaan uga haray, waxaanse doonayaa inaan isku xiro siyaasadda iyo nolosha ama nolosha iyo siyaasadda, midkaad doonto hormariye, hadba waa midda aad xoogga saaraysee.

Siyaasadda Soomaalida sanadihi tagay, waxaa safka hore ugu jiray rag aan sadar ka qaadan karin, aqoonteeda iyo garashadeeda aan lahayn, ay u sii dheer tahay sirqabayaal inay yihiin, sumcad xumada ay dadka ku dhex leeyihiin ka sokow, waxay dadka ku yihiin culays iyo caqabad cunaha u taagan, ararta haddaan intaa uga haro, aan u guda galo qormadan ujeedkeedu yahay iscasilaaddii C/rashiid Sharmarke iyo magacaabista la wada filayo, Anoo diiradda saaraya astaamaha uu yeelan doono, waxa laga filan karo iyo waxa horyaal.

Khilaafkii dhexmaray Sh. Shariif iyo Ina Sharmarke, oo ku soo afjarmay iscasilaaddii Sharmarke, waxaan ku muujiyey qormo hore oo aan ugu magac daray "Tanaasul mise Tatajis!", siyaasu isku sheegga Soomaalida waxay caado ka dhigteen marka hore inaysan garaadka adeegsan, heer laga gaaro inay xeero iyo fandhaal kala dhacaan, taasoo ka dhigan qof ku dul oynaya barooranaya caano daatay, markii horana Isagu daadshay, mana rumaysna maahmaahda dhahaysa "Caano daatay daba qabadey leeyihiin", mana ka ahan maahmaahdii Talyaaniga ee ahayd"Caano daatay laguma dul ooyo!"non si biance sull latte versato!".


Magacaabista laga wada sugayo Sh. Shariif ma ahan mid sahlan, maxaa yeelay wuxuu u dhexeeya dhardhaaro badan, oo dhammaantood doonaya in dherigooda la saaro jikada shidmi doonta, dhardhaaradan waxay isugu jiraan kuwo gudaha ah(beelaha Soomaalida + ururada diinta), iyo awoowadaha dunida, maxaa yeelay waa inay raalli ka wada yihiin Maraykanka Midawga Yurub iyo waliba jaaradda Ethiopia, haddaba ma ahan arrin igu soo bood ah ama igu soo orad ah, haddana ninka xilka dusha u ritay wax walba oo uga yimaada waa inuu u dulqaataa.


Magacaabista ninka soo muuqan doona, ma ahan nin laga filan karo wax sidaa u buuran, waa la is dhihi karaa, indhagashi madow ayuu wax ku eegayaa, ama waxaa ka badiyey xumasaadinta, maxaa yeelay ninkan aan la garanayn ee waliba isu soo ban baxshay inuu dalkan iyo dadkan badbaadsho, miyaa la oran karaa wax lagama filan karo? Waxaan dhihi lahaa yaan mar walba saadaal dilloon dadka lagu sabaalin, milicso sooyalka wax yar, dawladdii C/qasim iyo Cali Galayr xaggee Soomaali dhigtay?, Dawladdii C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi xaggay ku furtay reerkii? Maamulkii Maxkamadahu maxay Soomaali ku soo biiriyeen? Dawladdii C/laahi Yuusuf iyo Nuurcadde maxay dadka u qabteen?.


Midda dambe waxaa lala soo boodayaa waxay joojisay dagaal, balse miyaa loo unkay inay dagaal joojiso mise awalba iyadaa hurisay? Yaanan ku durgin qiimaynta tagtada, ee aan u soo laabta taaganta iyo waxa iminka socda, Sh.Shariif ma wuxuu mari doonaa wadadii hore, waxaan uga jeedaa miyuu soo magacaabi doonaa nin la mid ah Ina Sharmarke? waa u dhaqan Siyaasiga Soomaalida inuusan wax badan eegin ama si fican wax u xeerin, malaha waxay jecel yihiin khilaafka iyo muranka, sida dhacday dhici doontana haddaan laga taxadarin, magacaabista waxaa xigaysa xagxagasho iyo xushmad la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.