Shib-dhe, Ama Sheelada

Dr. Ali. A. Hirabe - Waxaa leeys lahaa,waxaa laga gudbay xiligii Siyaad Bare ee kaligiis talinimada aheeyd ee Caaqil Faarax Golalleey ku qeexay murti lugu soo koobtay Siyaasadii "Ama Afgooye aad ama Afweeyne raac ama Afkaaga hayso".
Shib-dhe, Ama Sheelada

 

Waa xiligii uu Siyaas Bare geeystay dulmigii ugu foosha xumaa abid waa watktigii la laayay 10 kii culumo ee uu maalin cad dhiigooda ku daadshay xamar,waa xiliga aay bilaabatay in leeys aamusiyo afka leeys-qabto aayna adkaatay wararka xaqiiqda ah iyo wararka siyaasada ee watkhtigaa.

Runtii xiligaan ayaa ka xun kana dulmi badan marba haddii Qaranimada Somali lagu qeeybinayo dastuur eey qoreen qubaro cadaan ah oo aanan lagu dhaqeeyn dastuurka balse umadii somali ee lagu dhaqi lahaa looga hanjabaayo qaata waa qasab, waxaa xiga caburinta iyo duudsiga xaqa umada in kacdoon umadeed bilowdo taas oo lagu diidaayo dastuurka qabyo qoraalka.

Waa dhab haddii umada afka laga qabto in aay badaneeyso guux sabbaba in aay curtaan dhaqdhaqaaqyo lagu diidayo Siyaasada umada lagu caburiyo, dhaqdhaqaayadas waxaa aay xiligaan isgu jiraan kuwa siyaasadeed iyo mid umadeed.

Arinta caburinta shacabka waa mid ku dhiiragelineeysa in ciidamada Meliteriga iyo Boliska ay burburaan kuna noqdaan reerahii aay ka yimaadeen ayaga oo ka damqaya duliga dastuurka qabyo qoraalka ah ee ku wajahan qeeybinta qaranka Somali iyo kutumashada sharfta dalka diinta iyo dadka.

Dhagabadan oo ka careysan talaabada ra´sul wasaaraha ayaa si care leh u yiri war ninkani ma raísul wasaaraa mise waa kaaba Qabiil, maxaa dhex geliyey soo xulida odayaasha dhaqanka, taasi waxaa ay cadeeyneeysaa in Dhagabadan iyo saraakiisha dalka aayan u dulqaadankarin ku tumashada iyo qeeybinta qaranka Somali, sabbabta oo ah waa xooga kaliya ee loo abuuray xoriyada shacabka iyo kobcinta siyaasada wanaagsan oo lagu dhaqi karo umada aay ka yimaadeen in aay ka badbaadiyaan gardarada iyo siyaasada foosha xun ee lagu qasbaayo umada somali.

Waa xooga kaliya ee laf-dhabarka u ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka gudihiisa una xilsaaran ilaalinta nafta iyo hantida muwaadinka iyo ka hortagga iyo dabagalka dembiyada iyo xeersocodsiinta,sida taariikhda aay sheegeeyso burburka Somalia waxaa laf-dhabar u ahaa ciidamada markii aay gadoodeed kuna biireen mucaradka oo ka gadooday caburintii iyo kaligiis talinimadii Siyaad Bare.

Dastuurka qabyo Qoraalka waxaa lagu diidan yahay :

1.Maaha mid ka dhex muuqda qaranimada Somali ( xuduudkeeda bariga iyo bada )

2. Qodobka 1aad - Mabaadi




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.